Taariikhda Xad Badeedka Soomaaliya

Filed under: Important News,Wararka |

Taariikhda Xad-Badeedk Soomaaliya iyo Kenya

Hordhac

Waayadan danbe waxaa aad u soo badanaya doodaha la xiriira xad-badeedka Soomaaliya ay la leedahay dalalka dariska la ah. Marar badan waxaa soo if-baxaya in xog badan ay ka maqan tahay siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka arrinkan ku mashquulsan. Warqaddan waxaa ku qoran heerarka uu soo maray xad-badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo aad u kooban (1924  – 2015). Dokumentigan waxaa wali ku jira qabyo laakiin waxaa laga helayaa xog badan oo muhiim ah dadka danaynaya qaddiyaddan, gaar ahaan xubnaha dowladda, baarlamaanka iyo aqoonyahannada doonaya inay cilmi-baaris sameeyaan.

 

Dhacdooyinka la Xiriira Badda Soomaaliya (1924-2015)

 

  1. 24 July 1924 – Ingiriisku iyo Talyaaniga waxay kala saxiixdeen Jubaland Convention oo Talyaaniga loogu balan qaaday in Jubaland loo goyn doono iyadoo laga abaalmiraniyo is xulufeysigoodii Dagaalkii Koowaad ee Germany kaga hor timi.[1]

 

  1. 29 June 1925—Iyadoo la fulinayo heshiiskii London lagu kala saxiixday 15 July 1924 waxa Talyaaniga loo gooyey dhul baaxadiisu tahay 36,740 square miles ama 94,050 square km. [2]

 

  1. 1934– Ingiirska iyo Talyaaniga waxay soo sareen heshiisyo ay ku gebagebeynayaan xaddeynta Italian Somaliland and The Colony and Protectorate of Kenya. Waxa ku qoran heshiisyada sharax la xidhiidha xadka oo badda galay oo dhaafaya tiirka 29 ee Daru Salaam oo ah barta ay Badda Soomaaliya iyo Kiiniya iska galaan. Heshiiskan wuxuu wax ka muujinayaa  xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya (bad iyo berri) intii markaa la gaadhi jiray.[3]

 

  1. 1960 – Soomaaliya waxa sharci u noqday The Maritime Code of 1959. Article 1 of The Maritime Code of 1959 in its article 1 ayaa dhul badeedka (territorial Sea) Somalia ka dhigayey lix mile.[4]

 

  1. 1966 – Sharicigaa hore waxaa lagu baddalay article 3 of law No. 7 of November, 1966 oo ka dhigay dhul-badeedka Soomaaliya 12 mile. Sharcigaa waxa la kordhiyay 1967 iyadoo noqday Law No.3 of 7 January, 1967.[5]

 

  1. May 1972 – Kenya waxay sameysay “Territorial Waters Act, 1972, No.2” oo ay ku xaddidayey dhul badeedkeed 12 NM.[6]

 

  1. 10 September 1972 – Soomaaliya waxay soo saartay Law No. 37 on the Territorial Sea and Parts, of 10 September 1972. Sharcigani wuxuu ka dhigayaa dhul-badeedka Soomaaliya 200 NM.[7]

 

  1. 17 December 1975—Kiiniya iyo Tanzaaniya waxay isku raaceen halka uu maro xadka badda dalka (Territorial Sea). Xilligan weli lama aqoonsan EEZ( aaga dhaqaalaha) iyo Qalfoofka Qaaradeedka (Contintal Shelf).[8]

 

  1. 13 January 1977 – Soomaaliya waxay samaysay Guddiga Badda oo uu madax ka ahaa General Maxamuud Geelle Yuusuf, ayna ka mid ahaayeen khubaro ka kala timid hey’adaha dalka.

 

  1. 1977 KENYA – “Territorial Waters Act, No.2” ayay baddashay, waxayna faahfaafhin ka bixisay xadka dhul-badeedkeeda.[9]

 

  1. 28 February 1979 – Madaxweyne Daniel Arab Moi ayaa “proclamation” ku soo saaray Territorial Sea (Dhul Badeedka) iyoExlcusive Economic Zone(EEZ) oo uu la socdo khariidad. Proclamionka  Qodobkiisa koowaad ee (b) ee la xidhiidha dhanka Soomaliya wuxu qorayey in loolka iyo dhigta dhul-badeedka uu yhaay “eastern latitude south of Diau Damasciace Island being latitude 1’38’ degrees [10]

 

  1. August 1989 KENYA – Kenya waxa soo saartay “Maritime Zones Act” ay ku muujineyso “xadka EEZ”.[11]

 

  1. 26 January 1989 – Waxaa dhaqan galay sharciga badda Soomaaliyeed ee Sharci Nambar 5, 26 January 1989. Sharcigani wuxuu dhul badeedka Soomaaliya ka dhigayey 12 NM, kan dhaqaalanah (EEZ), 200 NM. Sharcigan wuxuu bedelay oo buriyey Sharcigii ahaa 1959 Maritime Code iyo Law 37 of 1972.[12]

 

  1. 9 February 1989 – Soomaaliya waxay ansixisay Sharciga Badda ee Qaramada Midoobay oo ay ka dhigtay qeyb ka mida Sharci Badeedka Soomaaliya.[13]

 

  1. 24 July 1989- Soomaaliya waxay meelmarisay(ratified) sharciga UNCLOS on 24 July 1989.[14]

 

  1. March 1995 – Kenya waxay u gudbisay Qarmada Midoobay khariidad muujinaysa EEZkeeda.[15]

 

  1. 9 June 2005 – Presidential Proclamation – Kenya waxay wax ku dhawaaqday xuduuddeeda oo ay ka dhigtay “eastern latitude South of Diua Damascian Island being latitude 1°39’34” degrees south.” Kii hore waxa uu ahaa 1’38’ degrees Tan kale heshiiska Ingiriiska iyo Talyaaniga dhexmaray wuxu jeexayey xariiq isagoo gudaha gelinaya “5 islets known as Diua Damasciaca.” ee ku dhacay gudaha Soomaaliya. Kiiniya waxay u gudbisay Qaramada Midoobay khariidad si cad u qeexaysa “territorial sea”geeda iyo EEZkeeda. Waxay sheegatay EEZ dhan 142,400 Square Kilometres ay leedahay. Weli map qeexaya baaxada EEZka Soomaaliya lama geyn.[16]

 

  1. September 2005. Soomaaliya iyo Kiiniya waxay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhameystiran oo loogu magac darayJoint Commission for Co-operation (JCC). Heshiiskan weli lama shaacin qodobada uu ka kooban yahay laakiin waxa ka mida meelaha uu taabanayo socdaalka, ganacsiga, dhaqanka, nabadgelyada iyo [17]

 

  1. October 2008 – Walad Cabdale ayaa bilaabay in la guda galo diyaarinta xogta Soomaalidu ay kula kulmi laheyd macluumaadka ay tahay in Soomaaliya in ay u gudbiso QM ka hore 13 MAY 2009.[18]

 

  1. 10 March 2009 – Waxa Nayroobi lagula shiray Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, anhna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeen, Cabdirahamaan Aadan Ibraahim (Ibbi) oo loo sheegay hawsha ay waddo Norway. Waxaa la shiray Deputy Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Mr Charles Petrie, iyo Ambassador Hans Wilhelm Longva from the Royal Norwegian Ministry of Foreign Affairs.[19]

 

  1. 12 March 2009 – Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey macluumaadka ay Norway diyaarisey iyagoo aqbalay in loo gudbiyo Qaramada Midoobay.[20]

 

  1. 20 March 2009. Dawlada Yemen ayaa u gudbisay QM xadkeeda badda ee qalfoofka shishe ee Koofur Bari Suqadara. Yemen waxay ku qortay in aan wax muran ah ku jirin meelaha ay soo gudbisatay.[21]

 

  1. 2 April 2009. Waxa Nairobi ku shiray Joint Technical Committee on the Tanzinia/Kenya Maritime Boundary. Gudidaa Tanzania iyo Kiiniya waxay isku raaceen warqadii la raaci lahaa “preliminary submission” ka Tanzania sameyneyso oo ah caddeyn halkuu maro xadka badda ee Aaga dhaqaalaha gaarka(EEZ), Qalfoofka Badda(Continental Shelf).[22]

 

  1. 7 April 2009 – Somaliya iyo Kenya waxay ku kala saxiixdeen MOU(heshiis), magaalada Nairobi. Heshiiskaas waxaa Soomaaliya u saxiixsay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wuxuuna dhaqan galay 7 April 2009. Nuxurka MOU-gu waa 1- in muran badeed saamaynaya (Continental Shelf and Beyond) uu ka dhexjiro labada dal; 2) in ay isla oggolaadaan labada dal in Commission-ka uu eego xogtooda; 3) in ay labada dal ka wada hadli doonaan xuduud badeedka ay ku muransan yihiin marka uu commission-ku go’aanka gaaro kadib; iyo in is-fahamku (MOU) uu dhaqan geleyo maalinta la saxiixay.[23]

 

  1. 8 April 2009 – RW Cuman Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa warqad u diray Xogyaha Guud ee QM taasoo uu ugu sheegayo in xogtii hor u dhaca qaarad qalfoofeedka shishe ee Soomaaliya uu soo gudbinayo (XRW/0065/06/09).[24]

 

  1. 14 April 2009 – Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Badda ee DOALOS ayaa xaqiijisay in ay Soomaaliya soo gudbisay xogta ku saabsan “Preliminary information indicative of the outer limits of the continental shelf beyond 200 nautical miles”, iyadaa xilliga xogta loo qabtay ku ekeyd 13 May 2009.[25]

 

  1. 6 May 2009 – Kenya waxay u gudbisay QM xog-dhamaystiran oo la xiriirta “Outer Limits of the Continental Shelf Beyond 200 NM”. Kenya waxay adeegsatay qeyb ka mid ah article 76 iyo “Statement of Understanding” oo xaaladaha shaadka ah ama gaarka ah loo adeegsado sida Bay of Bangal. Waxay ku doodday in “Statement of Understanding” aysan ku koobnayn Sri Lanka ee dal kasta oo caddaalad-darro dabiici ah qaba uu adeegsan karo.[26]

 

  1. 7 May 2009 – Dawladada Tanzania ayaa waxay gudbibisay xogtii hordhaca ahayd ee baddeeda Qalfoofka shishe.[27]

 

  1. 11 June 2009 – Kenya waxay heshiiska MOUga uga diiwaan galisay Qaramada Midoobay inuu yahay heshiis caalami ah. MOU-ga waxaa lagu faafiyey buugga lagu daabaco heshiisyada caalamiga.[28]

 

  1. 23 June 2009 – Waxa Tanzania iyo Kiiniyia dhameysitareen heshiiskii 2 April 2009 la isku raacay ee xaddeynayey qeybta dhaqaalah (EEZ) iyo tan qalfoofka soke (continental shelf), iyo tan shishe oo la isku raacay in linekaa hore la sii wado. Dawlada Kiiniya iyo Tanzania waxay heshiiska ka diiwaan geliyaan Qaramada Midoobay isagoo dhaqan galay 23 June 2009[29].

 

  1. 24 June 2009 – Markay diiwaan gelisay kadib Kenya waxay kulankii Law of Sea Convention Meeting ka codsatay in degdeg loo eego xogta ay soo gudbisay. Waxay ku in aqoonyahanka ay heysato ay weyn karto haddii aan la dedejin.[30]

 

  1. 22 July 2009 – Waxa warqad Qaramada Midoobay u qoray Dawlada Sri Lanka oo diidaneyd in Kiiniya u isticmaasho xaddeynta badaha qodobka “Statement of Undertanding.” Sri Lanka waxay ku doodeysaa in qodobkaasi iyada keliya u gaar yahay.[31]

 

  1. 1 August 2009 – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday heshiiska MOU ee Soomaaliya iyo Kenya wada-galeen. Waxaa goobjoog ahaa 347 xildhibaan. Waxaa diiday heshiiskii MOUd 334 xildhibaan. Sagaal xildhibaan in gudi loo saaro ayay soo jeediyeen halka afar xildhibaan waxay dalbadeen in dib loo dhigo.[32]

 

 

  1. 19 August 2009 – (XRW/00506/08/09)-KENYA – Ra’iisal-Wasaare Cumar Cabdirashiid wuxu warqad uu uga hor-imanayo go’aanka baarlamaanka, kuna taageerayo saxiixa MOUga u diray Qaramada Midoobay.[33]

 

  1. 19 August 2009. Ra’iisal Wasaar Cumar Cabdirashiid wuxu u diray warqad uu ku diiday in Soomaaliya ay oggolaansho siiso Yemen. Wuxuuna u sheegay Commission-ka inaanay eegin xogta Yemen.

 

  1. 3 September 2009 — Dawlada Kiiniya waxay hortagtay Commission-ka oo ay u sharaxday kiiskooda.[34]

 

  1. 10 October 2009 – RW Cumar Cabdirashiid wuxuu warqad u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Wuxuuna ogeysiiyay go’aanka diidmada baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ku caddeeyey warqada in MOU-ga aan la isticmaali Karin.[35]

 

  1. 10 March 2010 – Warqadda Cumar Cabdirashiid ee Go’aanka Baarlamaanka gudbinaysa waxaa ay Qaramada Midoobay gaartay 10 March 2010. Muddo dheer ayay ku qaadatay Soomaaliya in go’aanka baarlamaanka la gaarsiiyo Qaramada Midoobay (OPM/IC/00/016/1109). Qaramada Midoobay waxay MOU-ga u aqoonsadeen inaan la tixraaci Karin.[36]

 

  1. 15 March to 23 April 2010- Kulankii 25aad ee CLCS oo lagu eegayay xogta Kenya, waxay Guddigu qireen helitaanka warqadii Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ee taariikhdeedu ahayd 10 Oktoobar 2009 ee Baarlamaanku ku diideen MOUda.[37]

 

  1. 8 October 2011 – Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu soo saaray Xeer lagu magacaabay Dhaxal-Dhawr. Xeerkaas waxaa baarlamaanku ka mamnuucay xukuumadda inay gasho heshiisyo ku saabsan arrinka badda. Baarlamaanku waxay mar kale ku celiyeen in Xeer Lam 5 uu yahay Sharciga Rasmiga ah ee Badda Soomaaliya.

 

  1. 12 January 2012 – Dawlada Tanzania waxay xogteeda buuxda u gudbisay CLCS. Xogtan Tanzania ma tilmaamin in ay waxa muran-badeed ah “maritime dispute” ka dhexyaalo iyada iyo Soomaliya.

 

  1. 9 January 2014 – Kenya waxay u dirtay QM warqad iyo khariidad caddaynaya xuduuda badda ee ay la leedahay Soomaaliya.[38]

 

  1. 7 October 2014- Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Cilmi Axmed Ducaale wuxu ka jawaabay khariidada ay Kiiniya geysay 9 January 2014. Jawaabtaa wuxu Cilmi ku sheegay in Kiiniya sheeganeyso dhul badeed Soomaaliya leedahay oo horyaalla Maxkamadda Adduunka[39].

 

  1. 4 February 2014 – Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Bayle ayaa warqad u qoray Xoghayaha Qaramada Midoobay. Wuxuuna ku caddeeyey in MOU-ga aan la tixraaci Karin, islamarkaana aysan dowladdii KMG ahayd aysan awood u lahayn inay heshiis gasho. Wuxuu si cad ugala noqday oggolaashihii ay Soomaaliya u oggalaatay in Commission-ku uu xogta Kenya go’aan ka gaaro.[40]

 

  1. 30 June 2014 – Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud wuxu shaaciyey (Proclamation) sharci baddeedkii Law No.11 February 1989; Decree No.14 February 9, 1989; Law No. 5, 26 January 1989. Sharcigaa wuxuu Xassan ku caddeeyey in EEZka Soomaaliya yahay 200 NM.[41]

 

  1. 7 July 2014 -Kiiniya waxay ka dalbatay Gudida CLCS in mar labaad la siiyo fursad ay xogtii ay gudbisay May 2009 ay ku soo hor dhigto kulanka soo socda ee gudida.[42]

 

  1. 30 June 2014- Madaxweyne Xassan Sheekh wuxu xog dhan 39 Bog oo tilmaameysa dhigaha iyo loolka xeydaanka EEZka Soomaaliya (Outer Limit of the Exclusive Economic Zone of Somalia) u gudbiyey Qarmada Midoobay. Wax khariidada oo la socdaa ma jiraan ama tilmaamaya baaxada EEZka Soomaaliya, sida tan Kiiniya.[43]

 

  1. 3 September 2014 -Waxa gudida CLCS warqad u qoray Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midooba u fadhiya Axmed Cilmi Du’aale. Warqada wuxu Cilmi si cad uga hadlayaa kulan 35aad ee lagu eegayay xogta Kiiniya. Wuxu ku lifaaqay warqadii Bayle tiisa isagoo u sheegay in Soomaaliya ay kala noqotay oggolaashihii eegidda xogta Kiiniya.[44]

 

  1. 21 July to 5 September 2014 Kulankii 35aad ee gudida CLCS ayaa Kenya hor dhigtay dacwadeeda. Guddiga CLCS waxay qireen oo aqbaleen warqadii Bayle oo diidaneyd in gudidu eegaan xogta Kiiniya, waxayna dib u riixeen eegidda xogtii Kenya. Waxay u sheegeen Kenya inaysan oggolaansho ka haysan Soomaaliya. Sidaa darteed, waxay u caddeeyeen inay sugayaan in xaaladda wax isbka-baddalaan oo ay oggolaasho helaan.[45]

 

  1. 21 July 2014 – Soomaaliya waxay gudida xaddeynta qalfoofka shishe (Beyond Continental Shelf) u gudibsay macluumaad ay ku tilmaameyso in uu dhameytirayo “preliminary Submission” kii hore loo sameeyey.[46]

 

  1. 28 August 2014 – Soomaaliya waxay u gudbisay dacwad la xiriirta muranka xuduud-badeedka ka dhexeeya labada dal Maxkamadda Caalamiga ah. Soomaaliya waxay ka codsatay maxkamadda in ay dhammaan eegto (territorial sea, EEZ and CS).[47]

 

  1. 5 September 2014. Waxaa Gudida CLCS shaaciyeen in Kiiniya rabto iney xogteeda hor dhigto guddiga xubnaha cusub.[48]

 

  1. 24 October 2014 – Kenya waxay ka jawaabtay warqadda Bayle ee uu kala noqday oggolaashaha. Waxay ku doodday in Soomaaliya ay jabisay heshiis caalami ah (MOU). Waxay dhaliishay Commission-ka inaanu eegin xogta ay Kenya soo gudbisay. Sidoo kale, Kenya waxay mar kale ka codsatay Commission-ka inuusan diidmada Soomaaliya waxba ka soo qaadin oo uu eego xogta ay Kenya soo gudbisay.[49]

 

  1. 4 May 2015 – Kenya waxay jawaab ka bixisay xogtii ay Soomaaliya u gudbisay QM 21 July 2015. Waxay ku eedeysay Soomaaliya inay sheeganayso dhul-badeed ay waligeed iyadu lahayd illaa iyo 1963. Sidoo kale waxay ku doodday in Kenya ay dhowr jeer shaacisay lahaanshaha dhul-badeedkaas (1979 and 2005), islamarkaasna aysan dowladda Soomaaliyeed waxba ka dhihin. Kenya waxay iyaduna kala noqotay oggolaanshaha in Commission-ku eego xogta ay Soomaaliya soo gudbisay.[50]

 

  1. 30 June 2015 – Kenya waxay mar kale warqad u dirtay Xoghayaha Guud ee QM. Waxayna ke eedeysay Soomaaliya inay jabisay heshiis caalami ah oo laga diiwaan-geliyey qeybta heshiisyada ee QM (MOU-ga) 11 June 2009. Kenya waxay aad u dhaliishay go’aanka Soomaaliya ay kula noqotay oggolaashaha sabab la’aan. Sidoo kale, waxay mar kale u oggolaatay Commission-ka inuu eego labada xog ee ay Kenya iyo Soomaaliya soo gudbiyeen.[51]

 

  1. 13 July 2015 – Soomaaliya waxay maxkamadda caalamiga gaysay dacwadeeda. Kenya waxa jawaabta dacwaddeeda laga filayaa 27 May 2016.[52]

 

  1. 16 July 2015 – Soomaaliya waxay guud ahaan baddashay xogtii ay gudbisay 21 July 2014. Waxay keentay xog cusub oo ka duwan tii hore. Soomaaliya waxay ka noqotay go’aankeedii hore ee ahaa in MOU-ga aan la tixraacin. Waxay oggolaasho siisay Commission-ka inuu eegi karo labada dal xogta ay soo gudbiyeen. Soomaaliya waxay ku sababaysay in go’aanka Commission-ku aanu raad ku yeelanayn muranka labada dal iyo inay tixgalinayso la shaqaynta QM (p. 6). Xogtan Soomaaliya waxay ka noqotay odhaahdii ay hore ugu sheegtay in iyada iyo Tanzaaniya muran badeeed ka dhexeeyo. Dokumentigan waxaa diyaariyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyadoo aan cid kale kaalmo ka helin.[53]Dokumentigan waxaa diyaariyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyadoo aan cid kale kaalmo ka helin (Bog 2).
  2. 20 July 2015 to 4 Sepember 2015 ayay guddiga guud ee CLCS oo ka kooban 21 xubnood yeesheen kulankood 38aad. Waxay qireen in ay heleen warqadii Oggolaanshaha Soomaaliya, waxayna u saareen guddi-hoosaad ka kooban 7 qof oo kala yimid: Ghana, Nigeria, Malaysia, Denmark, Korea, Brazil and Mexico. Waxa kale oo ay ku amreen guddi-hoosaadka inay isticmaalaan article 76 iyo “Statement of Understanding” marka ay eegayaan xogta Kenya.[54]

 

  1. 7 October 2015 – Kenya waxay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ qoraal ay ku doodayso inaysan maxkamaddu xaq u lahayn inay eegto muran-badeedka ka dhexeeya iyada iyo Soomaaliya. Waxay Kenya ku doodday in labada dal ay galeen heshiis caalami ah (MOU-ga). Heshiiskaas ayaa caddaynaya habka loo abbaarayo xallinta muran-badeedka ayay sheegtay. Maxkamadda Caalamigu markay heshay qoraalkaa Kiiniyaa waa ay hakisay dacwadda ilaa inta Soomaaliya jawaabteeda la helayo “the proceedings on the merits have been suspended”.[55]

 

  1. 9 Ocotber 2015 – Maxkamadda Caalamigu waxay soo saartay qoraal ay kaga dalbayso Soomaaliya inay ka soo jawaabto doodda Kenya ay ku leedahay maxkamaddu xaq uma laha inay muran-badeedka xal u hesho. Jawaabta Soomaaliya waa inay gaarto maxkamadda ka hore 5 February 2016.[56]

 

  1. 19 October 2015 – 30 October 2015 – guddi-hoosaadku kulankoodii u horreeyey ayay ku yeesheen New York.

 

  1. 16 November 2015 – 20 Novemeber 2015 – Guddi-Hoosaadka ayaa kulankooda labaad yeelanaya si ay u eegaan xogta ay Dalka Kiiniya u soo gudbisay.

 

XOGTAN WAXAA INOO SOO GUDBIYEY MUWAADINIIN SOOMAALIYEED OO WAQTI MUHIIM AH GELLIYEY SOO URURINTA XOGTA KU AADAN BADDA SOOMAALIYA IYO SIDII AY WAX U DHACEEN TAARIIKHO KALLA DUGGAN OO U DHAXEEYSA ILLAA IYO 1924-2015.

 

 

NOTES

 

[1] Heshiisyadii dhexmaray Talyaaniga iyo Ingiriiska waxa dib loogu daabacay buug ay soo saartay

Wasaarada Arrimaha Dibeda (Department of State) ee Mareykanku. Italian Somaliland was expanded by the Anglo – Italian treaty of July 15, 1924, under which an estimated 36,000 square miles of Kenya territory, commonly called Jubaland or Trans-Juba, was ceded to Italy in 1925 in accordance with an undertaking started in World War I. Jubaland was administered by Italy as a separate colony for one year and then incorporated into Italian Somaliland in 1926.  Arag Boga 3aad:

http://archive.law.fsu.edu/library/collection/limitsinseas/IBS134.pdf

[2] Colonial Reports – Annual, No. 1321, Colony and Protectorate of Kenya, Report for the Colony and Protectorate of Kenya for the Year 1925. Arag: http://libsysdigi.library.illinois.edu/ilharvest/Africana/Books2011-05/5530244/5530244_1925/5530244_1925_opt.pdf.  On 29th June, 1925, in pursuance of a treaty between the United Kingdom and Italy signed at London on 15th July, 1924, The Province of Jubaland, an area of 36,740 square miles, was ceded to Italy.

[3] Exchange of Notes between His Majesty’s Government in the United Kingdom and the Italian Government regarding the Boundary between Kenya and Italian Somaliland with the Agreement of the Boundary Commission, Appendices and Map, November 22, 1933. Halkan ka arag qoraalka heshiiskii lagu geba gebeyeeyd xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kiiniya. http://treaties.fco.gov.uk/docs/fullnames/pdf/1934/TS0001%20(1934)%20CMD-4491%201933%2022%20NOV,%20LONDON%3B%20NOTES%20BETWEEN%20UK%20AND%20ITALY%20REGARDING%20THE%20BOUNDARY%20BETWEEN%20KENYA%20AND%20ITALIAN%20SOMALILAND.pdf; Halkan ka arag Maapka la socday heshiiskaa:

http://treaties.fco.gov.uk/docs/fullnames/pdf/1934/TS0001%20(1934)%20CMD-4491%201933%2022%20NOV,%20LONDON%3B%20NOTES%20BETWEEN%20UK%20AND%20ITALY%20REGARDING%20THE%20BOUNDARY%20BETWEEN%20KENYA%20AND%20ITALIAN%20SOMALILAND_MAP01.pdf.

 

[4] Somali Maritime Code https://somaliswiss.files.wordpress.com/2011/10/somali-maritime-code-21-03-19591.pdf.

[5] Law No.3 of 7 January, 1967.  Arag: http://www.somalilandlaw.com/Maritime_Code_1959_Extension_Law_1967.pdf

[6] Territorial Waters Act, 1972, No.2. ARAG: http://faolex.fao.org/docs/pdf/ken3571.pdf.

[7] Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972. Arag: http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf

[8] Exchange of Notes constituting an agreement on the territorial sea boundary, 17 December 1975 – 9 July 1976

http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/TREATIES/TZA-KEN1976TW.PDF

[9] Territorial Waters Act of 16 May 1972, revised in 1977. Arag:http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/KEN_1977_Act.pdf.

[10] Presidential Proclamation of 28 February 1979. Boga 1aad qodobkiisa kowaad ayaa qoraya (b) in respect of its northern territorial waters boundary with Somali Republic be on eastern latitude South of Diua Damasciaca Island being latitude 1° 38′ South.  Arag:

http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/KEN_1979_Proclamation.pdf

[11] The Maritime Zones Act, 1989. Arag:

http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/KEN_1989_Maritime.pdf

[12] Faafin Rasmi Ah. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, Sannaka 17aad, Muqdisho 15ka Feberaayo, 1989 L. 1 R 2 Arag boga 68. Sharci Lambar 5, taariikh 26 Jan. 1989: Sharciga Badda Soomaaliyeed.  Madaxweynaha JDS. Isagoo tixgelinaaya: Oggolaanshaha Golaha Shacbiga; Wuxuu soo saarayaa Sharciga soo socda. Qod.1aad- Waxaa  la oggolaaday Sharciga Badda Soomaaliyeed ee halkan ku lifaaqan. Qod. 2aad-Waxaa la buriyey Sharciga Badda Lambarkiisu yahay 21 Febraayo 1959 iyo sharci kasta ama Xeer-nidaamiye kasta oo ka soo horjeeda ama aan la socon Sharcigan.

[13] Faafin Rasmi Ah. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, Sannadka 17aad, Muqdisho 26ka Feberaayo 1989 L. 2 R 2.  Xeerka Madaxweynaha JDS Lambar 14, taariikh 9.2.1989: Meelmarinta Axdiga Qarammada Midoobay ee Xeerka Baddaha. Boga: 90 ( Decree NO.14, of 9th February 1989: Instrument of ratification, page 91).  Waa ku qoran bogga 90aad ee Faafinta Rasmiga Qodobka 1aad-Waxa la meelmariyey Axdiga Qarammada Midoobay ee Xeerka Badaha iyo Lifaaqyadiisa oo lagu saxiixay magaalada Montego Bay ee dalka Jamaa’ika 10kii Disembar 1982.

Qodobka 2aad Axdiga kor ku tilmaaman ee Xeerka Badaha iyo Lafaaqiisu waxay dalka

Jamhuuriyada Dimoqraadiga Soomaaliya ku yeelanayaan awood sharci ah.

[14] Somalia waxay UNCLOSS III saxiisday: 10 Dec 1982; Waxay Dhaqan gelisay (Ratification): 24 July 1989. Arag: https://treaties.un.org/pages/ViewDetailsIII.aspx?src=TREATY&mtdsg_no=XXI-6&chapter=21&Temp=mtdsg3&lang=en

[15] Map depicting Kenya’s EEZ was deposited with the Secretary-General of the UN. The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation informed UN that effective March 1995, all unauthorized foreign fishing vessels must cease and desist from fishing in Kenya’s EEZ. Arag http://biotech.law.lsu.edu/blaw/dodd/corres/20051m_040201/kenyafinal.doc.

[16] Presidential Proclamation of 9 June 2005, pursuant to article 16, paragraph 2, and article 75, paragraph 2, of UNCLOS (Law of the Sea Bulletin No. 61).  Arag, boga 96-97 oo qoraya (b) “In respect of its northern territorial waters boundary with Somali Republic be on eastern latitude South of Diua Damascian Island being latitude 1°39’34” degrees south :http://www.un.org/Depts/los/doalos_publications/los_bult.htm

 

[17]  Booqashadii u horesay ee Madaxweyne Xassan ku tago Kiiniya, 21 December 2012, waxa la

isku raacay in dib loo soo nooleeyo oo la guda galo iyagoo la qorayo “Kenya and Somalia have stressed the need to revitalize the Joint Commission for Co-operation (JCC)  signed between the two countries in September 2005 as the key framework for their bilateral engagements. In a joint communiqué issued after a bilateral meeting at State House Nairobi, President Mwai Kibaki and Somalia President Hassan Sheikh Mohamud mandated their respective Foreign Affairs Ministers to  immediately commence the preparatory work which will culminate in the launch of the JCC. Arag http://www.capitalfm.co.ke/news/2012/12/kenya-somalia-to-revive-cooperation-pact. Safarkii RW Cumar Cabdirashiid ku tegay Kiiniya 7 November 2015 waxa la isku raacay  in la hirgeliyo  JCC qodobadeedii ” They agreed on the need to fully operationalize the Joint  Commission for Cooperation (JCC), saying it was an important vehicle for boosting bilateral engagements between the two countries.” Arag: http://allafrica.com/stories/201511080149.html

[18] Preliminary Information Indicative of the outer limits of the continental shelf …boga 3aad “On this background in October 2008 the Special Representative of the Secretary-General (SRSG) for Somalia, Mr Ahmedou Ould Abdallah, initiated the preparation of preliminary information indicative of the outer limits of the continental shelf of Somalia beyond 200 nautical miles”. Arag http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/preliminary/som_2009_preliminaryinfo.pdf.

 

[19] Preliminary Information Indicative of the outer limits of the continental shelf …boga 4aad “At a meeting in Nairobi on 10 March 2009 between the Deputy Prime Minister and Minister of Fisheries and Marine Resources of the Transitional Federal Government of the Somali Republic, Abdirahman Adan Ibrahim lbbi, the Deputy Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Mr Charles Petrie, and Ambassador Hans Wilhelm Longva from the Royal Norwegian Ministry of Foreign Affairs, the Transitional Federal Government of the Somali Republic was informed about the initiative of the SRSG and of the Norwegian assistance.” Arag: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/preliminary/som_2009_preliminaryinfo.pdf.

 

[20] Arag Preliminary Information Indicative of the outer limits of the continental shelf …boga 5aad “At a meeting on 12 March 2009 the Council of Ministers of Somalia approved the submission by Somalia to the Secretary-General of the United Nations in accordance with SPLOS/183 of preliminary information indicative of the outer limits of the continental shelf beyond 200 nautical miles. The Council of Ministers expressed its gratitude to the SRSG, Mr Ahmedou Ould Abdallah, for his initiative and to the Government of Norway for its assistance” Arag: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/preliminary/som_2009_preliminaryinfo.pdf.

[21] Soomaaliya iyo Yaman kalama saxiixan MOU. Ka eeg Yaman xogteeda: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/yem09/clcs18_2009rev1ef.pdf; Yaman soo gudbinteeda waxa loo qoondeeyey in lagu eego kulanka CLCSga  ee twenty-fourth session of the Commission to be held in New York from 10 August to 11 September 2009. Arag http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/submission_yem.htm. Inkasto Yemani ka hor gudbisay Kiiniya, laakiin Soomaaliya oo ogalaasha siin darteed looma sameyn gudi-hoose.

[22] Warqadan heshiisku ku qoran yahay Kiiniya iyo Tanzania, maadaama u dhaqan geliyo marka la saxiixo, labada wasiir midkoodna ma saxiixin. Heshiiska waxa lagu dhiftay shaabadaha labada dal oo keliya. Arag  Article 7. This agreement shall enter into force upon  signature by the two Parties. In WITNESS WHEREOF, the duly authorized representatives of the Parties have signed the present Agreement at Nairobi this day….day of …..2009. For the United Republic of Tanzania Republic of  Hon. Bernard Kamillius  MEMBE, MP, Minister for Foreign Affairs and International Cooperation. Arag  Agreement of the United Republic of Tanzania and the Republic of Kenya on the Delimitation of the Maritime Boundary of the Exclusive Economic Zone and the Continental Shelf. http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/preliminary/tza_2009_attachments.pdf

[23] Memorandum of Understanding between the Government of the Republic of Kenya and the Transitional Federal Government of the Somali Republic to Grant to Each Other No-Objection in Respect of Submissions on the Outer Limits of the Continental Shelf beyond 200 Nautical Miles to the Commission on the Limits of the Continental Shelf (entry into force: 7 April 2009, registration #: I-46230; registration date: 11 June 2009) ; Arag MOUda, Boga 52 ilaa 53 oo lagu soo daabacay The Law of the Sea Bulletins:http://www.un.org/Depts/los/doalos_publications/LOSBulletins/bulletinpdf/bulletin70e.pdf  Arag MOUda oo Faransiis loo turjumay, Arag boga 54-55: http://www.un.org/Depts/los/doalos_publications/LOSBulletins/bulletinfr/bull70fr.pdf; Arag MOU-da, Bogga 50-51,  iyadoo Spanish loo turjumay: http://www.un.org/Depts/los/doalos_publications/LOSBulletins/bulletinsp/bul70sp.pdf

[24]Arag: Waraaq ka timi Ra’iisal-Wasaare Cumar Cabdirashiid April 8, 2009. http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/preliminary/som_2009_letter.pdf

[25] Qeybta Prelimanry ee Somalia (communication | preliminary information | memorandum of understanding (‡) | appendix). received on 14 April 2009. Arag: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_preliminary.htm

[26] Kiiniya waa dalkii 35aad ee gudbiya xogta Qalfoofka fog lagu xaddeynayo. On 6 May 2009, the Republic of Kenya submitted to the Commission on the Limits. Arag: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/ken35_09/ken_clcs35_2009e.pdf; 6 May 2009 boga waxaa lagu qoray in fadhiga soo socda lagu fiirinay xogta Kiiniya “The consideration of the submission made by Kenya will be included in the provisional agenda of the twenty-fourth session of the Commission to be held in New York from 10 August to 11 September 2009.” Waxa xiisa le in CLCSgu xilligaa aanu magcaabin “Statement of Undertadning” laakiin uu yidhi “recommendation” ka waxa lagu saleyn doonaa  Article 76. Arag odhaahda “ Upon completion of the consideration of the submission, the Commission will make recommendations pursuant to Article 76 of the Convention.” http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/submission_ken_35_2009.htm. Fiiri Kulanka u dambeeyey oo lagu sameeyey subcommissionku ee 2015 waxay qorayaan  in la adeegsanayo Odhaahdii Isfahamka ee khaaska ku aheyd Siri Laakna “article 76 of the Convention and the Statement of Understanding.”

 

[27] Warbixinta Tasaaniya waxay ku dareysaa odhaah ay ku muujineyso in ay Kiiniya iyo Siishalis xidhiidh dhexmaray sidaa darteedna aanay waxba ku jirin in gudiga CLCS-gu fiiriyo xogtoodan. Waxay qoreys Tanzania. “The Tanzania Delegation has been in contact with the Republic of Kenya and the Republic of Seychelles. Both Governments have indicated to the Tanzanian Delegation that they have no objection to submitting this communication for the purposes referred to in SPLOS/183 and making a future submission in accordance with the requirements of article 76 of the Convention, without prejudice to any future delimitation. Tanzania has no objection against the Republic of Kenya and the Republic of Seychelles making submissions including maritime areas of potential overlap with Tanzania continental shelf. Such consideration and recommendation will be without prejudice to any future delimitation. Arag.

http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/preliminary/tza_2009_preliminaryinfo.pdf. Soomaaliya waxay oggolaanshaha ku siisay Kenya inay la saxiixatay MOU oo ay Kenya u register-garaysay  heshiis caalamiya.

[28] Wuxu qoraya boga heshiisku QM in dalka MOUda u diiwaan geliyey in uu heshiis Caalami ah yahay.   “The Secretary-General of the United Nations hereby certifies that the following international agreement has been registered with the Secretariat, in accordance with Article 102 of the Charter of the United Nations” Arag:https://treaties.un.org/Pages/showDetails.aspx?objid=080000028025250b; Arag

Certificate of Registration: https://treaties.un.org/doc/Treaties/2009/06/20090611%2010-39%20AM/Other%20Documents/COR-Reg-46230-Sr-58096.pdf

[29]  Qarmada Midoobay Majaladaeed Sharciga ee 70aad waxa lagu soo daabacay heshiiskii Kiiniya iyo Tansaaniya ay saxiixeen 2 April 2009 iyo map xadkooda caddeynaya. The United Republic of Tanzania and Kenya – Agreement between the United Republic of Tanzania and the Republic of Kenya on the delimitation of the maritime boundary of the exclusive economic zone and the continental shelf, 23 June 2009. Arag Boga 54-56 The Law of the Sea Bulletinhttp://www.un.org/Depts/los/doalos_publications/LOSBulletins/bulletinpdf/bulletin70e.pdf. Waxa mudan in la ogaado in isla majalada bogga 51aad lagu soo daabacay MOUdii.

[30] 24 June 2009,  Law of Sea Convention Meeting.  Arag: http://www.un.org/press/en/2009/sea1918.doc.htm. Wakiilka Kiiniya u fadhiya QM wuxuu yidhi “Kenya’s representative said the process of delineation of the outer limits of the continental shelf required specialized expertise that may not be readily available in developing and small island coastal States.  Kenya’s Government had, at great cost to the country, established, trained and exposed a team of officers in order to prepare and defend its submission before the Commission.  According to the Commission Chairman’s presentation on Tuesday, a sub-commission to examine Kenya’s submission would be set up in 2021, and the Commission would give its recommendations on that submission in 2022. …  The large time gap between submissions and the Commission’s consideration of them could occasion the loss of institutional memory as officers who prepared the submissions may not be able to participate during their period of examination.”

[31] Dawlada Sri Lanka waxay ku doodday: “Accordingly, Sri Lanka reiterates that the principal State referred to in paragraph 3 of the Statement of Understanding is Sri Lanka”. Arag: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/ken35_09/lka_re_ken_clcs35.pdf

[32]Xildhibaanadda Baarlamaanka oo Diidey Heshiiska Badda (MOU). Arag: http://somalitalk.com/2009/may/13/badda87.html

[33] PM Cumar Cabdirashiid wuxuu ka horimid go’aanka baarlamaanka. Wuxuu u diray QM warqadan 19 August 2009. Arag: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/ken35_09/som_re_ken_clcs35.pdf

[34] CLCS/64 – Statement by the Chairman of the Commission on the Limits of the Continental Shelf on the progress of work in the Commission – Twenty-fourth session, ee qabsoomay 10 August – 11 September 2009. Araga CLCS/64  qoraalku shaaciyey 1 October 2009: Arag:http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_documents.htm#Statements%20by%20the%20Chairman%20of%20the%20Commission. Kulankan Ms. Nkoroi wuxu yidhi “there are no unresolved disputes relating to the submission of Kenya.”

[35] RW Cumar Cabdirashiid warqad ayuu qoray 10 Octoober 2009. Xusuus warqadan waxa ku lifaaqan warqad uu Safiirka Qarmada Midoobay Cilmi Axmed Ducaale ku gudbiyey oo taariikhdeedu tahay 2 March 2010 (Todoba bilood ka dib diiditaankii Baarlamaanka). Arag http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/ken35_09/som_re_ken_mou35.pdf.

[36] Sidan ayey u qiratay Qaramada Midoobay diiditaanka MOUda ee Baarlaamanka “By a note verbale dated 2 March 2010, the Permanent Mission of the Somali Republic to the United Nations informed the Secretariat that the MOU had been rejected by the Parliament of the Transitional Federal Government of Somalia, and is to be hence treated as non-actionable.”  Arag: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_preliminary.htm#%282%29_

[37] Submission made by Kenya. The Commission took note of the letter from the Prime Minister of the Transitional Federal Government of Somalia addressed to the Secretary-General, dated 10 October 2009. CLCS/66 – Statement by the Chairperson of the Commission on the Limits of the Continental Shelf on the progress of work in the Commission – Twenty-fifth session. Arag kulanka CLCS/ 66 ee 30 April 2010 :

http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_documents.htm#Statements%20by%20the%20Chairman%20of%20the%20Commission

[38] Qoraalkan ay  Kenya soo dirtay waxa la socday Khariida tilmaamaysa xadkeeda.  Arag: http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/communications/ken_note_09012014.pdf

[39] Ambassador Cilmi wuxuu yidhi “Kenya’s unilateral declaration of its maritime boundary with Somalia, which has not been agreed to (or recognized) by Somalia, has no validity under international law” iyo  “Kenya’s purported maritime boundary with Somalia encroaches upon Somalia’s Exclusive Economic Zone, the outer limits of which were declared in the Proclamation of the President of the Federal Republic of Somalia, dated 30 June 2014”  Arag:http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/communications/Somalia_Note_verbale_dated_7_October%202014.pdf.

[40] Warqaddan Beyle uu qoray, REF. MOFA/SFR/MO/258/2014. Rules of Procedure of the Commission on the Limits of the Continental Shelf Annex I ee la xidhiidha dalalka muran-xaddeedka xukmidooda qodobkiisan ayuu isticmaaley 5 (a) In cases where a land or maritime dispute exists, the Commission shall not examine and qualify a submission made by any of the States concerned in the dispute. However, the Commission may examine one or more submissions in the areas under dispute with prior consent given by all States that are parties to such a dispute. ka arag: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/ken35_09/som_re_ken_2014_02_04.pdf. Arag isla qeybta Annex I qodobkiisa 6aad ayey isticmaashay markay dawladu u ogolaaneysey in Kiiniya xogteeda la eego.

[41]Madaxweyne Xassan Proclamation. Arag: http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_Proclamation.pdf

[42] CLCS/85 –  Progress of work in the Commission on the Limits of the continental Shelf –  Wuxuu ka qorayaa dalabkaa “In a note verbale date 7 July 2014, the Government of Kenya requested the opportunity to make another presentation of its submission of 6 May 2009 to the Commission in view of the partial change in the latter’s membership that had occurred since the twenty-fourth session of the Commission held in August and September 2009, at which Kenya had originally presented it submission. Arag kulanka CLCS/85 Boga 11aad:  http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_documents.htm#Statements%20by%20the%20Chairman%20of%20the%20Commission

[43] Federal Republic of Somalia, Outer Limit of the Exclusive Economic Zone of Somalia, Coordinate: Geographic Coordinate System…Total Points: 2468. Arag: http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_EEZ.pdf

[44] Warqada Dr. Cilmi u qoray QM waxa ku lifaaqan tii Bayle. Halkan dawlada Soomaaliya waxay isticmaashay qodoka 5aad ee Rules of Procedure of the Commission on the Limits of the Continental Shelf

http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/ken35_09/2014_09_02_SOM_LET_UN_004_14-00700.pdf

[45] CLCS/85 –  Progress of work in the Commission on the Limits of the continental Shelf – 3 September 2014 ayaa Kiiniya waxa kulanka CLCS ay u gudbisay  xogteeda “the Head of the delegation, Githu Muigai, Attorney General, and by Michael Gikuhi, Geophysicist and member of the task force on delineation of Kenya’s outer continental shelf. The delegation of Kenya also included the Permanent Representative of Kenya to the United Nations, Macharia Kamau, and the Deputy Permanent Representative of Kenya to the United Nations, Koki Muli Grignon, as well as a number of scientific, legal and technical advisers.” Ka dib gudigu waxay taageereen in aanay Kiiniya ka heysan ogolaasho Soomaaliya iyagoo adeegsanaya Warqada Beyle. Arag kulanka CLCS/85 Boga 11 ilaa iyo 12: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_documents.htm#Statements%20by%20the%20Chairman%20of%20the%20Commission

 

[46]  Executive Summary. Waxa ku jira macluumaad faahfaahsan iyo khariidooyin qeyb ka ah 7.1. Maritime areas between Somalia and Kenya. “Main body” submissionka waxa lagu qeexay ” The Main Body of this submission contains a detailed description of the scientific and technical data, maps, technical procedures and scientific methodologies that were applied in the establishment of the outer limits of the continental shelf of Somalia where those limits extend beyond 200 nautical miles.” Waxa halkan lagu sheegayaa in Tanzania iyo Soomaaliya muran badeed ka jiro. http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/som74_14/Somalia_Executive_Summary_2014.pdf

[47] Maxkadmada Caalamiga oo qortay  “Somalia institutes proceedings against Kenya with regard to “a dispute concerning maritime delimitation in the Indian Ocean. Arag: http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18360.pdf  and http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18362.pdf

 

[48] 5 September 2014, Commission on Limits of Continental Shelf Concludes Thirty-Fifth Session

Press Release. Araga http://www.un.org/press/en/2014/sea2008.doc.htm.  Wuxu qorayaa “Upon its request, Kenya made a presentation of its submission to the Commission, for the benefit of the newly elected members of the Commission.  Kenya had made its submission on 6 May 2009 and presented it for the first time on 3 September 2009, during the twenty-fourth session of the Commission.”

[49]  Waxay ku dooday Kiiniya in ay Soomaaliya MOU kula heshiisay kaasoo oggolaanaya gudbinta iyo sida loo waajihi lahaa kala xaddeynta. MOU Kiiniya waxay tahay “ practical nature” “..in the spirit of understanding and cooperation, negotiated arrangement of a practical nature with the Transitional Federal Government of the Republic of Somalia…These arrangements were contained  in the Memorandum of Unstertanding…”http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/ken35_09/ken_2014_10_24.pdf

[50]http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/som74_14/2015_05_04_KEN_NV_UN_001_15-00356.pdf

[51]http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/som74_14/2015_06_30_KEN_NV_UN_002.pdf

[52] http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18380.pdf

[53] Amended Executive Summary. Arag boga 6aad oo qoraya odhaahda ay Soomaaliya ugu oggolaanayso Kiiniya in xogtooda la eegi karo. Waa “Somalia decided that there is no longer any impediment for the Commission to examine and make recommendations on Kenya’s and its own submissions.” Subcommisonka sameyntooda, arag hoos 40, waxa tixraacayaan warqadan.  This Amended Executive Summary is intended to replace the Executive Summary submitted to the United Nations Division for Ocean Affairs and the Law of the Sea (hereinafter referred to as “DOALOS”) on 21 July 2014, … The main body of the Amendment will be submitted in due course.” Wuxu tilmaamay in qeybta “main body” ee kan dib laga soo gudbin doono. Arag: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/som74_14/2015-07-16_SOM-DOC-001.pdf iyo http://www.un.org/depts/los/clcs_new/documents/CLCS_3r3.htm

[54] CLCS/90 –  Progress of work in the Commission on the Limits of the continental Shelf – Statement by the Chair – Thirty-eighth session.  Sidan ayuu kulnku u qiray warqada Soomaaliyeed ee siineysay ogolaashaha “In this regard, the Commission took note of a communication received since the thirty-fifth session, namely, the communication from Somalia dated 7 July 2015.”  Komishanku sidaas ayuu faray guddi hoosaadka “ the Commission instructed the sub-commission to consider the submission made by Kenya on a scientific and technical basis under the provisions of article 76 of the Convention and the Statement of Understanding.” Arag Kulanka CLCS/90 ee la shaaciyey 1 October 2015: http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_documents.htm

[55] Maxkamada Caalamigu (ICJ) waxay qoreysaa: “observations and submissions on the preliminary objections raised by the Republic of Kenya  on 7 October 2015 in the case concerning Maritime Delimitation in the Indian Ocean (Somalia v. Kenya).”  On 7 October 2015, Kenya raised certain preliminary objections to the jurisdiction of the Court and to the admissibility of the Application. In accordance with Article 79, paragraph 5, of the Rules of Court, the proceedings on the merits have been suspended.   Araga: http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18810.pdf

 

[56] Waxaa ICJ qoreysaa: The Court “has fixed 5 February 2016 as the time-limit within which the Federal Republic of Somalia may present a written statement of  its observations and submissions on the preliminary objections raised by the Republic of Kenya  on 7 October 2015 in the case concerning Maritime Delimitation in the Indian Ocean (Somalia v. Kenya). Arag:

http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18810.pdf

 

Source: Allsanaag:<a href=”http://allsanaag.com/taariikhda-xad-badeedka-soomaaliya/”>Taariikhda Xad Badeedka Soomaaliya</a>

One Response to Taariikhda Xad Badeedka Soomaaliya

  1. Pingback: Taariikhda Xad Badeedka Soomaaliya - Daily Somalia Report