Soo Dhawayntii Ballaarnayd ee Farmaajo Puntland ee Jacaylka Wadatay Waxay Fartiin U Ahayd Dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed (Fallanqayn kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Soo dhawayntii Puntland lagu soo dhaweeyay Madaxwayne Farmaajo, Waxay ahayd soo dhawayn dareen jacayl wadata oo uunan abid hogaamiye Soomaaliyeed bulshada ka hellin.

Waxaa sabab u hayd jacaylkaas iyo xubigaas erayadii wanaagsanaa ee xambarsanaa dareenka wadaniyadeed ee Madaxwayne farmaajo uu goobwalba ka lahaa.

Waxay fartiin wanaagsan u tahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo hadda kala miirmaya, midka daacadda iyo midka khaa’inkaa.

Ninkii daacada meel walba ee uu tago, macaa dhirta iyo xayawaanka ayaa soo dhawaynaya iskaba daa reer Puntland oo ah shacab daacada oo jecel wixii daacada.
-Ninkii khaa-inka ah-na waxaa nacaya bini aadan iska daaye dhagaxa Garawe waa dareemayaan xumaantiisa.

– waa farriin fiican oo tilmaamaysa xilliga casrigaa ee ay maanta bulshadii Soomaaliyeed hal tareen wada saaranyihiin isku sina wax u wada arkayaan.

-maansha allaah waa arrin runtii farxad xambaarsan.