Suldaankii Beelaha Hartiga Jubooyinka Oo Saakay Ku Geeriyooday Magaalada Kismaayo

Filed under: Wararka |

EEBE ha u raxmadee waxaa saaka ku geeriyooday magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose Suldaankii Beelaha Harti ee Jubooyinka Suldaan Muuse Nuur Jaamac.

Suldaan Muuse oo kamid ahaa Salaadiinta aadka looga yaqaan gobolada Jubooyinka ayaa kasoo jeeday degmada Kismaayo, wuxuuna indhowaalaba ka qayb galayey yagleelidii dhismihii maamul goboleedka Jubaland, isagoo hadana kamid ahaa ergooyinka u fadhiyey soo xulida xubnaha baarlamanka Jubaland.

Suldaanka ayaa u geeriyooday xanuun hayey muddo kooban, wuxuuna ifka uga tagay xaas waxaana ALLAHA uga baryeynaa inuu ka wraabiyo jantul fardowsa.

Fariimo badan oo tacsi ah ayaa durbaba soo gaaray boga Puntlandobserver oo ka kala imanaaysa shacabka iyo masuuliyiinta beelaha Jubooyinka iyo Deegaanada Puntland, kuwaasoo dhamaan suldaanka EEBE uga baryaya inuu ka waraabiyo janatul fardowsa.