Siyaasiyiinta Ku Midoobay Kala qaybinta Soomaaliya iyo Xoog Ku Qabsashada Gobalada SSC, Siyaasiyiintee Aakhirka Ku Khasaari Ma Kuwa Ingiriiska, Ma Kuwa Ethiopia, Ma kuwa Beesha Isaaq Mise Horgalayaasha (Qormo Kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Fikirka gooni isutaagga Somaliland, ma ahayn fikir ay wateen koox kooban, ee wuxuu ahaa fikir ay ku midaysnaayeen siyaasiyiin farabadan oo xag jira,

Siyaasiyiintaan ayaa koox walba dantooda ka arkeen ee aan dul istaagna mid mid.

Siyaasitiinta kasoo jeeda Ingiriiska iyo xulafadiisa, ayaa loo tiriyaa madaxa ugu wayn ee fikirkaan sida hoose u maalgallinayay, waxaana la aaminsanyahay in ay kaga baxday lacag aad u farabadan, hase yeeshee Ingiriisku wuxuu ciyaaray taatikko isagoo dhan-na fikirka gooni isutaagga iyo qabsashada gobalada ssc hoos ka taageerayay dhanka kale-na la shaqaysanayay DFS iyo dawlad gobaleedyada, isla markaasna Raysalwasaaraha Soomaaliya uuba yahay agaasimihii shirkadda Soma-oil ee Ingiriisku samaystay, marka siyaasiyiinta ingiriisku waa laba canlaynayaan.

-Ethiopia ayaa ahayd wadanka koobbaad ee fikirka gooni isutaagga hoosta ka maamulayay, oo dhanka sirdoonka iyo nabadgalyada ka taageeraysayfikirka iyo xoog kusoo haysashada gobalada ssc, iyadoo ujeedku ahaa in Soomaalida la isku jiheeyo , Ethiopia ayaa dhanka kale la shaqaysata DFS iyo Dawlad Gobaleedyada.

Horgalayaasha beesha dhulbahante ayaa iyagu dhanka mushaarka iyo lacagta qaadashadeeda illaashada, waxayna aaminsanyihiin in aynan bil ku qaadanayn in ay maamulka Somaliland sool ka saaraan markay u baahdaan balse hadda ay doonayaan in ay lacagtooda iska sii daldashaan.

Dhanka kale waxaa jira siyaasiyiin ajaaniba oo iyana dhanka macdanta awgeed fikirkaan si hoose u taageerayay.

Hase yeeshee waxaad mooddaa in ay ugu khasara badan yihiin siyaasiyiinta beesha Isaaq ee uu waqtiga badan kaga dhumay xoog iyo kharash ku haysashada gobalada ssc iyo waliba fikirka gooni isutaagga, oo aynan labadaan fikir midkoodna hirgallayn.
-Marka koobbaad maanta siyaasiyiinta beesha isaaq waxaa loo tirinayaa niman hor istaagay qaranimadii Soomaaliyeed, laga billaabo 1990 intii ay qawmiyadda Soomaaliyeed ballanbalayeen.
-Marka labbaad haysashada ay xoogga iyo qoriga caaradiisa ku hayteen gobalad ssc, waa mid taariikhda gali doonta, oo ninwalba wixii uu meel dhigtay ayaa u yaalla, suldaan timacade wanaagiisii ayaa meel u taala, Faysal Cali Waraabe wixii afkiisa ka baxay dhammaantood meel bay u yaallaan.
-Marka sadexaad waxaa kaga baxay kharash aad u farabadan oo ay warshado ku dhisankareen.

Horta waxaa qofwalba oo caqlilihi garan karaa in uunan nina deegaan aanu lahayn xoog ku qabsankarrin waliba xilligan casrigaa.
Waxaa kale oo la hubbaa in aynan cidna aqoon sanayn qabiil Soomaaliyeed waxkasta oo dhaca, waxaana aan la ogalayn in dad isku qawmiyad ah oo isku diina oo isku luuqada qayb kamida gooni loo aqoonsanayn, oo dhammaan dalalka waa wayn arrinkaas ma ogala oo waxay diidayaan in lagu daydo.

Marka arrinkaas waxaad mooddaa in ay khasaarada ugu wayn ay kasoo gaadhay siyaasiyiinta beesha Isaaq.

-Waxaana wanaagsan waxwalba dabaqabashay leeyihiin in ay hadda Soomaalina cafis waydiistaan, illaahay cafiswaydiistaan arrimaha baadda iyo dulmiga ku tacaluqa ee ay gacmaha shisheeye ee Koonfurna la shaqaysta iyaga ku adeeganaya ka diidaan.
Walaalahood Soomaali gogol nabadeed u dhigaan, markaas Soomaal si fiican oo cadaalad ku dheedhantahay ula xisaabtamaan, siyaasadda Soomaaliyana hormuud ka noqdaan.

Markaas ayaan innagoo dhan oo soomaaliya wada illaashanaynaa badahayaga iyo macdantayada, laakiin hadda dhammaantaya qayb qayb baa la inoo dhici, waana nala ka faa.iidii oo xitaa rasaasta aan isku laynayno mallaayiin baa nala ka siin waxkale iska daaye.
Wabbillaahi tawfiiq.