Taariikhda Lacagta (Haddii Dawladda Federaalka Lacag Soo Daabacdo Sidee Maamul Gobaleedyada Lowgu Qaybinayaa) By Ibrahin Gablax Qaybta 1aad

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

2006-dii ayaan ku daabacay webkii Mudugonline, maqaal aan ugu magac daray taariikhda lacagta, hadana maanta waxaan is iri waa muhiim in laga hadlo taariikhda lacagta maadaama haddii DFS ay lacag soo daabacdo aynan dadku ka warhayn sida lacagtaas maamul Gobaleedyada lowgu qaybinayo, haddii aad qoraalka wada akhridid waxaad fahmaysaa hanaanka lacagaha loo daabaco, loona maamulo.

Waa maxay lacag (what is money).

Lacag waa shay ay dad isku afgarteen in ay wax ku kala badashaan, bagaash, cunto, adeeg, iyo wax kasta

1000 sano kahor dhalashadii nabi ciise (1000 BC) dadku waxay wax ku kala iibsan jireen hanaaka kala-ganacsi ee layiraahdo ( BARTERING) ama shaygaan shaygaas iigu badal, hadaad ku qanacsantahay.

Markii ugu horaysay Faraaciintii ayaa billaabay in Dahab iyo Silver wax lagu kala badasho, laakiin waxaa iyana feer socday Boqortooyadii China iyo kuwa kaleba.

Lacagtii ugu horaysay aduunka waxay ahayd shillin (coins) waxaa sameeyay Turkida 600 oo sano kahor dhalashadii Nabi Ciise Lacagtii dunida ugu horaysay waxaana laga sameeyay dahab.

-Aduunka waxaa in muddo ahba lacag ka ahaa dahabka iyo silverka, laakiin 600 BC boqor Chines ah ayaa sameeyay xaashi, kadibna isla boqorkaas ayaa sameeyay Bangi ay dadku dahabkooda dhigtaan, isla markaasna qofkii dahab dhigta bangiga u qori jirray jeeg ay ku qorantahay cadada dahab ee ruuxaas bangiga u taal halkaan ka eeg xogtaas.

lacagtoo china

Marka qofka jeeggaas haysta,marka uu bangiga boqorka Chineska geeyo, hadduu rabo wuxuu jeegga ku celinkaraa bangiga, isagoo dib lowgu celinayo dahabkii jeegga ku qornaa iyo xooggaa khidmada oo lagaga qaadayo adeeggii laguu sameeyay sida hadaba ay xawaaladaha Soomaalidu u qaataan 5$ khidmad adeeg boqolkiiba.

-Haddii dahab ama Silver wax lagu kala iibsado ma dhacayo sicir barar (infaltion).

Caliphate Ama Hogaamiyayaashii Saxaabada ee xukumadahii Islaamka lacag ahaan waxay u isticmaali jireen shilimaad laga sameeyay dahab oo la yiraahdo Dinar, iyo shilimaad laga sameeyay Silver oo la yiraahdo Dirham, mana jirrin khidmad dulsaar marka lacag qof la daymiyohalkaan ka eeg  xogtaas.

Gold dinar Caliphate Islam

Gold standard

(Waa marka lacagta lagu xiro dahabk,a haddii la daabacayo ama qiimaha ay suuqa ka joogto)
Hanaanka la yiraahdo Gold standard wuxuu ahaa hannaan dunida laga isticmaali jiray wixii ka danbeeyay qarnigii 16aad.
Waxaana sifiican u isticmaali jirray boqortooyadii Ingiriiska halkaan ka eeg

 

Gold smith Banking.
Taariikhdu markay ahayd 1600 waxaa dunida lacag ahaan loo isticmaali jiray dahab iyo Silver.
Waxaa jirtay in qofkii lagu arko dahab, laga dhici jiray, sidaas awgeedna aadan dahab haysan karin, waayo inta lagu dilo ayaa lagaa dhacayaa.
Xilliyadaas waxaa Ingiriiska ka billowday niman dahablayaala (Gold Smith) oo samaystay ciidan adag oo waardiyeeya, dahabkooda, Dahablayaasha ayaa fullinjirray adeegyo kala dawan sida farsamaynta dahabka, kaydinta dahabka (in laguu hayo dahabkii), oo markaas laguu qoro jeeg ama xaashi cadaynaysa cadadda dahab ee kuu taal dahable hebel (Gold Smith XX), waxay kaloo samaynayaan in nin dahable ah (gold smith) uu inta magac u bixiyo dahablihii uu markaas tuulo kasta ka furo dahable (Gold Smith), oo markaas tusaale haddaad wadato xaashi ay ku qorantahay Dahable hebel (Gold Smith xx) waxaa Mr Cabdi u yaal 2 kg oo dahaba, waa sida xawilaadda amal ama dahabshiil, ama Taaj oo kale, oo hadaad xaashidaas aad wadato meelkasta oo ay xafiis ku leeyihiin baad dahabkaagii ka qaadanaysaa, hadaad u baahato, ama inta aad u baahantahay.

Halka Musuqmaasuqa lacagta uu ka billowday – (Money corruption starting point)
Dahable dahablayaashaas ka mida ayaa wuxuu ogaaday dadka dahabka ku kaydsada dahablihiisa in aynan dahabka qaadan ee uu suuqa un sii wareego jeeggii uu dahabka ku daabacay.

Maalintii danbe ayuu mid kamida dahablayaashii fakaray in markii qof uu cadad dahaba u keensado, tusaale 2 kg dahaba, uu markaas qoro 10 jeeg oo midkasta ay ku qoran tahay in dahable hebel ay taal 2kg oo dahaba jeegga numar xxx.

Qofkii 2 kg ee dahabkaa u keensaday markuu jeeggii 2k ku qornayd u sameeyo ayuu sagaalka kale wuxuu dayminyaa dad kale oo uu waliba dulsaar ka qaadayo, muddo cayimanna u qabanayo in ay soo ceeshaan dahabkii iyo waliba dulsaarkii.

Muddo markii uu dahablihii dadka dayminayay Jeeg kayd dahab oo beena, ayaa waxaa maalintii danbe dadkii jeegaga haystay oo dhan is raaceen oo dahablihii fayl u galleen si ay dahabkoodii uga qaataan, balse waxaa cadaatay in uunan hayn waxaas oo dahaba ee uu isticmaalayay waxa layiraahdo 1/10 Fractional-Reserve, oo ka dhigan in uu bakhaarka dahablihiisa ku kaydsho,10 meelood/ meel, ama 1/10 oo u dhiganta 10%, calashaan 10-kii jeeg ee uu daabcay markii 2kg oo dahaba loo keensaday, hal jeeg mulkiilihii buu siiyay, 9 beenana inta daabacay buu dad daymiayay, isagoo isle dadku dahabkooda hal mar masoo wada doonanayaan.

Ninkii markii la ogaaday in uu jeegag beena dadka dayminayay ayuu boqorkii magaalada haystay soo xirray, hase yeeshee markii la xiray dahablihii dadka jeegga beentaa daymin jirray ayaa waxaa dhacay dhaqaalo xumo wayn, waayo suuqu wuxuu ku socday jeegag beena oo waxaa socday maalgashi, boqorkuna dadka canshuur buu ka qaadan jirray, balse markii ninkii la xiray waxaa dhacay dhaqaalo xumo (recession).

Boqorkii ayaa yiri ninkii dahablaha ahaa soo daaya, isla markaana u sharciyeeyay hawshii uu waday ee Jeegagii beenta ahaa ee dadka la dayminayay Fractional-Reserve, waana meesha ay ka dhalatay hanaanka ay maanta bangiyada aduunku ku shaqeeyaan marka ay ama lacag daabacayaan ama dad lacag dayminayaan, iyadoo aan maanta kaydka dahabka dadku bangiyada dhigtaan lagu xirrin lacagta la daabacayo ama dadka la dayminyo balse hadda booskii dahabka waxaa lacagta lagu daabacayo lagu qaymeeyaa daynta (dept) ay dadku Bangiga waydiistaan tusaale haddii uu qof shaqeeya bangiga ka dalbado 10 kun , bangig wuxuu soo daabacayaa 10 kun oo kaasha, oo boqolkaas kun buu bangigi qofkii waxdaynsaday kasiinayaa 10-kii kun, isla markaana 90-kii soo haray, 10 kun bangigaga ayuu ku kaydinayaa inta kalena 80-ka kalena dadkale ayuu dayminayaa ama bangigag ayaa maalgashi ku samaynaya, waa sheekadii dahablayaashii dadka jeegaga beentaa dayminjirray oo waliba xiligaas bangiga ku kaydin jirray

Qaybta labaad waxaan kaga hadli doonaa 1/10 or 10% Fractional-Reserve Banking

Hadaan micneeyo  ( Fractional-Reserve Banking) waa Bangiyada Wixii Lagu Kaydsado Iyagoo Ka Faa Iidaysanaya Kaydkaas 10 meelood meel ama 10% kaydinaya, 90%-na dadka dayminya, ama marka la rabo in la cag la daabaco, haddii ay laca

Lasoco Qaybta Labbaad.

Diyaariya Ibrahin Gablax