Suldaan Siciid Cabdisalaan Suldaanka Guud ee Warsangali Oo Xiliyada Doorashada Puntland Iyo Somaliland si Fiican Lacagta U Qaata Ayaa Maantana Muuse Biixi Hadaaftimo Geeyay (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Geela Hashiisii Durdurdurisay aaranka maxaad mooddaa, waa dal dhan oo qofkasta kaliya ka fakarayo calooshiisa.
Suldaanka guud ee beesha Warsangali Suldaan Siciid Cabdisalaan, waa suldaanka leh saxiixa xildhibaanada beesha Warsangali ee Puntland, waana suldaanka leh saxiixa xildhibaanada beesha warsangali ee Dawladda Federaalka.
Halkaan ka eeg xildhibaanada Puntland iyo suldaan Siciid Cabdisalaan oo leh saxiixa ugu danbeeya.

Suldaan Siciid Cabdisalaan ayaa isa sii taaga Garoowe xiliyada doorashada xildhibaanada iyo Madaxwaynaha.
Hadana Suldaan Siciid Cabdisalaan ayaa dhanka kale xiliyada ay doorashadu ka jirto Somaliland kamida salaadiinta ugu firfircoon Somaliland.

Waxaana aad arkaysaa in uu suldaankii meelkasta lacagtii ka gurayo, Somaliland, Puntland, Dawladda Federaalka.

Hadaba dhegeyso muwaadin reer Hadaaftimo ah oo Radio Daljir uga waramay in uu Suldaan Siciid Cabdisalaan xooggaa dhadhamo ah ka qaaday Muuse Biixi isla markaana geeyay Hadaaftimo.

Cumar Cabdullaahi, Hadaaftimo: “Soomaalilaan Meel Cidla ah oo Maamul ka Horreeyey uusan Jirin bay Yimaadeen” (dhegayso)