Tacsi:Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr Baydhabo Oo Tacsi U Diraya Ehelada Xildhibaan Cabdulqaadir faarax Bootaan

Filed under: Important News,Wararka |


xildhibaan bootaan
Innaa lillaahi wa innaa illaahi raajicuun. Waxaa warbaahinta P/O tacsi tiiraanyo leh soo gaarsiiyay wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo).

Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) ayaa tacsi u diraya ehelada Xildhibaan Cabdulqaadir faarax Bootaan oo maanta u geeriyooday bam ay gaarigiisa ugu xireen dadqaladtu isogoo salaadda makhrib u socda.tacsi1

Dr Baydhabo ayaa sheegay in uu Xildhibaan Cabdulqaadir faarax Bootaan uu ahaa saaxiibkii ay aad isugu dhawaayeen.

Dhanka kalena Dr Baydhabo ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdulqaadir faarax Bootaan uu ahaa nin daacada oo qadiyadda Soomaalida iyo tab Puntlandba ay aad ugu waynayd, hadana uu ka mid ahaa Gudigii arrimaha horumarinta iyo nabadgalyada ee uu madaxwaynuhu magacaabay.

Illaahay ha u naxariisto danbigiisana ha dhaafo,