Soomaali Oo Dagaal ka Daashay Iyo Sacuudiga Oo Dagaal Xiisa U Haya (Qormo Gaaban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa si geesinimo ah u diiday dalab uga yimid madaxda maamul Gobaleedyada oo qaba in Sacuudiga iyo Imaaraatka awgood xiriirka loo jaro dalka ay ka gardaranyihiin ee Qadar.

Hadaba Soomaaliya ayaa burburka soo gaaray waxaa u sabab ahaa gulufkii colaadeed ee ay Soomaaliya ku qaaday ethiopia 1977, kaasi oo ahaa dalab uga yimid midowgii Sofiyeeti oo markaas doonayay in uu wiiqo xulafada reer Galbeedka, balse soomaali ku beerlaxawsaday soo ceshada dhulka idinka maqan, markii uu dantiisa gaarayna dhanka Ethiopia kasoo jeensaday.
Waxaan dhanka kale ka marnayn xiligaas dagaaladii Soomaaliya Sacuudiga oo aan waagii hore laga warhayn kaallinta libaax ee uu ka ciyaara dagaalada is xulufaysi ee dalalka waawayn ee  bariga iyo galbeedka

Go’aankii ay soomaali sida degdegaa u qaadatay  1977 wuxuu Soomaali ku reebay dhibaato aynan Soomaali kasoo kabsan muddo 50 sano ah markii la xisaabiyo taariikhda u dhaxaysa 1977-2017.

Hadana dagaaladaan Qadar iyo sacuudiga waa kuwa u dhexeeya dalalka waawayn.

Soomaali waxaa la gudboon in ay hadda xasaradda iyo dagaalada ka nastaan oo hadda Soomaali xitaa uma dhisna hay’ado dawladeed, waxaana wanaagsan in ay dalalka caalamka u sheegaan in ay hadda Soomaali ku mashquulsantahay dhismaha hay’dahii dawladeed ee Soomaali ka burburay.

Marka Sacuudigu hadduu dagaal xiiso u qabo ha dagaalamo, laakiin dalka Soomaaliya oo 50 sano dagaalo kusoo dhex jiray sabab uu uga dalbado xiisaha uu Sacuudigu dagaal iyo colaad u qabo.

 

Soomaali maanta aduunkoo dhan bay ku nool yihiin waxaana wanaagsan dalkasta oo ay 100 Soomaaliya marti ku yihiin in la tixgaliyo Soomaalida dalkaas ku nool oo aan colaad loo abuurin shacabka ay la nool yihiin.

Boqorka hadda loo caleema saaray boqornimada sacuudiga wuxuu dhashay dagaalkii 1977 kadib, Soomaalina intaas dagaal bay ku jirtay waligeedna kama codsan sacuudiga in uu Soomaali ku raaco gulufka colaadeed ee dhexdooda ama Ethiopia lagu qaaday.

Galaal oo Marlabaad Cadeeyay Dagaalkii 77 In Ruushku Soomaalida Ku Qalqaaliyay Oo Arrinku Daarnaa Dagaalkii Qaboobaa ee Nato iyo Warso, Somalidana la Isticmaalay

 

Akhri Qormooyinkii Aan 2015 Ku Daabacnay P/O Ee Maxay Soomaali kaga dayan Karaan Sweden Iyo Cumaan (Nabad Nabad Dhedhexaad)