Su’aalaha Madaxwaynahee Soomaaliya ku habboon?.

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Su-aallo Madaxwaynehee ku habboon Soomaaliya?.

Su’aalahan ayaa qofkasta la waydiinkaraa ama ruux caadiya ama Musharax Madaxwayne.

  1. Sidee bay Soomaalidu u helikaraan Madaxwaynaha ku habboon.
  2. Soomaaliya hogaamiyahee u doori lahayd, Hogaamiye Aamina?, Hogaamiye aqoonyahana, Hogaamiye codkar ah, Hogaamiye khibradleh oo horey madax usoo ahaa, Hogaamiye sharciga kaliya ku dhaqma, Hogaamiye kaligi taliye ah?.
  3. Sidee Soomaalidu uga baaraan dagi karaan in ay doortaan Madaxwayne ay ka adagyihiin oo ku shaqeeya rabitaanka shacabka haddii uu ku shaqaynwaayana xukunka ay ka qaadi karaan.
  4. Maxaad ku xukumi lahayd Madaxwaynihii ama Xildhbaankii lagu qabto isagoo codka iibsanaya oo qaab musuq maasuqa raba in uu Madaxwayne ku noqdo.
  5. Sidee Soomaali uga hortagi kartaa in ay Madaxwaynaha u soo xullaan Beesha Caalamku?.
  6. Soomaaliya maxaa burburiyay ? Ma Qabyaalad, Mise Cadaalad darro.
  7. Hadayba Soomaaliya Cadaalad darro Burburisay? Sideebaa looga hortagi karaa cadaalad-darada.
  8. Door intee le’eg bay ku leeyihiin burburka Soomaaliya Siyaasiyiinta Soomaalida ee danahooda gaarkaa dartood waxwalba ka hormarinaya.
  9. Ma garanaysaa Siyaasi Soomaaliyeed oo ay ka suurowdo in uu ka shaqeeyo kaliya danaha umadda Soomaaliyeed ee aan marna ka shaqayn dantiisa gaarkaa ama mida qaraabadiisa iyo asxaabtiisa.
  10. Maxaad nowgu micnayn kartaa Dawlad wanaag.
  11. Maxaa u sababa in awoodda Dawladda Soomaalida ay durba gacanta u gasho kooxyar, ama madaxwaynaha, sideese awoodda dawladda shacabka lowgu soo celinkaraa?.
  12. Maxaa diidaya in Madaxwaynaha ay doortaan 13 750 ee ergo ee soo dooranaya xildhibaanada in ay hadana halmar kala doortaan musharaxiinta Madaxwaynaha u tartamaya, si meesha iibka codka looga saaro.
  13. Yaa diidan in ay 13750 ergo doortaan Madaxwaynaha, ma Xasan Sheekh mise Beesha Caalamka.
  14. Sidee koonfurta soomaaliya Alshaab looga xorayn karaa.
  15. Al-Shabaab ma waxaa lagu saari karaa ciidamada Amisom, mise ciidan qaran, mise shacabka Soomaalida oo midaysan baa iska saari kara..
  16. Maxaa shacabka Soomaalida midaynkara.
  17. Soomaalida ma waxaa ku habboon hogaamiye kaligi taliye ah, mise hogaamiye cadaalad iyo sharciga umadda ku hogaansheawax intaa u dhexeeyase ma jiraan??.
  18. Musuqmaasuqa iyo eexda door intee leäeg bay ka ciyaaraan dib usoo noolaynta burbur qaran.
  19. Siyaasiga ku degdega eex iyo qabyaalad door intee le’eg buu ka qaatay in shacabku ay kala kalsooni baxaan.
  20. Sidee looga hortagi karaa xildhibaanada la iibsanayo.
  21. Sidee Soomaalida lowgu qaybin karaa golyaasha deegaanada.
  22. Xildhibaan kasta imisa cod baa la rabaa in ay usoo codeeyaan doorahada 2020-ka.
  23. Sidee xildhibaanada loo tartansiin karaa.
  24. Sidee Soomaaliya kaabayaal dhaqaale lowgu abuuri karaa, sideese dhalinyarada shaqo lowgu abuuri karaa.
  25. Qaab nooceeya ayaad Soomaalida dib u heshiisiin ugu samayn lahayd.
  26. Maxaa kaaga qorshaysan in ay Soomaaliland dib Soomaali wax ula qaybsadaan, hab nooceeya ayaad u mari lahayd.
  27. Maxaa kaaga qorshaynsan halka mustaqbalka Caasimad Soomaaliya u noqon lahayd.
  28. Sidee bay u wada shaqayn karaan Maamul Gobaleedyada iyo DFS.
  29. Sidee ayaa canshuur ururin u samayn lahayd, sideese khayraadka dabiicigaa maamul Gobaleedyada iyo DFS u qaybsanayaan, canshuurta soo xarootase sidee u qaybsanayaan.
  30. Maxaad ku xulanaysaa Raysal Wasaaraha, qaab neeceeya ayaa lagu soo xulayaa, ma gudi baad u saari lahayd mise adigaa soo xulan lahaa
  31. Miisaaniyadda DFS waa imisa, waase imisa miisaaniyadaha Puntland, Jubbaland ,Galmudug, Somaliland, Koonfur-galbeed.
  32. Lacagta sh Soomaaliga maxaad ka yeelaysaa., sideese u abuuri lahayd hanti qaran iyo bangiyo maalgashi ay leeyihiin maamul gabaleedyada iyo DFS oo aan gaar loolahayn.
  33. Ciidamada Xoogga Dalka maxaa kaaga qorshaysan.
  34. Dalalka siyaasadda Soomaaliya daneeya maxaa kaaga qorshaysan.
  35. Amisom maxaa kaaga qorshaysan.
  36. Wasiirada sidee u xulan lahayd.
  37. Sidee Soomaalida qaran nimada lagu barikaraa, qabyaaladana looga yarayn karaa.
  38. Waxbarashada maxaa kaaga qorshaysan.
  39. Doorashada 2020 maxaa kaaga qorshaysan ma hadaad kasii shaqaynaysaa sidii hogaamiye wanaagsan ay soomaali u heli lahayd mise adigaa kasii shaqaynaya sidaad dib ugu soo laaban lahayd.
  40. Maxkamadda Dastuurka iyo Golaha Garsoorka sidee u dhisi lahayd.

Su’aalahaan waxaa diyaariyay.

Ibrahin Gablax.

Fadlan su’aalahaas iyo qaar kale haddii aad su wanaagsan uga jawaabi kartid

nagala soo xiriir puntlandobserver@gmail.com ama

gablax@yahoo.com  anagaa markiiba kula soo xiriirayna.

 

akhri  maqaalka hoose

Barnaamijka Dawlad: Madaxwaynahee Soomaaliya Ku Habboon iyo Cilmi Baaris kala Soco P/O