Soomaaliya Haday Siyaasadeedu Hagaagi Lahayd Si Fudud Ayay Horumar Ku Gaari Lahayd (Maqaal Cadayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Akhri qormooyin arrinkaas la xiriira oo aan horey ugu daabacnay Puntolandobserver

Soomaaliya ayaa waxay ku taalaa dhul aad iyo aad Istaraatigi u ah, waxayna daris la tahay dalalka aduunka ugu qanisan ee Khaliijka, waxay kaloo ku taalaa albaabka ay kasoo galaan Maraakiibta iyo Diyaaradaha ka yimaada dalalka Asia ee Europe iyo Caalamka kale u socda.
Map Somalia

Soomaaliya waxay leedahay dal qaniya oo waxaa mara laba wabi oo aad u ballaaran, waxayna leedahay dhul xoolaha iyo daaqsinka ku habboon, waxay leedahay dhul ballaaran oo beeraha ku habboon, waxayna leedahay xeebta ugu dheer Africa.

Soomaaliya oo dadkeedu aad u yaryihiin ayaa waxay daris la tahay dalka Ethiopia oo dadkiisu 90 Million yahiin oo aan bad lahayn, oo Soomaaliya waxay haysataa fursad wanaagsan oo dhanka ganacsiga hadday noqon lahayd in ay wixii Ethiopia soo saarto ay wadamadaas Khaliijka u iib gayso, iyo haday noqon lahayd in ay waxa carabaha laga keeno Ethiopia loo iibgeeyo.

Isku soo duub waxaad mooddaa in ay fursadahaas illaahay uu Soomaaliya ku manaystay ay hor taaganyihiin Siyaasiyiin fara kutirisa oo lagu maamalo Romote Kantarool ay caqabad ku noqdeen Soomaalidii in ay aayahooda ka tashadaan.

Waxaaba ku fillaan lahayd iyagoo Dekaddo iyo Ayrabooro waawayn u dhista Maraakiibta iyo diyaaradaha wadamada Asia ka yimid ee raba in ay Shidaal qaataan ama Kaargoo kala badashaan.

Badanaa Maraakiibta iyo Diyaarahda Xamuulkaa ee Aduunka isaga gosha waxay u baahanyihiin meelo sida bakhaaro oo kale ah oo allaabta un lagu kaydsho si markaas diyaaradaha iyo maraakiibtu aduunka dacaladiisa ukala gooshaya ay alaabaha ugu kala kaydsadaaan oo isugu wareejiyaan.

Fadlan Siyaasi kasta oo leh dabeecadaha Soomaalida dhexdeeda lagu kala fogaynayo hadda kadib meel gooniya ha lagu qoro.

Siyaasiga leh dabeecadaha Soomaalida lagu midaynayo isagana si gooniya haloo ogaado.

Aakhirka Soomaalidu waa in ay xushaan siyaasiyiinta leh dabeecadaha midnimada umadda.

Waa in labaaro Siyaasiyiinta illaahay hibada u siiyay sida dadka midnimadooda looga shaqeeyo oo dadka wada jirkooda ka shaqeeya.
Waa in hangool la isaga qabtaa siyaasiyiinta leh dabeecadaha dadka wada jirkooda lagu wiiqo, waxaaana badanaa la isticmaalaa siyaasiyiinta leh dabeecadaha umadda midnimadeeda lagu daciifiyo, iyo sida umadda la isugu diro oo dhibaato looga dhex abuuro.

Waxa ugu wanaagsan oo iyadoo sharcigu uu qof walba ka sareeyo.

One Response to Soomaaliya Haday Siyaasadeedu Hagaagi Lahayd Si Fudud Ayay Horumar Ku Gaari Lahayd (Maqaal Cadayn)

  1. Pingback: Soomaaliya Haday Siyaasadeedu Hagaagi Lahayd Si Fudud Ayay Horumar Ku Gaari Lahayd (Maqaal Cadayn) - Daily Somalia Report