Tarsan oo Soo jeediyay in ay Madaxwaynaha Doortaan Ergooyinka Dooranaya Xildhibaanada ee ah 13750

Filed under: Wararka |

Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Mudane Tarsan oo saxaafadda la hadlay ayaa soo jeediyay in ay habboontahay in Madaxwaynaha doortaan ergada dooranaysa xildhibaanada ee tiradoodu tahay 270*50=13750 Ergay.

Tarsan ayaa aaminsan in uu arrinkaas xooggaa khafiifinkaro arrinkii sida fudud loo iibsanayay xildhibaanka.

Dad badan baa is waydiinaya cidda diidan in ay doortaan Madaxwaynaha Ergooyinkaas faraha badan ee dooranaya Madaxwaynaha.

Waxaan aan wali wax taageero ah oo arrinkaas la xiriira laga hayn Madaxwaynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul-gobaleedyada.

Dhanka kale waxaan wali cadayn mowqifka beesha caalamka ee ku aadan habka doorashada noocaasa in ay Soomaaliya ka dhacdo.