Talow Ethiopia Siyaasadeedii Soomaaliya Ku Wajahnayd Ma Badeli Doontaa

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

faroole-chessches
Inta badan burburka qaran ee Soomaaliya waxaa sababta ugu wayn leh Ethiopia oo dhul aad u ballaaran oo Soomaali leedahay xoog ku haysta, waxaana marwalba jira shaki aan dhammaan oo dhanka Ethiopia ah oo ay markaa isleeyihiin haddii Soomaali idinku xoogaysato dhulka Soomaalida ee aad xoogga ku haystaan ma sii haysan kartaan.

Waxaa iyana ka faa-iidaysta arrinkaas siyaasiyiin iyo shirkado booba dalalka soo koroya oo marka hore madax isku galiya marka danbana danahooda ka fushada.

Laakiin aduunkii maanta waa is badalay waxaana wanaagsan in isbadelka cusub lala jaanqaado.
Horumarku maanta wuxuu ku jiraa in dalalka dariskaa iskaashadaan oo wax wada qabsadaan.

Gen Galaal ayaa sheegay maalin dhawayd in 1964 sababta ay Soomaalidu ruushka taageerada militeri uga raadsadeen ay ahayd in ay dareemeen in ay Ethiopia aad uga xumayd Soomaalidii Ingiriiska iyo Talyaanigu dhulkooda gumaysan jiray oo midoobay oo ay barigaas Ethiopia arrinkaas aad uga carootay isla markaana ay doonaysay in ay weeraraaan.

Hadaba hadda doorashada 2016, ayaad mooddaa in Ethiopia ayba dhex gashay siyaasadda Soomaalida iyadoon la ogayn halka ay wax u wado, balse uu shakiga Soomaalida sii kordhayo.

Waxaana dadka qaar ay leeyihiin Ethiopia ayaa Kaadhka la ciyaaraysa Beel kamida beelaha Soomaalida oo ay Ethiopia shaki ka muujinayso in ay soo celin karaan midnimada Soomaalida.

Dadka ayaa le Ethiopia ayaa turubka la ciyaaraysa beeshaas iyada ah.

Laakiin arrinka Ethiopia ayaa indhaha lagu wada hayaa.

Ma siyaasad cusub iyo in ay dalalka geeska africa wada guulaystaan bay awoodda saaraysaa
Ma kaadhkii qaybi oo xukun, iyo alshabaab si dadban loo taageero, siyaasi lasoo gamay la maalgaliyo Kaadhkii aan horay uga soo baranay.

Kolaba maanta si fiican baa isha lowgu hayaa dhaqdhaqaaqa Ethiopia

2 Responses to Talow Ethiopia Siyaasadeedii Soomaaliya Ku Wajahnayd Ma Badeli Doontaa

  1. Pingback: Talow Ethiopia Siyaasadeedii Soomaaliya Ku Wajahnayd Ma Badeli Doontaa - Daily Somalia Report