Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 5aad (dib u Akhri warbixin muhima)

Filed under: Wararka |

Afeef Maqaalkaan waxaan dib ugu daabacnay codsi nooga yimid macaamiisha oo u baahday oo waayay
Halkaan ka eg Qaybihii hore
Qaybtii 1aad
Qaybtii 2aad
Qaybtii 3aad
Qaybtii 4aad

Qaybtan waxaan ku eegaynaa Muhiimadda tartansiinta Musharaxiinta, ama Musharax Xildhibaan hanoqdo ama Musharax Madaxwayne hanoqdo, hadaan ruuxa isku sharaxaya qabashadda masiirka umadda aan mudo dheer ladarsin hadafkiisa, waxaa sifudud isaga soo boodaya oo hadhow booskii kuguulaysanaya kii dadka ugu xumaa.

Umadaha horumarka gaadhay arinkaas aad bay uga gaashaantaan, waxayna sameeyaan tartansiin latartansiinayo Musharaxiinta jago doonkaa waxaana loosoo diyaarsadaa su-aalo adag oo dhamaantood kusalaysan waaqiciga jira, iyo sidii mushkiladaha iyo caqabadaha hadda jira loo xalinlahaa.

Su-aalahaas ayaa marka hore Musharax kasta si gooniya loo waydiiyaa dabadeedna saxaafadda ayaa shacabka usoo bandhigta, marka danbe ayaa la isku keenaa musharaxiinta kuwa ugu firfircoon waxaana la dhexdhigaa su-aalahas oo marba mid lawaydiinayo si ay shacabku u arkaan ninka ama gabadha kabixi kara/ta caqabadaha ladoonayo in laga gudbo, iyo shakhsiga haya afkaar dadkana lagu midayn karo, dalkana lagu horumarinkaro.

Laakiin waxaa mushkiladda dhaqanka soomaalidda oo caado kadhigtay in ay taa badalkeedda waxwalba kujaangooya reer hebel, sidaana sax ma ahan, shakhsiga muhiimkaa sidaan horey usoo sheegnayba waa sidda Boqorka shinidda oo kale, bini aadamku waa kala duwanyihiin, waxaana laga yaabaa in ay soomaaliya joogaan illaa 100 shakhsi oo awood u leh in ay dhibka Soomaali kasaaraan, Shakhsiyaadkaas waxaa lagu soo helikaraa iyadoo inta dadkoo dhan laxulo markaas saas lagu soo helo, Matalan Maxamed Saleebaan Tubec fanaan lamidda mahaysaan, sow isaga gaar uma ahayn laxankiisa iyo qaabka uu heesaha u jiibinayay, sidaas baa illaahay umadiisa ukala duway, hadaan saas loobaarin oo loo tartansiinna shakhsiga aan doonayno in uu dhibka naga saaro helimayno, sidaa la ajligaad baa laga rabaa shacabka in ay markaan ka tanaasulaan Qabiilka ayagoo markaan kaliya baaranaya shakhsi qaabkii saxda ahayd u hogaaminlahaa, oo aragti dheerleh ee aan kushaqayn kaliya damaciisa, waayo markuu damaciisa kushaqeeyo aakhirka wuxuu noqonayaa Horgale qolooyinkale ku adeegtaan oo markaas isaga iyo qolooyinka uu u shaqaynayo ay dalka ka adeegtaan, ee aan taa abdalkeeda dadka iyo dalka loo adeegin.

Puntlanobserver.com ayaa baryahaan soo daabacaysay doodo dhexmarayayay Mausharaxiin maraykana si markaas shacabka Soomaaliyeed u fahmaan muhiimadda in latartansiiyo musharaxiinta oo markaas shakhsi walba lagu xusho kartidiisa.

Halkaan ka daawo-kennedy-vs-nixon-doodii-tartan-madaxeedkii-maraykan-1960

Halkaana ka daawo-doodii-tartanii-madaxwayne-ee-ronald-reagan-jimmy-carter-iyo-bush-vs-reagan

daawo-3-dii-doodood-ee-tartan-madaxwayne-1992-ee-clinton-iyo-bush-iyo-ross/

Hadaba hadii aad daawatid doodahaas waxaa kuusoo baxaya waxyaalo farabadan, waxaanad awood u yeelanaysaa in aad si saxa u aragtid kartidda iyo hadafka shakhsiga tartamaya, waxaana doodahaas ay kala saaraan Musharaxiinta waxaana marwalba guulaysta Musharaxa ugu kartidda badan waana sidda saxdaa ee ay shacabku ku xushaan Musharax ay isleeyihiin waa shakhsi shacabka Guul u horseedi kara.

Inta aan doodaha ugu danbeeya laqaban ayaa tartankaan si tartiib tartiiba mudo sanad iyo bara Musharaxa khudbadihiisa saxaafadda lowgu soo bandhigaa.

Shacabka soomaaliyeed haka digtoonaadeen in ay Doortaan Musharax aan la aqoon oo kusoo boodo ah, waa arin halis ah, Musharaxa waa in uu mudo dheer layaqaanay oo la iska soo akhriya ruuxa uu yahay, oo doodihiisa ay meel walba yaalaan oo la ogyahay hadafkiisa iyo qaabka uu dalka dhibka uga saarikaro.

Waa in ay shacabkoo dhan u jeedaan Musharaxa qorshihiisa siyaasadeed, waa in khudbadihiisa meelwalba ay yaalaan, laakiin waa halis Musharax kusoo boodo ah oo maalmaha doorashadu waxyar kaharsanyihiin soo muuqda, inkastoo illaahay amarki uu noqon koro ruux wanaagsan laakiin inta badan 80% waxay u badantahay in uu ruuxaasi yahay ruux isqarinayay oo markaas si hoose xildhibaano u iibsaday, oo shacabka iska qarinayay, waana ruux qolo gadaal kariixaysay oo is og in aanu shacabka kagadmayn.

Isku soo duub hadii aan sidaas si cadaaladu kujirto looxulan ruuxa loo dhiibayo masiirka umadda waxay u badnandoontaa umaduna in aynan marna calfan ruuxii xal waara u horseedi lahaa.

Halkaan ka eg Qaybihii hore
Qaybtii 1aad
Qaybtii 2aad
Qaybtii 3aad
Qaybtii 4aad

Ibrahin Sh Maxamed Hassan Gablax
Puntlandobserver.com