Taliyaha Xoogga Dfs Gorod iyo Shacabka Soomaaliyeed oo Kawada Shaqaynaya Nabadaynta Galmudug iyo Puntland Oo Furray Wadooyinkii Gaalkacyo (Video)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Heeso,Important News,Wararka |

Taliyaha Cusub ee xoogga DFS Taliye Gorod oo asal ahaan kasoo jeeda Gaalkacyo qaybta Galmudug ayaa waxaa ka muuqda qalbi wanaag iyo jacayl midnimo soomaaliyeed, waana fikirka ay bulshada Soomaaliyeed 99% qabaan, balse ay hortaagnaayeen 1% qaba xumaan iyo shacabkaan masaakiintaa dhiigooda la jaqo oo qoryo la isugu dhiibo.

Illaahay soomaalida xaqa ha tuso oo indhahooda ha furo.

Hoos ka daawo Video wacyigallin oo aan ku taageerayno nabadda uu wado Taliye Gorod iyo shacabka intooda nabadda iyo midnimada Soomaalida jecel.

Ka Puntlandobserver ahaan horay ayaan muddo uga soo shaqaynaynay in aynan jirrin nabad wax ka wanaagsan iyo umadda oo garabka isqabsata.