Sir Culus: Sababta Cali Khaliif Ay Ciidamada Buuhoodle U Inqilaabeen

Filed under: Important News,Wararka |

Intii aynan maamulka khaatuumo la wareegin gacan ku haynta Buuhoodle, Ciidamada Madanigaa ee Buuhoodle waxay heli jireen Mushaaraad farabadan oo ay ka heli jireen Canshuurta Shacabka degen Magaalada Buuhoodle.

Laakiin markii ay maamulkii Buuhoodle la wareegeen Maamulka Khaatumo ee Cali Khaliif ayaa ciidamadii madaniga ahaa waxay waayeen gunooyinkii iyo mushaaraadkii maadaama ay hadda wixii canshuur iyo masuuliyada ay qaadeen maamulka Galaydh.

Galaydh ayaa diiday in uu dhiibo mushaarka askar gaaraysa 100 askari.

Cali Khaliif ayaa qiraya in aannu rabin in uu dhiso wax ciidana.

Waana sababta ay u inqilaabeen Cali Khaliif, kadib markii ay ogaadeen in la hoosaasinayo.