Sun iyo Deebaaq

Filed under: Dawlad-Wanaagga,MAANSOOYINKA,Taqwada,Wararka |

Maxamed Xaaji Nuur

Sun iyo Deebaaq

 

Ninka dulinka joogtaystayow, daawo maad lihide!

Dirirtiyo colaaddaad waddana, waa mid kuu darane

Ninkii dacar abuurtana berruu, dalaggeed goostaaye

Hadduu nolol damcaayana ma cuno, sun iyo deebaaqe.

 

Dibnihiisa uma quuro milil, dacar dhunkaaleede

Dagaal iyo sidoo kale ma galo, shay naftow darane

Colna lama dugsado iyo waqaa, cudurka daacuune

Waxaan kaaga digayana ogow, duugga waad arage.

 

Doog buu soo ceshaa daqar yaroo, meel dalooshadaye

Kumana daayo jeeruu ku dilo, ama ku daadduunsho

Duumaduna tabtaasay wadnaha, ugu darroortaaye

Inaad orod durdurisana ha sugin, doob kastood tahaye.

 

Ilaahay wuxuu diido waa, laga duceeystaaye

Waa laga durkaa wuxuu dikrigu, daaya uu yiriye

Adiguna waxaa damacsantahay, inaad dambowdaaye

Dawana ma laha ruuxii Ibliis, dalow ka tuuraaye.

 

Dowladnimo in lagu siiyo oo, nolol laguu daayo

Adoo dooxashiyo boob ka mid ah, doqommadii geeystey

Haddaa diiddo nabad oo dulmigii, wali daneeyneysid

Meel u dayo qaniinyada adaa, doortay waallida’e.

 

Doollarkaan ku waaliyo dhibtaan, damacu kuu geeystey

Diin la’aanta baa kuugu wacan, duunyo dhololkaane

Dabkaad maanta oogtaa ku gubi, maalmo dabadeede

Giddigoodna reer Degel ogoow, waa dil-sugayaale.

 

Dad waxaw ayaandaran nin diley, shacabki soo doortay

Dalkii gebi ahaantiina bahdiis, eexo ugu deeqey

Dabadeed dadkii kale ku direy, ee dab ugu dhiibey

‘Ku durduriya maatadiinna!’ yiri, uusna kaga daadshay.

 

Kol hadday dantiin tahay kufriga, aydan daynaynnin

Ama aad dabooshaan xaqiyo, Nebigii loo doortay

Ku dabaasha Haawiya Ibliis, baydin duufsadaye

Diintana Rabbigii soo dejey, baa xoog ku daaficiye.

 

Maxamed Xaaji Nuur Maxamed

E-mail: mhd.h.n@live.com