Soomaaliya oo ogolaatay in Xulufada Sacuudiga hogaamiyo ay isticmaalaan Hawada iyo Badda

Filed under: Wararka |

Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay Xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo inay isticmaalaan Hawada iyo Badda, si ay uga weeraraan Jabhada Xuutiyiinta ee isku dayaya inay xoog ku qabsadaan dalka Yemen oo dhan.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadiliye oo wareysi siiyay BBC-da ayaa shaaciyaay in ay siyaasad cad ka qaateen oo ku wajahan xaalada Yeman waxaana uu sheegay in ay kasoo hor jeedaan in xoog lagu bedelo dowladda Sharicga ah.

“Anaga waxaa nahay Wadan ka mid ah Jaamacadda Carabta, waxaa qaadanay siyaasad ay dalalka Jaamacada Carabta qaadanayeen, anaga waa ka soo horjeednaa meel walba oo ay tahay xukun lagu kala bedelo xoog, Yemen waa sida wadankeena oo kale”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Wasiir hadliye ayaa si cad u sheegay in ay ogol yihiin in la isticmaalo, hawada, dhulka iyo Badda Soomaaliya haddii loo baahdo.

“Hadii loo baahdo Hawadeena, Baddeena iyo dhulkeena in la isticmaalo waa ogolaanay”ayuu yiri Hadliye.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya oo bur bursan ay is bedeshay lix dowladood oo si sharci ah ku kala wareegay, isla markaana aanay aqbaleyn in dowladda Yemen ee sharciga ah in xoog lagu bedelo.

Mar la weydiiyay sida lagu bad baadin karo qaxootiga Soomaalida ee ku xayiran Yemen, ayuu sheegay inay raadinayaan xal ah sidii dadkaas maraakiib lagu soo daad-gureyn lahaa.

Soomaaliya waxaa ay dagaalka Yeman galeysaa ayadoo dad qaxooti tirro badan ah ay kaga sugan yihiin dalkaasi kuwaa oo ku sugan goobo ay Xuuthiyiinta haystaan, dalakla carbeed ee dagaalka kula jira waxay kol hore kala baxeen Yeman dadkooda.