Sidee Xisbiyo caddaalad iyo daacadnimo ku dhisan Puntland iyo Soomaaliya looga hirgallin karaa (Qormooyin arrinkaas ku saabsan kala soco Puntlandobserver)

Filed under: Wararka |

Shabakadda Puntlandobserver oo marwalba awoodda saadha dhanka wacyigallinta shacabka ayaa u arragta waqtiga hadda lagu jiro xilli muhiim ah oo haddii aan hada laga faa-iidaysan ay hadhow adkaanayso wixii hadda lasixi waayo in hadhow dib loo saxo ay adkaanayso.

Waxaan ognahay Nidaamka Asxaabta baddan ee Soomaaliland laga yagleelay in uu hadda caqabad wayn ku yahay geeddi socodka nabbad iyo xalwaara oo ka islaaxa deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Soomaaliland, waxaana habboon in Soomaalida kale ee doonnaysa in ay nidaamka asxaabta baddan ka hirgalliyaan deegaannadooda ay ka qaataan cashar iyo waaya arragnimo, qaladaadka ay sameeyeen Siyaasiyiintii nidaamka Asxaabta baddan ka hirgalliyay Soomaaliland.

Caqabadaha iyo dhibaatada ay Soomaaliland u keenneen nidaamka asxaabta baddan waxaa ka mid ah.

1) iyadoo markii hore aan shacabka sifiican loo tira koobbin, iyadoon la diin waangalin, iyadoon dadka loo samayn aqoonsi sax ah, sharciyo iyo xafiis Diinwaangallinneed oo rasmiya loo samayn ayaa halmar la isaga riyooday in Soomaaliland laga hirgallinayo nidaamka asxaabta baddan, Soomaalidun waxay ku maahmaahdaa “Hikaaddii Alifkaaga xumaata Albakhray ku dhibtaa”.

2) Iyadoo Xisbiyada lagu koobay Sadex Xisbi oo kaliya ” tani oo caqabad ku noqotay siyaasiyiin baddan oo karti laha oo Soomaaliland horumar gaarsiin lahaa oo maanta ay isaga gudbeen in ay isa soo sharaxaan ama xisbiyo Samaystaan sadexda siyaasi ee Waraabe, Cirro, iyo Siilaanyo oo hadda ay shacabkooda khadyaan ka taaganyihiin ciddii ka horwareejinlahayd nimankaan intaas soo taagan waayo shacabku wajiyo cusub iyo Isbaddal bay rabaan.

3) Iyadoo 5 sano laga dhigay halkii Teeram, waayo 5 sano wadamada Africa ee dhaqaaluhgu ku yaryahay aad bay ugu baddan tahay oo shacabku siyaasiinta waa dhibsadaan marka wadanka dhaqaalihiisu yaryahay, oo shacabka waxwalba Siyaasiyiintay dusha ka saaraan.
4) Iyadoo 10 sano laga dhigay xiliga ay 3-da Xisbi aannay cid kale dalka siyaasaddiisa kula tartami karrin.

Caqabadahaas iyo Qaarkale oo baddan waa kuwo maanta ku noqday shacabka Soomaaliland Dhagax Dadaan ah oo aynan sinna isaga horqaadi karin.

Puntland.

Beesha Caalamku waxay aad ugu dadaashay in ay Puntland ka hirgalliyaan Nidaam lamid ah midka hadda Caqabadda ku ah Soomaaliland, iyo Waliba kaba sii liita oo Kaligi taliye Faroolena waliba garwadeen ka ahaa.

Illaahay Mahaddi Shacabka reer Puntland illaahay waa garansiiyay Gododkaas iyo Boholahaas u qodnaa si ay ugu daadaataan, waxaanan xasuusanaa Xisbiyaddii Puntaland laga waday dadkii garwadeenka ka ahaa siday u ahaayeen dad aad u tayo liita, isla markaana ayba damacsanaayeen in ay garwadeen iyo talo keen shacabka Puntland u noqdaan 10-ka sano ee soosocota.

Laakiin Shacabka Puntland waa ay fahmeen Godadkaas loo qoday waxayna ka doorteen in ay ka dagaalamaan, oo rag badan baa naftooda u huray.
Inkastoo siyaasiyiintii reer Puntland ee mucaaradka ahaa ay markiiba shacabka u bidhaansheen Cawaaqib xumida ay keeni karaan Xisbiyadan Xaaraantaa haddii Puntland laga hirgaliyo, siyaasiyiintaas oo ay ugu cad cadaayeen Cabdiraxmaan Sh Mohamed Gablax Halkaan ka dhagayso digniintii Gablax, Cabdullaahi Siciid, Gaagaab, Caasha Geelle iyo qaar kaloo baddan ay maal iyo Muruqba galiyeen in ay shacabka tusaan Boholaha lala damacsanyahay in lagu aaso, hadana shacabka Puntland waa yeeleen Talooyinkii siyaasiyiintu ugu fadwoodeen ka feejignaanta Bohala Asxaabta baddan.

Doorashadii Puntland ka dhacday waxaa isku soo sharaxay Siyaasiyiin aad u tayo wanaagsan, midba midka kale ka talo iyo Tiigsi wacanyahay, oo aad isleedahay war raggaan qiimaha badan yaa soo xulay.

Halkaas waxaad ka dareemi kartaa siyaasiyiintii hormuudka ka ahaa nidaamka Asxaabta baddan ninkii ugu Tayada wanaagsanaa wuxuu ahaa Saadaq Eenow waxaanan ognahay in Saadaq Eenow uu is dhiibay xiligii Doorashadu soo dhawayd kaddib markii uu dareemay in ay meesha marayaan Siyaasiyiin ka culus, taasina waxay ku tusinaysaa sida uu nidaamkaas khatartiisa uu u lahaa, hadaan laga feejignaan lahayn.

Hadda iyo Puntland.

Qaybta labaad lasoco —–.

Puntlandobservr Desk