SIDEE U GUULAYSTEEN? ‘ bilow adag oo guul ku dhamaaday’

Filed under: Wararka |

Sidee loo Yagleeley Barta HOTMAIL?

Waxay ahayd xagaa sanadku markuu ahaa 1968 xiliguu uu dhashay, wuxuuna ku barbaaray gobalka bangaloor ee dalka Hindiya, asagoona dhigtay mudo labo sano ah dugsiga laga barto tiknoolajiyada ama aqoonta farsamada ee Berla. Kadibna waxuu u wareegay gobalka Pasedena ee dalka Maraykanka waxuuna durbadiiba waxbarashadiisa ka bilaabay Dugsiga Caltech kana bartay Injineernimada korontada, kadibna waxuu u wareegay dugsiga Stanford waxuuna ka qaatay shahaadada aqoonta sare, markuu ka qalin jabiyey Jaamacada Stanford, waxuuna shaqo ka helay shirkada Apple, sanad kadibna waxuu uga wareegay shirkad kale oo ka shaqaysa korantada.

Waxaa ku dhalatay in uu aasaaso shirkad asaga iyo saxiibkii Jack Smith, waxayna bilaabeen inay raadiyaan cidii maalgalin lahayd shirkadooda ka shaqayn doonta abuurida gunta macluumadka internet ka ama waxa loogu yeero afka qalaad ‘Database’. Xiligaas oo ku beegmay xili koboceedkii ugu horeeyay ee internet ka ayaa ka dhigtay badi shirkadaha kuwo aan xiisaynayn hal abuurkooda. Si kastaba ha noqotee, Sabeer Bhati iyo Jack Smith may quusane way sii laba laabeen dadaalkoodii, waxayna isweydiiyeen maxay u baahan yihiin maanta dadka internet ka isticmaala? Waxaana ku dhalatay aragti ah in ay sameeyaan barnaamij ay adeegsan karaan labadoodu si ay isugu gudbiyan fariimaha ayagoo adeegsanaya internet ka.

Barnaamijyada guulaysta ee internet ka ku jira badidood waa kuwo u shaqeeya si bilaash ah ama aan uga baahnayn adeegsadaha in uu lacag bixiyo xiliga uu adeegsanayo. Sidaa daraareed, waxay helaan fursad aan looga horayn taasoo ah samaynta Fariin gudbiye ama waxa afka qalaad loogu yeero Email bilaash ah kaasoo qof kasta uu isticmaali karo. Waxayna bilaabeen inay u degdeg gaan Sabeer Bhati iyo Jack Smith cidii maal gashan lahayd hal-abuurkoodan cusub ee samaynta Fariin gudbiye ama Email dadku fariimaha isugu diri karaan.

Sadex saacadood oo wada hadal ah kadib waxaa fikradoodii soo dhaweeyay shirkada Draper fisher Jurvetson. Waxayna ku heshiiyeen inay ku maalgashanayaan hal-abuurkooda 300 oo kun oo dollar ( sadex boqoloo kun oo dollor). Waxayna guda galeen Sabeer Bhati iyo saaxiibkii inay ka shaqeeyan shirkadooda habeen iyo malinba sidii ay usoo bandhigi lahaayeen hal abuurkooda cusub ee Hotmail.

Bishii Julay sanadkii 1996 kuna beegnayd dabaaldaga maalinta xoriyada Maraykanka ayay noqotay markii la soo bandhigay Hotmail. Malintaasoo sooyaalka ku gashay maalintii ay adeegsadeyaasha internet ku xoroobeen ayna heleen bar ay si fudud isugu gudbin karaan fariimahooda.

Daahfurkeedii kadib waxay bilaabeen in dadku isu tilmaamaan adeegsiga fariin gudbiyaha Hotmail si fududna waxay soo dhawayn uga heleen in badan oo kamid ah adeegsadeyaasha internet ka kuwaasoo u hamuum qabay fariin gudbiye noocaan ah oo bilaash ah.

Durbadiiba way kordheen adeegsadeyaashii barta Hotmail taasoo ay ku mutaysteen in la siiyo shahaadooyin maamuuseed kala duwan.

Intaa kuma joogsan kobicii shirkadu waxuu durbadiiba gaaray 10 Malyan (Toban Malyan) oo adeegsade ku waas ka dheehan kara barta Hotmail 40 Malyan (Afartan Malyan) oo iidheh ah maalin kasta. Waxayna ku kala noolaayeen adeegsadeyaashaas 230 dal oo aduunka ah. Sanadba ma gaarin barta hotmail markii ay shirkada Microsoft sheegtay inay danaynayso maalgashiga barta Hotmail, mudo aan badnayn kadibna october 1997 shirkada Microsoft waxay ku gadatay barta Hotmail lacag dhan 400 Malyan (Afar boqol oo Malyan). Waxaana Sabeer Bhati loo doortay inuu ka sii shaqeeyo barta Hotmail mudo sanad ah si loo sii hormariyo adeegyada barta hotmail.

Adeegsiga barta hotmail wuu sii balaaranayey marba marka ka dambaysa ilaa uu ka gaarey xiligaas 40 Malyan (Afartan Malyan) waxayna heshay barta Hotmail suuq iidheh ah (xayeysiin) oo aad u wayn. Barta Hotmail waxay u noqotay shirkada Microsoft bar ay ku gorgor-tanto shirkadaha kalana kula tartanto. Waxayna balanqaad uga dhigtay shirkada Microsoft in adeegsadayaasha hotmail iidheh la’aan adeegsnayaaan bartaooda hadii ay adeegsadan barnaamijkooda ka shaqaysiinta computer ka ee loo yaqaano Windows.

Waxayna ku gashay barta Hotmail shirkada Microsoft tartanka suuqa kaasoo shirkadu ku heshay maamuus sare. Inkastoo, ay iska caabin iyo tartan xooggan uga imaanayey shirkadaha Google iyo Yahoo.

Waxuu Sabeer Bhati ka tagay barta Hotmail markii ay u dhamaatay muddadii sanada ahayd ee uu kula heshiisay shirkada Microsoft. Waxuuna furtay shirkada Arzoo oo ka xirantay markii uu dhaqaale burburku ku yimid shirkadaha internetka sanadkii 2000, waxuu hadana dib u soo celiyay shirkadiisii Arzoo sandadkii 2006 waxayna shirkada Arzoo ka shaqayn jirtay safarada. Kadibna Sabeer Bhati waxuu ulaabtay dalkiisa Hidia si uu uga howl-galo halkaa ugana faa’iideeyo aqoontiisa dadkiisa iyo dalkiisa.

Maxaan ka baran karnaa sheekadaan?

  • Mar walba u dhaqan sidii in dhaqankaagu iyo dadaalkaagu yahay mid caalamka wax ka badalaya, Hadad saa u fakarto ogow in dadaalkagu yahay kii caalamka wax badan kusoo kordhin lahaa.
  • Dhaqaale kasta oo aad hesho Faa’iido mahan, laakiin ogow khasaaro kasta waa guul daro.

Hadaba dhalinyaro waa xiligii aan bilaabi lahayn ama aan soo bandhigi lahayn riyooyinkeena iyo mashaariicda aan ku hamiyi jirnay waligeen, hana is oran waligaa riyadaadu ma rumoobayso, Ogow in kun tilaabo kow ka bilaabato. Waad guulaysan kartaa.

WQ: Pro. Jamal Abdikadir Abdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *