Suldaan Yusuf Lule Oo Xukuumadda Gaas Iyo Xildhibaanada Aan Waxba Ula Harrin, Dadkii Markay Abaartii Dhamaysay Baad Baddii 200 Boqol Oo Mariikiib Indhayara Kusii Dayseen,Xildhibaankii Iyo Madaxwaynihii Anagoo Arakynay Laaluush Kala Qaadanayaan

Filed under: Important News,Wararka |

Suldaan Yusuf Lule ayaa maanta Madaxwayne Gaas iyo xildhibaanada runta u sheegay ama hadalo ay dadkoo dhan ka warhayaan oo macaa ilmaha yar ee reer Puntland ee laba jirkaa ka warhayo ayuu Yusuf Lule ku dhiiraday in uu inta saxaafadda u yeero ka sheego.
Suldaan Lule oo beel ahaan ah ninka Madaxwayne Gaas macaa islaan Bashiir uga sokeeya.
Xildhibaanku wuxuu wakiil ka yahay 50 kun oo ruux.
Caawa yaa Gaas waxkasugaya, waa ninka horteena xildhibaanadii ugu qaybiyay lacagtii dp-word.
Wasiirka maaliyadda iyo midka aminga Baarlamaankaa cayrshay, sababtaan idiin sheegayaa lacagtii oo dhan baa la cunay.
Dhulkaan leeyahay anigu waxaan rabaa inaan hagaagsanaano, kana yeeli maayo in ay i ceebeeyaan.
Iyaga hal kalmad baan leeyahay, kitaabkii aad noo marteen baan idinka sugaynaa, illaahayna waa idinla xisaabtamayaa.
Ninka Garoowe Guryaha ka dhistayow, ninka nairoobi guryaha ka dhistayow illaahy baa kula xisaabtamaya.