Siduu u dhacay dagaalkii Subixii Axadda Gaalkacyo ka dhacay yaase ka danbeeyay

Filed under: Wararka |

Dagaalka Gaalkacyo ka dhacay subaxnimadii Axadda ayaa loo badinyaa in uu ahaa dagaal ay ka danbeeyeen kooxo dano gaara leh, waliba waxaa farta lagu godayaa i ay maleeshiyada Alshabaab kusoo dhex dhuunteen maleeshiyada weerarka kasoo qaaday dhanka Galmudug, iyo iyadoo sidoo kale farta lagu godayo siyaasiyiin kale oo dano gaar ah leh in ay kharashaadka dagaalka bixiyeen.

Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday maleeshiyo kasoo jeedda Maamulka Galmudug, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen dad shacaba oo aan aan uba warhayn wax dagaala oo markaas gacmaha kula jiray dhismaha waddo laamiya oo ku taala xaafadda Garsoor oo aynan wax shuqula ku lahayn maamulka Galmudug.

Xaafaddaan ayay dadkoo dhan wada ogsoonyihiin in ay Puntland ka tirsantahay, xitaa meesha ay wadadaan ku taal ma ahan meel xuduuda oo u dhaxaysa Galmudug iyo Puntland ee wadadan labada dhanba waxaa ka dega reer Puntland, balse Xuduudu waa wadada wayn ee Muqdisha aadda oo dhankeeda kale ay maamulaan Galmudg ama Xaafadda baraxley oo ay wadada Garsoor ka imaanaysaa ladoonayo in iyadoo laamiya lagaarsiiyo.

Hal mar un baa laga warhelay xabad ka dul dhacaysa dadkii laamiga dhisayy, markii ay ciidamadii booliska iyo dadkii aagga deganaa ay is difaaceen ayaa waxaa xigay in maleeshiyaadka Galmudug ay qoryaha Zuuga iyo 37-ka ku garaacaan xaafadaha dhanka Puntland ee shacabku dego, waana sababtaas sababta loo keenay dhaawac gaaraya illaa 43 dad shacaba isbitaalka.

Nabadoonada Galmudug ayaa cadeeyay in aynan waxwara u hayn dagaalkaan ayna ku baaqayaan in dagaalka la joojiyo, taasoo cadaynaysa in dagaalkaan aynan wadan shacabka Galmudug balse ay wataan kooxo dano siyaasadeed oo gaara wata.

Si kastaba ha ahaato xaaladda ayaa hadda degan waxaana dib ugu noqday goobahoodii maleeshiyadii dagaalka soo qaaday.

Halkaan ka daawo dagaalka oo aan waxba la iskula harin

Puntlandobserver.com

One Response to Siduu u dhacay dagaalkii Subixii Axadda Gaalkacyo ka dhacay yaase ka danbeeyay