Talo Soo Jeedin Muhiimadda DFS In Ay Dhexdhexaad Ka Noqota Khilaafka Xulafada Sacuudiga VS Qatar

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

talo

Inkastoo caalamka oo dhan la isku raacay in dalka qatar uu argagixisada maalgaliyo.

Haddiise tilaabo laga qaadayo dalalka argagixisada maalgaliya waxay ahayd in dhamaantood tilaabo sharciya sidii looga qaadi lahaa aduunku ka shirro oo war caalamiya oo la isla ogyahay laga soo saaro oo sharciyo caalamiya loo samaysto.

Ama waxay ahayd in ay dalalka carabta shiraan oo go’aan wada jira ka qaataan dalkii lagu arko isagoo argagixisada taageeraya.

Laakiin haddii ay go’aan shakhsiyana qaataan dalal Sacuudiga iyo imaaraadka ma ahan in ay dalka tabarta yar ee Soomaaliya ku khasbaan go’aan u gooniya iyaga.

Hadaba Maxaa Soomaaliya la gudboon.

Soomaaliya waxaa la gudboon in ay qaadato mowqif ah in ay khabiir ku yihiin sida xal nabadeed lowgu helilaa arrimaha khilaafka keenay ee sacuudiga iyo Qatar, ee ma ahan marna in ay qayb ka noqdaan khilaafka jira, taasina caqli ma ahan oo dabkii ayaad baasiin kusii shubaysaa.

 

Madaxwayne Farmaajo iyo Khayre waxaa loo baahanyahay in ay Sacuudiga ka dhaadhiciyaan in ay Soomaaliya wado qorshe xalwaara lawgu keenayo dalalka khaliijka sidaas la ajligeed haddii ay garab ku biiraan uma suurtagallayso in ay xal waara sidii loo helilahaa ka shaqeeyaan

 

Marka waxaa la rabaa in uu Madaxwayne Farmaajo aannu ku dagdegin in uu ka noqdo mawqifkiisii hore.

 

Maxaa dhacaya haddii ay imaaraadka iyo Sacuudigo joojiyaan caawimaadkii ay siin jireen Soomaaliya.

Wax dhiba ma laha caalamku waa ballaaranyahay oo farajka illaahay meel walba ayuu ka imanayaa, oo ma ahan in la yiraahdo sacuudigu haddii uu xoolaha naga iibsan waayo gaajaan u dhimanaynaa, waayo horay ayaa loosoo tijaabiyay dhawr iyo toban sano oo sacuudigu uu joojiyay xoolihii uu naga iibsan jiray.

Imaaraadku isagaa Soomaaliya faa-iido ku qaba oo badeedacadaha ugu badan ay Soomaali ka iibsataa, waxaana la helayaa dalal kale oo badeecadaha aan ka iibsano sida Cumaan.

Marka Soomaalidu baqdinta ha joojiyaan oo yaynan mowqifkooda badellin,

 

Puntlandobserver Desk