Siyaasiyiinta Iyo Madaxda Soomaalidaa Ma Noo Adeegaan Mise Waa naga Adeegtaan (Qormo Kooban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Waxaa xaqiiqa in mushkiladda ugu wayn ee hadda Soomaalida haysta ay yihiin Madaxda ay Soomaalidu doortaan oo hadda noqday mushkiladda ugu wayn ee Soomaalidii caqabadda ugu wayn ku noqday.

Madaxdaan ayaa hadda siyaasadda Soomaalida ku maareeya hab kaligi talisnimo iyo Musuq Maasuq, waxayna taasi kasoo horjeedaysaa hirgallin nidaam u adeega shacabka Soomaalida, waayo nidaamkaas wuxuu kasoo horjeensanayaa hanaankii kaligi talisnimo iyo musuqmaasuq ee ay madaxda Soomaalida Siyaasadda Soomaaliya ku maaraynayeen, waxaana soo shaac baxaya isku soo dhawaasho dhanka Madaxda Soomaalida, “waayo Soomaalidaa tiraahda Shimbirwaliba Shimbirkiisuu la Duulaa” calshaan ruuxwalba waxaa ay marka danbe saaxiib noqonayaan ruuxa ay isku hadafka yihiin.

Waxaad kaloo arkaysaa in ay hadda Madaxda Soomaalida ka illaalinayaan xafiisyadooda iyo wasaaradaha dadka xulkaa ee waxgaradkaa, iyagoo markaas ka baqanaya in ay dadkaas waxgaradkaa caqabad ku noqdaan musuqmaasuqii iyo hanaankii kaligi talisnimo ee ay walaaqanayeen, waxaana isa soo taraya sida loo diidanyahay saxaafadda xortaa ee loo dhiiragallinayo saxaafadda shilimaadka ku shaqaysa iyo nacamlaynta iyo daawo sawirada hebel oo diyaarad kasoo degay.

Haddii aan tusaale usoo qaadano.
Siyaasadda waxaa lagu tilmaa sida kubadda Caqta oo kale.
Haddii aad doonaysid in ay kooxdaadu ka qaybgasho tartan kubad ciyaareed, marka aad xulanaysid ciyaartoyda kubadda kuu ciyaaraysa, yaad u xulanaysaa?, in ay kubadda kuu ciyaaraan ma waxaad xulanaysaa kuwa aad qaraabada tihiin ama saaxiibada tihiin, mise waxaad xulanaysaa kuwa aad ku tuhmayso in ay yaqaanaan kubadda,—> maxaaadse filan doontaa guul mise guul darro haddii aad xulatid kuwa aad qaraabada tihiin.

Siyaasiga daacaddaa ee doonaya in uu dalka guul u horseedo, wuxuu xulanayaa siyaasiyiin xul ah oo xukuumadiisa guul u horseeda, isagoo si wanaagsan ugu sheegaya kuwa ay jaalka yihiin ama isku beesha yihiin in hawshaan ay tahay hawl qaran oo haddii uunan xulan dadka xulkaa ay xukuumaddu fashilmayso sidaasna ay dhamaantood ku fashilmayaan, ee markaan loo tanaasulo kuwa aqoonta, daacadnimada, qadiyada, uleh shaqada loo qoondaynayo.

Gabo gabo Akhri qormo aan 2013 ka diyaarinay Madaxwayne xasan Shiikh oo wali saamaynteeda leh.
Madaxwayne Xassan Shiikh aqoon daro haysata Madaxda Afrikanka awgeed Jaaniskii soo maray kama faa iidaysan Markii ladoortay(Qormo muhima)

2 Responses to Siyaasiyiinta Iyo Madaxda Soomaalidaa Ma Noo Adeegaan Mise Waa naga Adeegtaan (Qormo Kooban)

  1. Pingback: Siyaasiyiinta Iyo Madaxda Soomaalidaa Ma Noo Adeegaan Mise Waa naga Adeegtaan (Qormo Kooban) - Daily Somalia Report