TAAGEERIDDA HESHIIS NABADEEDKA TALEEX.

Filed under: Wararka |

Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo
Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa,Ramadaan Kariim guud
ahaan Ummadda Muslimiinta Somaaliyeed(Alloow Nabadgelyo buuxda,
Barwaaqo,Walaalnimo iyo wada jir Somaaliyeed iyo hanaan dowlad
Cadaalad,Xaq soor iyo garsoor leh,Dastuur xalaal ah leh)aamiin.

taleex

Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab kana mid ah qurba jooga Somaliyeed
(Reer Khaatumo)Allah mahad leh-Waxaan si diiran,niyad samid leh,
Kheyr iyo wanaag ka shaqeyn leh,garashadda qiimaha nabadgelyadda,
xasiloonidda,ehel wadaagnimadda,degaan wadaaga,deris wadaag iyo
Walaalnimadda dhabta ah Dadka Beel Wadaaga ah(Reer Taleex)Xalinta
Mashaqooyinkii dhacay dhimashadda iyo dhaawaca-ba keenay oo Dadka
ama Beelaha Reer Taleex dhex-maray,runtiina soo noq-noqday,xiisad
colaadeed iyo bulsho kala fogeeyn keenay(wel-wel iyo murugo badan
abuuray),xalinta iyo nabadeeynta Reer Taleex ayaa ah guul Allah loogu
Mahad-celiyo,eeyna ku amaanan yihiin Isimadii,Cuqaashii,Culimaadda,
Waxgaradka iyo qeybo qurba jooga ka mid ah iyo cidii kale oo gacan ka
geeysteey nabad,xasilooni iyo degaansho dhalinta.

Heshiisan ayaa tiirar adag oo xeeraarkooda iyo qodob cad-ba leh,
taasoo ka dhigeeysa mid si weyn loo illaalinaayo(hadii Allah Idmo)
shuruudaha iyo qodobadda heshiiskaas Walaalaha Reer Taleex ayaa
saldhig u ah rabitaanka iyo niyad samidda qoysaska dhibku kala duwan
dhex-maray(Soo noq-noqotay)runtiina waqtiga qaadatay,si weyna eey
uga seexdeen Maamulka Khaatumo,Isimadda Qaarkood,Aqoonyahanka iyo
Waxgarad badan oo intii muddo ah ku sugnaa Magaaladda Taariikhdiga
ah(Taleex)arrinta ayaan darro weyn leh,balse culeeyska saaray Shirkii
la diyaarinaayeey,iyadoo la seegay ama si cad indhaha iyo dhegaha
looga dabooshay xal u raadiinta ama isku deeyga xalinta mushkiladda
xanuunkeeda,murugadeeda,dhaawaceed iyo xiisadeeda colaadeedba leh
Taleex ka taagneyd,yoolka iyo awooda la saaray arrimo kale sidda:-
Wufuud soo dhoweeyn,Kulamo,War-saxaafadeed,durbaano ciyaareed iyo
arrimo maaweelo ah(runtii dhaawac weyn,maqaam jab iyo ceeb Maamulka
Khaatumo ku noqday iyo sumcad xumi-ba)cawaaqib xumo reebay iyo
Masuuliyad dayac-ba(bulshadda sii kala fogeeyeey).

Allah Mahad leh-guusha heshiiskan waxeey gacanta uGu jirtaa Reer
Taleex(Cuqaasha,Culimaa-udiinka,Waxgradka iyo Bulshadda labadaas
Qoys walaalaha ah)Inshaa Allah mid waara sida ku haboona daawo uGu
noqday guud ahaan dhibaatooyinkii,xiisadihii colaadeed,fulintiisa
iyo illaalinta qodobadda heshiiska waa amaano culeeyskeeda leh.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Jully-06-2014.