Siyaasiyiin Si Qaldan Ugu Fasiray Isimada Beesha Tanade Wakiilka Golaha Sharcidajinta (Hindiya Halkii Sharci Dajiye Wuxuu Wakiil Ka Yahay 2.5 Million)

Filed under: Important News,Wararka |

Wararka ugu badan ee aan P/O ku shaacinno waxay u badanyihiin arrimaha cadaaladda la xiriira, waxaana aan shacabka ku wacyigallinaa in la diido wixii dulmi ah.

Haddii beesha Leelkase 0.0000001 dulmiya loo gaysan lahaa, warbaahinta P/O waxay noqon lahayd warbaahinta koobbaad oo sheegta dulmigaas.

Hase yeeshee arrinka siyaasiyiinta awrkooda ku kacsanaya isimada beesha Leelkase oo fikirka qaldan ka dhaadhicinaya iyo in Beesha leelkase xaqoodii si gooniya uga maqanyahay arrinka Golaha waxqaybsiga Golaha wakiilada Puntland, waa arrin qaldan.

Waxaan marar badan ku shaacinay P/O in Wakiil lagu noqdo matalaad dad gaaraya ugu yaraan 40 kun oo qof oo degan deegaan la ogyahay, balse hanaankii 66-ka lagu doortay 18 sano ka hor uu qaldanaa.
India halkii Sharci dajiye wuxuu wakiil ka yahay 2.5 million qof.
Hadiise hadda hanaankaas dib loo saxayo, waa in tirakoob shacab laga billaabo ee aan hanaankii qaldanaa dib lowgu noqon.
Markii la is tirakoobo, ayaa la ogaanayaa in beesha leelkase xaq ka maqanyahay oo arrinkaas laga doodi karaa.
Akhri Qoraalada

DEG DEG: Beesha Tanade oo ku dhawaaqday inay masiirkeeda ka tashaneyso kadib gabagabada gogoshii Garowe (WAR SAXAAFADEED)

Marlabaad Akhri Xildhibaanka Hawada Waa Qorshe Dadka Deegaanka Soomaalida Degan Dhulkooda Lagu Dhacayo (Qormo Gaaban)

2 Responses to Siyaasiyiin Si Qaldan Ugu Fasiray Isimada Beesha Tanade Wakiilka Golaha Sharcidajinta (Hindiya Halkii Sharci Dajiye Wuxuu Wakiil Ka Yahay 2.5 Million)

  1. Pingback: Tolow (Yibir-Saalax) 4.5 Yuu Ka Yahay? – Codka Qaranka Tanadland