Tacsi: Siyaasi Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi oo ku geeriyooday magaalada Boston (Illaahay Janatul fardawso haka waraabsho

Filed under: Wararka |

lataus
Innaa Lilaahi Waa Inaa Ilahayhi Raajicuun.
Allaha u Naxariistee waxaa magaalada Boston ee dalka Mareykanka ku geeriyooday maantay Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi oo ahaa Siyaasi mudo dheer kusoo dhex jiray Siyaasadda Soomaaliya ahaana ruug cadaa siyaasadeed.
Allaha U naxariistee Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi wuxuu soo noqday Xildhibaan Sanadii 1964-tii ilaa Sanadii 1969-kii, Wuxuu kaloo soo noqday Wasiirkii Gaadiidka, Shaqada iyo Shaqaalaha dowladii dhexe ee Soomaaliya Sanadihii 1969-kii ilaa 1972-dii, Dabadeed wuxuu soo noqday Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi Wasiirkii dhalinyarada ee Dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadii 1975-tii.
Dr Cabdicasiis Nuur Xersi wuxuu ku dhintay da’da 87 Sano jir, wuxuuna ahaa ninkii aasaasay Xisbigii Howl & Hanti wadaag sanadii 1964-tii.
Dr Cabdicasiis Nuur Xersi wuxuu ku dhashay sanadii 1933-dii degmadda Eyl ee gobolka Nugaal, wuxuu ifka kaga tagay 5 qof oo uu dhalay iyo waxay sii dhaleen.
Eebbe waxaanu uga beryeynaa inuu ka waraabiyo Janadii Fardowso ahayd ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan uu eebbe ka siiyo.
Dhamaan Bahda Wacaal.com waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi.

Wareysi Cabdicasiis Nuur Xirsi oo kasheekaynaya dhaqdhaaqii xoriyad doonka, xisbigii leegadda ee SYL, taariikhdii xaaladda Soomaalidu kusugnayd 1960