Soomaalida oo Aan Aqoon Sida Loo kala Xusho Musharaxiinta Maadaama Aan Su’aalo Adag La waydiin ee Ay Kaliya Warqad Dal Fog Looga Soo Diyaariyay Khudbadda Ka Akhriyaan (Qormo Muhiim Ah)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

vote
Dalalka Caalamka ayaa muhiimad dheeraada siiya hanaanka ay u xulanayaan ruuxa ay ku aaminayaan masiirka qarankooda oo ah waxa ugu muhiimsan mustaqbalka qaran habka loo jihayn lahaa.

Hadaba anigaygan qoraya qormadaan baa wallaahay waxaan usoo joogay nin Musharax Madaxwayne ahaa oo nin Qurbaha jooga uu u qorayo siyaasaddii uu shacabka usoo bandhigi lahaa Musharaxaas Madaxwayne oo waliba uu Musharaxaas ahaa nin kamida ragga ay Soomaalidu aqoonta ku tuhmaan, wuxuuna ninkii saaxiibkay igu yiri intaas un baan caawimaad uga dhigayaa, laakiin anniga waxay ii noqotay mid aan marwalba xasuusto.

Hadaba Soomaalida ayaan aqoon u lahayn in Musharaiinta lagu kala saaro su’aallo ad adag oo si toosa loo waydiiyo si markaas loo ogaado kartidiisa, aqoontiisa iyo waliba qorshe siyaasadeedkiisa iyadoo waliba si gooniya awoodda loo saaraya waxyaalaha ugu baahida badan qarankaas si markaas ay shacabku u kala xushaan tartamayaasha oo markaas ay codkooda u siiyaan midka ay is leeyihiin waa kan midkaad u baahnaydeen iyagoo meesha ka saaraya caadifad iyo nin jeclaysi, waayo caadifad umad ma midayso ee way kala fogaysaa, marka ruuxii musharax ku xusha nin jeclaysi iyo caadifad wuxuu ka caraysiinayaa muwaadiniin farabadan oo soomaaliya, waxaana wanaagsan in aad ku xulato kartidiisa iyo sida ugu habboon ee aad isleedahay qaranka waa lagu badbaadinkaraa, laakiin Musharax akhrinaya wax ku qoran xaashi looga soo diray qaarad fog ma ahan waxa xaashidaas ku qoran kartidiisii iyo aqoontiisii ee waa ruux kale aqoontiis.

Hadaba akhri qaybta koobaad su’aalo ku habboon in la waydiiyo musharaxiinta jagada madaxwayne ee Soomaaliya ama Dawlad Gobaleed ama Musharax madaxwayne ama xildhibaan, waayo waa in aad hadda sii xulataa xildhibaankii kula fikirka ahaa waa midka hadhow ku matalaya oo kala saaraya musharaxiinta Madaxtinimo.

Su’aalaha Madaxwaynahee Soomaaliya ku habboon?.

qormo arrinkaas la xiriidha oo aan 2013-kii ku daabacnay P/O
Reer Puntland oo aan wali diyaar u ahayn in ay kala Xushaan Musharaxiinta ee taa badalkeedda ku mashquulay wixii aan ka digaynay iyo Musharax loo Mashxarado

Akhri qormo kale oo isla arrinkaas la xiriidha oo aan P/O ku daabacnay 2013.
Muhiimadda dooda Fagaaraha ee Musharaxiinta lagu kala saaro akhri falanqaynta, Daawo Doodahii Musharaxiinta Maraykanka soomaray ee doodihii fagaarayaasha

Akhri

2 Responses to Soomaalida oo Aan Aqoon Sida Loo kala Xusho Musharaxiinta Maadaama Aan Su’aalo Adag La waydiin ee Ay Kaliya Warqad Dal Fog Looga Soo Diyaariyay Khudbadda Ka Akhriyaan (Qormo Muhiim Ah)

  1. Pingback: Soomaalida oo Aan Aqoon Sida Loo kala Xusho Musharaxiinta Maadaama Aan Su’aalo Adag La waydiin ee Ay Kaliya Warqad Dal Fog Looga Soo Diyaariyay Khudbadda Ka Akhriyaan (Qormo Muhiim Ah) - Daily Somalia Report

  2. Pingback: Dood Culus Oo La Shex Dhigay Musharaxiinta Duqa Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo (Daawo) | Puntland Observer