Siyaasiyiin Reer Muqdisho Ah oo Maalgelinaya Mashruuc Puntland Lagu Burburinayo oo Loo Bixiyey Anti-Maxamuud Saleemaan

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

-Arrintaas oo billaabatay xiligii kacaanka 1969, iyadoo dad badan oo markaas dawladda u shaqaynayay xilkii laga xayuubiyay oo dibadda loo diray, dhammaan shaqaalihii dawladda ee badidoodu ay kasoo jeedeen Majeerteen/Maxamuud saleemaan ayaa shaqada laga cayriyay, illaa 75 sarkaal ayaa shaqada looga cayrshay beesha ay kasoo jeedaan awgeed 1971..

-Arrinkaas dad badan oo dawladdii shibilka wax ka tabanayay ayaa aad sacabka ugu garaacay, arrinkaas oo laga dhigay heer Qaran.

-Arrimahaas waxay sababeen ilaa baraago lagubo, dad badan la laayo, dad badan oo qabaa-ilka soomaaliyeed laga dhaadhiciyay oo ay durbaanka u garaacayeen, arrinkaas waxaa ka dhashay inqalaabkii fashilmay iyo jamhadihii abuurmay, illaa soomaaliya oo dhan ay burburtay.

-hadda waxaa la rabaa in maamulka Puntland la burburiyo, waayo siyaasiyiin badan baa u arka in ay Puntland caqabadku tahay.

Si marka loo burburiyo waxay is tuseen in Puntland la isku dirro oo la iska hor keeno oo magacyo loo kala baxsho 3.5 loo kala baxsho.

-Arrintaas waxay xoogaysatay xilligii dawladdii Xasan shiikh, oo Xasan Sh xukuumaddiisii waxaa laga illaalinayay ruux kasoo jeeda beesha Maxamuud Saleemaan.

3 Waxyaalood ayaa laga illaalinayay dadka kasoo jeeda beesha Maxamuud Saleebaan.

  1. Ciidamada.
  2. Siyaasadda Arriaha Dibadda
  3. Sirdoonka.

Arrinkaas oo 3 geesood loo adeegsaday, hab diinneed, hab qabiil iyo hab dawladeed.

Waxaa makhraati u ah, hadalkii Cabdikariin Guuleed 9.oc 2016 uu Xamar ka yiri oo ahaa Gaalkacyo laba maamul ka wada tallinmayso 20. octoobar uu weerar kusoo qaaday Gaalkacyo.

-Afeef arrinkaas wuxuu gooni u ahaa damjadi

Dagaalkaas oo ay kawada qayb qaadanayeen Dawladda iyo Alshabaab, Qaab qabiil intaba.

Markii arrinkaas waxba laga qaadiwaayay ayaa waxaa loo gudbay qorshihii gudaha dadka lagu kala qaybin lahaa.

Hadda waxa uu maryaa in dagaalka gudaha laga rido.

Waxaana iskaashanaya Qabiilkii, hab diineedkii siyaasadaysnaa iyo hab dawladeedkii,  oo markaan gudaha ayaa  laga abuurayaa si l isa isagu mashquuliyo agoo Propagandana ay ku lammaantahay.

Alshabaab, Daacish iyo Takfiirna iyo kuwa kaleba waa in gudaha laga abuurro.

Talo.

Reer puntland waxay u baahanyihiin midnimo ee uma baahna qabiil hebel, waana in ay maamulka ka muuqato.

Maamulka waxaa la rabaa in uu  midnimada iyo nabadda awoodda saaro waxaana lagu helaa cadaalad.

Waa in maamulku dadka baahidooda iyo danahooda maamul ahaan wax looga qabto wixii dhexdooda yaalna wanaag ahaan lagu dhammeeyo

 

  • Muumulka Puntland waa in ay meel fog wax ka arkaan, maamul kasta aduunka saaxiib iyo cadow buu leeyahay ee waa in ay kala gartaan cidda saaxiibka u ah iyo cidda cadawga u ah
  • Gudaha waxa yaal haddaynan xallin wax dibadda yaal waxba kama qaban karaan.

Qore Warsame Axmed

15 Responses to Siyaasiyiin Reer Muqdisho Ah oo Maalgelinaya Mashruuc Puntland Lagu Burburinayo oo Loo Bixiyey Anti-Maxamuud Saleemaan