Siyaasiyiinta Soomaalida oo aan lahayn Vision Soomaaliya lagu badbaadinayo iyo shacabka oo siyaasiyiinta ka quustay

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Shacabka Soomaalida ayaa hadda ka quustay Siyaasiyiinta Soomaalida, waxaana ay shacabku dhibsadeen Visionka ama arragta fog Siyaasiyiinta Soomaalida ee ay ahayd in dalka iyo dadkaba lagu badbaadiyo oo ah Vision aan shacabka ka iibsamayn.

Waxay ahayd in ay dhawraan rabitaanka shacabka ay matalayaan oo ka illaaliyaan Xurgufta iyo Golaaftanka dhexdooda ah ee ay la yimaadaan hab ama Vision cad ama hanaan lagu keeni karro midnimo iyo Horumar.

Shacabku uma baahna Puntland baa Saddheeriya Heshay ama Muqdishaa Sad dheeriya heshay ee waxay u baahanyihiin Dib u Heshiisiin is Is Jacayl dhexdooda ah sidii lagu abuuri lahaa taasi oo ku salaysan Hab Cadaaladeed oo wax lagu qaybsado

Habka 4.5 ma ahayn Cadaalad, hadiisa hadda loo gudbo habka Gobalada in Xildhibaanda laga soo xullo, Habkaas Qudhiisa waa in ay Cadaalad ka muuqato oo markaas laba Gobol oo aan isku baaxad iyo Isku dad ahayn waa in aynan isku Xildhibaanno Qaadan, waayo markaas qudheedu Cadaalad ma ahan, marka waxkasta oo aan Cadaalad ku salaysnayn waa in aan la qaadan, ninkii dhibsanayaa ha dhibsado, waa in qof kastaa liqaa wixii aan cidna u xaglinayn ee dadkoo dhan ay ku faraxsanyihiin.

PO Desk

One Response to Siyaasiyiinta Soomaalida oo aan lahayn Vision Soomaaliya lagu badbaadinayo iyo shacabka oo siyaasiyiinta ka quustay