Suxufi Mustafa Murtin Beesha Habaryoonis Waa La Dulmay, Arrimaha Uu Sheegayo Maxaa ka Runa Fallanqayn

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

political analysis
Suxufi reer Soomaaliland ayaa banaanka soo dhigay siro hoose iyo arrimo isaga shaki wayn ku abuuray.

Hadaba aan fallanqayno arrimahaas.

1) Soomaalidu waxaynan ogayn in aduunkan la maamulo oo wadamada horumaray ay maamulaan wadamada soo koraya.
laakiin Soomaali badan oo kunool dalalka horumaray ayaa jeclaan lahaa in dalka Soomaaliya uu ka hirgalo nidaam cadaaladeed oo la mida nidaamka ay dalalka reer galbeedku haystaan.
Hadaba haddii aad in yar jalleecdid dalalka Soomaaliya ku xeeran yaa haysta.
a) Sacuudiya Arabi, waxaa hasta boqortooyo ka kooban 4000,halka ay shacabka sacuudiyaanku ka badanyihiin 30 million, waxaana si dadban boqortooyadaas u waardiyeeya dalalka horumaray ee reer Galbeedka.
b) Ethipia yaa haysta, waxaa haysta qowmiyadda Tigreega oo ah 4 million, halka sahcabka Ethiopia ay 100 million yihiin.
c) Dhammaan dalalka khaliijka, Kenya waxaa wada xukuma qabiilo gooniya oo aan saas u badnayn, waana la waardiyeeyaa.
d) Zimbabwe waxaa haystay nin Kaligi taliye ah waxaana meesha ku waardiyaynayay Dawladda China, hadana China mid kalay keensadeen, waliba China iyo Raashiya iyagu ninka kaligi taliyahaa ee ay dalka u dhiibanayaan waa in ay waxwalba ninkaas gacanta ugu jiraan.
Soomaalidaa u malaysa in asxaan la isaga kaa samaynayo iyadoo aan dan lagaa lahayn.

Hadaba dalalka horumaray dalka ay maalgashanayaan, waa in ay gacanta ku dhigaan nabad galyada oo gacantooda waxwalba ku waardiyaystaan, oo makarafoonkana u dhiibtaan madaxwayne ku sheeg ama boqor ku sheeg been been dalkii ruux isagu haysta iska dhiga.

Waxaase cajiiba Somaliland-tii iskaba yarayd aynan waxba gacanta ugu jirrin in hadda lagu dayayo qorshayaashii aan hadeer kor uga soo sheekaynaynay oo xukunkii beelaha qaar loo dhiibanayo.

Laakiin nimanka caalamka siyaasadaha fallanqeeya ayaa sheegay in dhiigga Soomaalidu uunan eex iyo dulmi ogalaan karrin sidaa la ajligeed ay dadalka reer galbeedka iyo kuwa shuuciga ku adkaatay in ay Soomaaliya ka hellaan qabiil ama kaligi taliye ay dalka u dhiibtaan iyadoo kuwa kalena la aqbalsiinayo, oo dhiigga Soomaaliga ayaan yeelayn in la dulmiyo, waana ay ka suurtoobi wayday Soomaaliya in koox yar dalka loo dhiibto.

Waxaana Soomaaliya ka suuroobi waayay qorshe kasta ay dalaka horumaray soo qorsheeyaan.
Qorshaha sida fiican Somaaliya uga suurtagalilahaa waa iyadoo nidaam cadaaladeed Soomaalida loo sameeyo laguna taageero.
Maalmahaan waxaa aad uga soo horjeeda in nidaam cadaaladeed Soomaaliya loo sameeyo dalalka nagu xeeran oo dhammaantood ay maamullaan kooxo yar yar, oo waxay isleeyihiin shacabka aad xoogga ku haysataan bay idinku ilbixinayaan Soomaalidu oo nidaam cadaaladeed haddii uu Soomaaliya ka hirgalo waxaa Soomaalida ku dayanaya dalalka dariska ee ay kooxaha yar xoogga ku haystaan.

One Response to Suxufi Mustafa Murtin Beesha Habaryoonis Waa La Dulmay, Arrimaha Uu Sheegayo Maxaa ka Runa Fallanqayn