Soo noqotaye, maxaad u timid? Inaad u gargaarto dal iyo dad mise xatooyo iyo xoolo urursi Sharmarke.samatar@yahoo.com

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Qurba-joogta ku soo qulqulaysa dalka waxay keentey dareen ah “idinka iyo annaga” – dal-joog iyo dibad-joog. Waa dareen dal-joogta ku abuuray in loo yimid in wax laga tacbado, ka dibna laga soo laabto. Waa dareen keeney in shaki ay daljoogtu qaadaan. Qurba-joog reerkiisu u degganyihiin Yurub ama Waqooyiga Maraykanka ama Australia/NZ – waxbarasho, daryeel caafimaad, iwm, dhashiisa u helayo, inuu hanti kororsi musuq ku salaysan u soo haajiro, ma bannaantahay?

Madaxda wasaaradaha, wakaaladaha, iyo hay’adaha dalka maanta waxaa ugu badan waa qurbo-joog.

Waa dhab inay badidood leeyihiin khibrad iyo shahaadooyin sare. Waa dhab in wax badan ay ku kordhin karaan dalka iyo dadka Somaliyeed oo sannooyin badan la il-darraa diif, dagaal, darxumo iyo jahawareer.

Waxaa jira dhakhtarro badan oo qurba-joog ah oo daryeelka caafimaad ee shacabka wax badan ka qabta. Sidoo kale, waxaa jira bareyaal qurba-joog ah oo kor u qaada tayada waxbarasho ee dalka. Waxaa jira garyaqaanno badan oo ku hawlan turxaanbixinta xeerarka dalka. Waxaa jira xisaabiyayaal leh khibrado qoto dheer oo ku dadaala sidii loo carbin lahaa dhaqaalaha dalka. Badidood waa qurba-joog.

Hase yeeshee, waxaa kaloo jira hawlwadeenno badan oo ku foorara siday jeebka u buuxsan lahaayeen.

Waxaa marag maddoonta ah kuwa badan oo muddo yar ka soo shaqeeyey dalka oo dib ugu soo noqday dibadda oo la yimid hanti xaaraan ah oo ka badan mid lagu tacbi karo muddadaa yar ama laga uduudi karo mushahaar ama shaqo xafiis.

Musuqa noocaas ah waxaa marar badan tilmaamay heyadaha Qarammada Midoobey iyo dawladaha deeqbixiyayaasha ah.

Taa macnaheedu maaha in dal-joogtu ay xalaal quudato tahay. Iyaguna eedda wax bay ku leeyihiin. Nasiibdarrose waxaa ah qofka noloshiisa iyo tan reerkiisa meel ku tiirsantahay (qurbaha) oo haddana doonaya inuu soo xaalufiyo kii qatanaa ee dalka joogay.

Musuqa maanta ka jira dalka waxaa doorweyn kaga jira qurbo-joogta. Waxaad mooddaa in qaarkood la yiri “soo hoosh oo faraqa soo buuxso”.

Qofka u soo bareeray inuu ka lacagaysto musuq iyo laaluush waxa lagu joojin karaa waxa weeye in la helaa qawaaniin xakameeyneysa falalkaa. Waa in la helaa su’aasha ah “Xaggeed ka keentay”? Taa hadday jirin, waxaa sii soconaya xaalufiska iyo xatooyada lagu hayo hantida ummadda Soomaaliyeed, oo u badan deeq laga soo yaboohsaday shisheeye.

Shacabka oo idil, culummada, cuqaasha iyo isimmada, waa inay gutaan waajibka saaran. Waa inay la dagaallammaan musuqa. Hantida musuq lagu heley waxaa laga dhacay kan gaajaysan, kan xanuunsan, ka waayeelka ah oo cid u gargaarta haysan iyo dhasha aqoon la’aanta iyo cudurka la ba’ayso ee Somaliyeed.

Musuq laguma liibaano, xitaa haddii laguu seeto dheereeyo.

Sharmaarke Samatar

One Response to Soo noqotaye, maxaad u timid? Inaad u gargaarto dal iyo dad mise xatooyo iyo xoolo urursi Sharmarke.samatar@yahoo.com

  1. Pingback: Soo noqotaye, maxaad u timid? Inaad u gargaarto dal iyo dad mise xatooyo iyo xoolo urursi Sharmarke.samatar@yahoo.com - Daily Somalia Report