Siyaasiga Soomaaligaa Iyo Sida Maanta Gayiga Soomaalidaa Looga Necebyahay Siyaasi Soomaaliya

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Somalia
Waxay maanta bulshadii Soomaaliyeed khadyaan ka taaganyihiin Siyaasi Soomaaliya, waxaanad arkaysaa makhaayad kasta oo ay laba Soomaaliya shaah ku cabayaan marka Siyaasi Soomaaliya magaciisa lasoo qaado ayaad arkaysaa ruuxii Soomaaliga ahaa oo shacuurtiisii durba isbadashay caro awgeed.
Maxaa lagu nacay Siyaasiga Soomaaligaa.
Siyaasiyiintii Soomaalida ayaa waxay yeesheen damaca dhurwaaga, waayo dhurwaaga waxaa lagu yaqaan wuxuunan lahayn qaneeco oo aad buu u iimaan xunyahay haddii uu 50 ariya xero ugu yimaado 50-kaba naftuu ka qaadayaa oo wuxuu isleeyahay aad wada cuntid, laakiin Libaaxu xitaa markuu dharagsanyahay ugaarta ma laayo, kaliya wuxuu ugaarsadaa marka ay gaajo xun hayso.

Siyaasiga Soomaaligaa iimaan malaha oo maanta oo Soomaali meesha ay taal loo jeedo, ayuu wuxuu guranayaaa malaayiin lacaga, wuxuu isku dayayaa in uu boobo dhamaan xukunkii iyo awooddii Soomaali lahayd isagoo kaligiisa.

Haddii uu Madaxwayne unoqoday umaddii Soomaalida ee malaayiinta ahayd oo ay kaligii kalsoonidoodii siiyeen oo uu saas kaligii Madaxwayne ku noqday, intaas kuma qancayee wuxuu rabaa hadana in uu awooddii oo dhan kaligiis maamulo, haday jago la magacaabayo noqon lahayd, hadday dhaqaale noqon lahayd, si uu waxwalba Kaligii u maamulo Soomaalidii ayuu wuxuu ka illaalinayaa in ay nidaam caadila samaystaan, waliba nidaam uu sharcigu sareeyo ma uu ogala waayo sharcigii in uu qabto ayuu ka baqayaa.

Sideedaba midnimada Soomaalida waxaa ay umaddu macaankeeda dhadhamiyaan markii sharcigu shakhsiga iyo damaciisa ka sareeyo, oo wixii umadda ka dhexeeyay lagu maamulo xeer iyo sharci iyo dastuur iyo qodobo lagu heshiiyay oo waliba laga dhawray in ay cid gaara u xagliyaan ee umadda oo dhan dhex u ah, oo eex bari ka ah.

Dawladnimadu waa Xeero ama Saxan ama weel ama Bakhaar ay umad wax ka dhexeeyaa yaaliin, haddii marka wixii umaddu ku heshiisay ay bakhaar wada dhigtaan oo ay umaddii iska dhex doortaan ninkii ay ku aamini lahaayeen in uu qaado masuuliyadda illaalinta alaabta bakhaarka umadda u taal, oo dabadeedna ay koox ama shakhsi uu isa siiyo in uu ku tagri falo wixii umaddu wada lahayd, xaggee ku danbaynaysaa kalsoonidii umaddii wax isku darsatay ee bakhaarka wax wada dhigatay??.

Dabcan waxaa qof walba garankaraa waxa ka suurtoobi kara umaddii iyo aaminaad darada iyo carada ay ka qaadayaan marka qolo si gaara isku siiso wixii umadda ka dhexeeyay.

Sida kaliya ee ugu daacad-san ee wixii Bakhaarkaas yiilay lagu maamuli karaa waa iyadoo aan marna la qaldin sharcigii iyo qodobadii lagu heshiiyay in lagu maamulo hantida bakhaarka taal .

Markasta oo la illaasho oo musuqmaasuq iyo eex laga illaasho wixii la isku darsaday waxaa kor usii kacaya is jacaylkii iyo is aaminaaddii umadda ka dhexeysay, waxayna noqonayaan dadkaas wax isku darsaday dad horumar gaara, waxaa la aaminayaa ninkuu Bakhaarka loo dhiibtay, waxayna umaddii isku raacaysaa in uu marwalba u hayo hantidii bakhaarka tiilay oo marka danbe ee laga shiro cidda loo dhiibayo furaha bakhaarka waxay umaddu oranyaan ninkii hore ee hantida noo hayay ee aaminka ahaa aan u ducaynee hawshii hanoo sii wado, waxayna u qaadayaan jacayl dheraada iyo amaan maadaama uu u ilaashay wixii ay isku darsadeen waayo isagay aaminayaan oo qofkale oo aynan aqoon aamini mayaan.

Dawlad nimadu waa sidaas si le’eg.
Soomaaliga siyaasigaa ee leh dhaqanka dhurwaaga kama fakero bari ee markiiba wxuu billaabaa in uu farqaha buuxsado, wuxuu billaabaa eex uu u kala eexanayo dadkii wax u wada dhiibtay, waxaase ka daran markii waqtigiisu dhamaado ayuu hadana hungiriga soo laalaadiyaa oo is yiraahdaa marlabaad xukunkii ha laguu dhiibo, isgaoo og wixii uu falay, markaas ayaa wixii uu hanti horey u boobay uu miiska soo saartaa si uu ugu iibsado codka xildhibaanada, wuxuuna kasii shaqeeyaa hanaanka ugu habboon ee codka xildhibaanada lagu iibsado sida hanaanka 4.5, wuxuu marwalba ka hortagaa sharciga dhigaya Xildhibaankii Codkiisa Iibsado 14 sano ha laxiro si uu u baqo oo aannu ugu dagdagin in uu iibsadp codka shacabka.

Haddii wixii Bakhaarka la dhigtay marka qolo isa siiyo, ay qoladii kalena ka diriryaan in waxoodii qolo isa siiso, ma shaki baa kaaga gudban in aakhirka ay qulqulad ka dhalanaysa marka la masuq maasuqu wuxuu Bakhaarka yiilay.

Dawladnimaduna waa saas nin hantida dawladda musuqmaasuqaya, ama wxii umadda ka dhexeeyay qabyaaladaynaya oo eex wax ugu qaybinaya dad gaara, wuxuu ninkaas calaamad su’aal galiyay wada jirka umad dhan oo sharcigoodii iyo dastuurkoodii buu beeninayaa, waana in ay iska qabtaan umaddu siyaasiga noocaasa, ninkii qabyaalad ku taageera waa nacas waayo dalkii oo dhan buu iska burburiyay hooguhu maxaa u diiday in uu shaqaysto oo dhididkiisa maalo, intuu umad dhan dagaal iyo burbur u horseedi lahaa.

Illaa inta ay Soomaalidu iska celinayaan Siyaasiyiinta dhaqanka Dhurwaaga ah leh, oo waliba Soomaalidu waa baqaane ay mid kamida dhagax ku dilayaan, Soomaaliya waligeed Siyaasi xuna oo hal shakhsi ah bay u xanibnaanaysaa

Eeg Qormooyinkaan
Daawo Waxa Kala Raacay Dhurwaayo iyo Libaax iyo Rule of Jungle sida Xaaladda Soomaaliya

Siyaasiga Soomaaligaa wuxuu Leeyahay Dhaqanka Dhurwaaga Ma Yaqaan (Win Win)

Laba maqaal oo muhiima halkaan ka eeg
Beesha Caalamka iyo Golaha Sharci Dajinta (Xildhibaanada)

Diyaariye Ibrahim Gablax