Sidee lacagta loosiiyaa Xildhibaanadda maadaama ay doorashadu qarsoodi tahay (Akhri falanqaynta)

Filed under: Wararka |

wacyigalin

Waxaa baryahaan danbe shacabkii Soomaaliyeed khaati kataaganyihiin Xildhibaanadii matalilahaa shacabka oo la iibsanayo.

Hadaba sidee Xildhibaanadda loo iibsadaa.
Warbixino aan si hoose uga helnay Doorashooyinkii ka dhacay Puntland, Ximan iyo Xeeb iyo Tii ugu danbaysay DFS ee Muqdisho ayaa sheegaya in inta badan la isku raacay in uu dhaco saamaynta ugu wayn saq dhexe ama saacadaha danbe ee ka danbeeya 12-ka habeenimo habaynimadda subaxa ay doorashadu dhacayso markaas oo isfalasaadda dhanka kharashaadka ee Dilaaliinta iyo xildhibaanadda iibkaa ay qaataan go-aanka kama danbayntaa.

Hadaba sidee xildhibaanka loo aaminayaa mar hadii ay doorashadu tahay qarsoodi.

1) Waxaa marka koobaad xildhibaanka loo dhigaa lacagtii lagu heshiiyay xawilaad la isla ogyahay iyadoo loo hormarsho 10%, inta kalena lagu xiro in lasiinayo hadii uu jagadda ku guulaysto Musharaxu.
2) Xildhibaanka waxaa lookeenaa kitaab dabadeedna waxaa laga duubaa kaamiro isagoo kitaabkii gacanta saaraya, waxaana intaas sii dheer in marka hore baaritaan lagu soo samaynayo dhanka aaminaadiisa in uu yahay nin balanta ku wanaagsan iyo inkale, oo marka hore ayuu Musharaxu soo xansanayaa taariikhda xildhibaanka iyo in uu balanta ku fiicnaan jiray iyo in kale.
3) waxaa loo dhiibaa Xildhibaanka taleefon kaamira leh, oo layiraahdaa jeebka sii gasho oo soo sawir in aad Xaashidaas magacayga ku qortay iyo in kale, inkastoo aan maqalay in xildhibaano qaar intay sii qaateen xaashi yar oo dhuuban oo kusii qoreen magaca Musharaxa Dulsaareen xaashidii codaynta oo sawir ka qaadeen, dabadeedna sidaas qofkale ugu codeeyay ama dhowr Musharax oo ay balamo lagaleen u geeyay Masawiradii beenta ahaa ee khiyaamadda ahaa sidaasna ku xasiliyay lacago farabadan.

Su-aasha is waydiinta mudan waxa weeye, mar hadii xildhinaanadii horey loo dhaariyay oo lagu dhaarshay in ay dastuurka dalka u hogaansamayaan, maxay hadana ka dhaarinayaan marlabaad sow markaas nin laba dhaar maray ma ahan oo see loo aaminayaa labadda dhaarood tee baa sax noqonaysa, nin shacabwaynihii Soomaaliyeed oo dhan Khiyaanayse sidee buu isugu halayn karaa Musharaxu oo u aamini karaa.

Su-aasha labaad waxaa weeye
Xawaaladee yaalaysa in ay ganacsigga noocaaasa Goob joog kanoqoto, mase laga yaabaa in uu goor dhow warbaahinta laqaybsado ruux xog asala iyo masawiro iyo codadka dilaaliinta haya in uu lasoo xiriiro warbaahinta si shacabka lowgu bayaansho waxa meesha kasocda.

Sideese kunoq karaa Madaxwayne saxa ruux laaluush kusoo baasay, maxayse noqonaysaa dawladda uu garwadeen kanoqdo Madaxwayne dhowr Million ku noqday Madaxwayne oo dalkii qabsaday isagoo waxaas oo lacaga ama ay kabaxday ama dayn ahaan ay uga rabaan Xildhibaanadii, dabcan marka hore Madaxwaynahaas wuxuu awoodda saarayaa sidii uu lacagtaas u soo xasilin lahaa taasina waxay ka hor iman doontaa rabitaanka shacabka oo diidi doona qaabka uu wax u jaangoyn doono, taasina waxay sababaysaa in waqtigu kaga dhamaado isaga iyo shacabkii uu Madaxwaynaha u ahaa oo Khaati kala taagan.

Tusaale Fiican waa tan Dawladda Culusow iyo Muqdisho.
Warar xaqiiq hoose ayaa sheegaya lacagta Xildhibaanadda uu ku iibsaday Culusow in ay bixisay Dawladda Qadar, lacagtaas iyo Dilaalnimadeedda iyo Keenideedda ayaa lasheegayaa in ay garwadeen ka ahaayeen Wasiiradda inta badan Culusow la jaalka ah ee Dam Jadiid, waana sababta ay shacabka iyo Wasiiradda Culusow iskula keeni la’yihiin waayo shacabkuna Dawlad wanaag bay sugayaan, Culusow iyo wasiiradiisuna wali armay ku jiraan xasilintii 7 Million$ ee kaga baxay Doorashadda.

Aakhirkii halkaan ka dhagayso maahmaahdii Salaad Cali jeele ee ahayd.
Anniga isloogankaygu wuxuu yahay Lacagi waa qaadasho Codkana waa in anniga la’isiiyo

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/01/salaad-isloogan.mp3]
Ama Moobaalkaaga ka dhagayso