TACSIDA GEERIDA MARXUUM AXMED SHIIKH JAAMAC

Filed under: Wararka |

axmed sh Jaamac
Ururka Dhaq-dhaqaaqa Nabadda, Midnimada Iyo Caddaaladda Soomaaliyeed.
Codka inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed iyo qiiradda dhabta ah
(Somalinimadda leh)ku hadleeynaa waxaanu halkan ka soo gudbineeynaa
Tacsi tiiraanyadeeda leh-Geeridda Xaq ah ku timmi:Marxuum qoonyahan
Ustaad-AXMED SHIIKH JAAMAC ku geeriyoodeey Magaaladda Garoowe Xarunta
Dowladda P/Lnad (09-07-2014).

Marxuum-Ustaad-Axmed Sh.Jaamac wuxuu ahaa aqoonyahan sarre muddo
dheer ku soo jiray hanaanka Dowladeed(dowladii Shicibka aheyd wuxuu
ahaan jiray Macalin Wasaarada Waxbarashda ka tirsan,Kacaankii wuxuu
ka mid ah Howl-wadeenadii XHKS(Gudoomiye Ku Xigeen hogaan),Xukuumadii
wuxuu ka soo noqday Wasiir Ku Xigeen,sidoo kale Marxuumku wuxuu ahaa
Abwaan suugaan-yaqaan weyn ah,qoraa aqoon fiican u leh taariikhda iyo
Dhaqanka Somaaliyeed-ba,aftahan luqad yaqaan ah,xikmad,Xeel dheerid
iyo waayo aragnimo-ba(waxaad ka dheehan kartaa gabeygiisa-Doorashada
Shir-weynaha Xoolaha)iyo gabeeygiin Quman oo halkan ku lifaaqan,
Marxuumku Markii uGu dameeysay Wuxuu ahaa Wasiirka Warfaafiinta Dowlad Goboleedka PL.

Waxaanu Tacsi gaar ah u direeynaa Qoyskii,Eheladii,Qaraabadii,
Asxaabii(beesha uu ka soo jeeday)Golaha Wakiiladda PL,Xukuumadda
iyo Hogaanka Dowlad Goboleedka PL iyo guud ahaan Ummadda Somaaliyeed
Anagoo Raxmaanka ka tuugeeynaa inuu Marxuumka Janadda ka Waraabiyo,
Dhammaanteen Samir iyo Iimaan inaga Siiyo-Aamiin,Aamiin,Aamiin.

-GEEDIRU WAA XAQ-
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassn Carab)
-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Jully-09-2014.