Taroox iyo Dabakafuullo [Sheeko Gaaban]

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,Sheekooyinka,Wararka |

IMG_0083

Taroox iyo Dabakafuullo [Sheeko Gaaban]

Dhammaadkii siddeetameeyadii, qarnigii labaatanaad, xilligii xukuumaddii keligitaliye Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre, magaalada Muqdisho, guri ku yiil xaafadda Boondheere oo lahaa qol irrid bannaan ah, ayaa la wariyey in ay wada kireeysteen oo deggennaayeen labo inammood oo dhallinyaro ahaa. Waxay xirfad nololeedkoodu ahayd kirishboynimo. Waxaa maqsinka yaroo seexan jireen u yiil labo furaash oo jiif ah. Alaabo kale ma tarraxin. Guriga waxay u hoyan jireen caweeyskii, sagaalka fiidnimo iyo wixii ka dambeeya, aroortiina waa ka jarmaadi jireen.

Habeen habeennada ka mid ah, Taagte, wiilashii midkood weeye, baa loor (50kg) bariis ah la yimid xaafadda. Malaha, islaan ayaa kaga dhex tagtay gaadhigii uu maalintaa dabakafuulka ka ahaa. Gurigii wuxuu tegey saaxiibkii Tooje oo gama’ ku jira. Sidoo kale isna barbar buu u dhacay.

Saqdii dhexe goorey ahayd, waa yaabe, ayaa tuug u soo dhacay. Durbadiiba waxaa baraarugay Taagte oo isha ku dhuftay burcadkii, juuqse uma odhannin.

Ammuur ayaa meesha ka salag lehe, isla goortiiba, tarooxii wuxuu xambaaran lahaa buu baadiggoob ugu dhaqaaqay. Nasiibdarrose, shey uu kala baxo buu gurigii ka waayay, aan ka ahayn loorkii bariiska ahaa ee kob agtiisa ah qotomay. Degdeg wuxuu u go’aansaday inuu jawaanka ruqsado.

Tuuggii go’iisii buu soo kala rogtay oo kob u dhexeysey Tooje iyo Taagte fidiyey. Wuxuu burcadkii is yidhi: “Soo qabso loorka oo dabadeed saaro go’a dushiisa, si sahal ah aad qarqarka ugu qaadatide.” Kolkaas ayuu soo dhufsaday jawaankii. Soo jeedsigiisii, mise, maxaad ii dhiibatay? Maradiisii goobtii uu ku ogaa laga qaaday. Haabhaabay oo haddana waa.

Tarooxii, ashqaraar iyo afkalaqaad baa ka soo haray. Loorkii buu la liqdaarmay. Talo faraha ka haadday. Ilbiriqsiyo gudahood, waxaa indhaha kala qaaday Tooje oo sharqantii tuugga ku toosay. Wuxuu arkay wax malluugan, madow oo maqsinkii dhex taagan.

“Waryaa, Taagte,” Tooje ayaa damcay in saaxiibkii uu wargesho oo kiciyo, “Ka toos meesha, duf Alle ku badiwaaye, tuug baa ina dul taagane!”

“Burcad ma joogtee, naga seexo!” Taagte ayaa ku jawaabay oo hawlgalka halkiisii ka sii watay.

Fatuurad, kolkaas aqalka waddo ag madha socotay, ayaa dildillaacyadii albaabka iyo daaqadaha ilayskeedii u gudbisey maqsinka. Kuye Tooje, “Wallaahi, waa kaa taagan oo waan u jeedaa, isna waa kaa i soo eegaya.”

Suuye Taagte, “War tuuggaaga maahee, cidi goobta ma joogtee, Waaq baan kugu dhaarriyaye, inaga seexo!”

Tarooxii intuu Taagte ku jeestey ayuu weyddiiyey: “Tuug hadduusan hoyga jooginnin, ayaa go’aygii xaday?”

 

Dhigaalka igama goyside,

Xusuustu waa dhaxal-ka-maal,

Waxay qisadu ka dhigan tahay

Ood iga dhuraysaa

Dhabtii iyo eegga taal

Haddaan hoos u dhaadhaco,

Dhacdo Xamar haatan ka taagan.

 

Ceeb iyo dhaleeciyo

Dhaygag iyo amakaag iyo

Dhabqis iyo dhabcaal iyo

Dheef iyo dhadhamarraac iyo

Dhagar iyo khiyaaniyo

Dhimaal iyo waxyeelliyo

Dhiilliyo colaad iyo

Dhegxumaa ka likeeysane,

Bal waxay dhali doontiyo

Looba-jooge dhaxalkeeda.

 

Maxamed Xasan “Alto”

Helsinki, Finland, 10.12.2001

xasan_maxamed@hotmail.com