Soomaalida Oo Waqti ISaga Dhumiya Warar Khayaaliya Madaxwayne Farmaajo Wuu Diiday In Uu La Kulmo Raysalwasaaraha Israel (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Soomaalidu waa dad khayaali iyo khaa’inimo raba in ay ku noolaadaan.
Aduunka aan maanta ku noolnahay waxaa si dadban u kantaroola qawmiyadda Yahuudda.

Waxaanay Soomaalidu garanwaayeen in ay ku mashquulaan wixii danahooda ku tacaluqa, ee aynan waqtiga isaga dhummin waxyaalo aan dhibaato mooyee wanaag kuu horseedayn.

Maraykanka nimanka sida dadban u maamula waxay kasoo jeedaan qowmiyadda yahuudda.
Qowmiyadda yahuuddu waxay isugu jirraan dad wanaagan oo xitaa Soomaalidaba ka wanaagsan oo masaakiina iyo qaar xunba oo dhib badan sida qawmiyad kasta ee aduunka.

Wax wayna ma ahan haddii aad salaanto oo la kulanto raysalwasaaraha Isreal ama midka Check rebublic.
Midda kale Soomaali iyadaaba maanta dalkeedii burburay hadda aduunka cid ay caawinkarto ama waxtarikartaanba ama wax u dhimikarto ayaan jirrin.

Qolooyinka kasoo jeeda qowmiyadda yahuudda ee qurbaha jooga Somaalida waaba soo dhaweeyaan.
Soomaalidu waa in aynan cidna colaysan ee ay siyaasadaha aduunka dhexdhexaad ka ahaataa.

Dhanka Falastiin, waxaa habboon in laga shaqeeyo sidii loo helilahaa laba dal oo darisa Israel iyo Falastiin, taas qofkii ku mashquulaa ka wanaagsan qofka isku mashquuliya arrimo kale, ama aduunka kale ula sinaada.

Hadase waxaad mooddaa in ay Soomaalidu caalamka isku soo jeedinayaan, oo waxyaallo aan loo baahnayn buunbuuniyaan.

Soomaalidu maanta waa in ay dantooda iyo maslaxadooda ku mashquullaan.