Sir hoose:Shiradda Somoil Oo La Sheegay In Ay Colaadda Gaalkacyo Soo Abaabushay (Akhri Xog Si Hoose Aan U Helnay)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

top secret
Nin xog ogaala ayaa P/O Soo gaarsiiyay in colaadda Gaalkacyo ay qayb ka yihiin Shirkadaha Maafiyadaa ee Batroolka isla markaana ay go’aan sadeen in ay galiyaan dagaal faraha looga gubto Soomaalida Gobalada dhexe, Soomaalida degta inta u dhaxaysa Hiiraan iyo Burtinle.

Shirkadahaan ayaa raba in ay dhaccaan Batroolka iyo macdanta Soomaaliya waxayna isticmaalaal Shakhsiyaad Soomaaliya balse waxay shaki ka mujiyeen Soomaalida degaan ahaan kasoo jeeda Gobalada dhexe iyaga iyo shakhsiyaadkii Soomaalida ee ay isticmaaliyeen ayaa arrinkaas isla arkay

Qolooyinkaan maafiyadaa ayaa la sheegayaa in ay istuseen in ay ugu dhib badanyihiin Soomaalida degta Gobalada dhexe, sidaas awgeedna waxay u dajiyeen Qorshe laba geesooda oo dagaal aan dhamaan la dhex dhego Gobalada dhexe Soomaalida degta.

Kooxaha Maafiyadaa ayaa waxaa la sheegay in ay colaadaas u qorsheeyeen dhaqaale fara badan isla markaasna ay isku qaybsheen laba kooxood oo kooxi ay dagaalka kasoo maalgaalinayso dhanka Puntland halka kooxda kalena ay dagaalka Gaalkacyo kasoo maalgalinayso Muqdisho.

Dhanka Muqdisho ayaa waxaa laga dhaadhicinayaa Galmudug in ay hadda jaanis fiican haysato isla markaasna ay DFS ee Soomaaliya taageero dhaqaale ka halayso sidaas awgeeed waa in Galmudug ay xuduudeeda illaa Burtinle soo xirto, dhanka kale Galmudug hadda Jaanis fiican bay haysataa ay dhul durugsi ku samayso oo haddii ay ka faa-iidaysan waydo jaaniskaan waligeed dib uma soo marayo, maadaama hadda ay taageero farabadan ka helayso dawlada federaalka iyo lacag farabadan oo ay dhiibayaan shirkadaha maafiyadaa oo waliba caalamkana Galmudug ka iibinaya, haddii loo baahdo Alshabaab ay la shaqaynayso Galmud.
Dhanka kale Galmudug waxay u baahantahay in ay Canshuurta ka qaadato Ayraboorka Gaalkacyo

Dhanka Puntland ayaa waxaa laga dhaadhiciyay in ay Puntland tahay maamul quwad ballaaran oo muddo soo jiray oo aynan beesha yar ee Sacad u babac dhigi karin waana in ay soo xiraan xuduuddii Talyaaniga ee beelaha Daarood iyo Hawiye oo Gaalkacyo 60 km ka xigta dhanka Muqdisho, shacabka Gaalkacyood ee sacad ay hoos yimaadaan Puntland, oo markaas Puntland inta goori goor tahay xuduudeeda soo xirto, waxaana hadda ay Puntland caawimaad ka helaysaa beesha Caalamka maadaama Alshabaab lala dagaalamayo Puntland xaq bay u leedahay in ay kooxaha Alshabaab ka sifayso xuduudaha Puntland ka fogayso waxaana taageeraya kooxahan oo dhanka Ethiopiana taageero uga keenaya

Puntland ayaa laga dhaadhicinayaa Galmudug waxaa kusoo dhex dhunta alshabaab nabadina ka dhici mayso Gaalkacyo inta ay laba maamul wada maamulayaan oo shabaab baa Gaalkacyo dhanka kale xarun ka dhiganaya marka hadda ayaad jaanis haystaan ee maamulkaan yar ee Galmudug meesha ka saara.

Ninkaan xogta hoose noosoo gudbiyay ayaa noo sheegay in ay qorshahaan uu doorka ugu wayn ka ciyaarayo Xasan Culusow oo isaga lowgu sheekeeyay Beeshaan Habar-gidir iyo Daaroodka Mudug weeye waxa xukunkaagu ka socon la’yahay ee adoo turubka beesha Habar-gidir isticmaalaya dagaal gali beesha habargidir, dhanka kalena iska Laaluush Gaas oo si hoose ugu been guur isna oo ballanqaadyo siyaasadeed iyo saaxiibtinimo u muuji oo waliba Gaas ka dhaadhici in aad Puntland kursiga ku taageerto haddii mucaarad ku furmo, si aynan Dawladda Federaalkaa u burburin.

Caqabadda ugu wayn ee haysata qolooyinka qorshahaan riixaya.
Haddii dagaalka Gaalkacyo billowdo waxaa burburaysa DFS, hadana waxa qorshahaan gadaal ka riixaya waa isla qolooyin isticmaalaya madaxda DFS, marka waxaa ku adag sidii qorshaan dagaalka iyo sii jiritaanka DFS la isugu wadi lahaa.

Xogtaan ninka nosoo gudbiyay waa nin galaangal badan u leh DFS.

Halkaan ka daawo taariikhda shirkadda Somoil iyo xog khatara iyo khiyaamooyinka fashilmay

Akhri qormo aan P/O ku Daabacnay
Kooxda Damjadiid Oo Laxaqiijiyay In Ay Ku Talagaleen In Ay Gaalkacyo Dagaal Ka Ridaan