Tayeenta Shaqaalaha Dawladda: Xuliddoodu ma saami reer, mise karti iyo aqoon?

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Tayeenta Shaqaalaha Dawladda
.
.
.

——>> Fadlan Kilig Garee linkigaan kore si aad maqaalka oo PDF ah usoo degsatid

Tayeenta Shaqaalaha Dawladda: Xuliddoodu ma saami reer, mise karti iyo
aqoon?
Puntland Maxaa u qorshe ah?
40 Malyan oo Doollar oo deeyn ah oo ka timid World Bank (Bankiga Dunida) oo loo
qoondeeyey in lagu tayeeyo shaqaalaha dawladda. Puntland maxaa la gudboon?
Sharmarke.samatar@yahoo.com
Shaqaale tayo leh. Shaqaale khibrad iyo aqoon leh. Shaqale lagu soo xushay kartiooda,
aqoontooda, khibraddooda iyo hal-abuurkooda. Sidaa ayaa lagu tayeen karaa
shaqaalaha dawladda dhammaantood. Ha noqot dawladda Federalka, tan Puntland,
iyo inta kale oo idil.
Mashruuc la magac baxay ((SOMALIA CAPACITY INJECTION)) oo ujeedkiisu yahay in
lasoo xulo shaqaale u qalma jagooyinka la doonayo in lagu tayeeyo maamulka
wasaaradaha, wakaaladaha iyo heya’daha dawladda yaa waxaa laga hirgelinayaa
dalkoo idil.
Puntland waxaa dhowaan ka socday imtixaanaad lagu soo xulayo khubaradaa loo
doonayo jagooyinkaa.
Imtixaanaadkaasi waxaa ka qeyb qaatay rag iyo dumar kasoo gudbay xuliddii kowaad.
Imtixaanaadka iyo wareysiyadiiba waxaa isugu soo baxay khubaro ku kala habboon
shaqooyinkaa.
Haddaba isweydiintu waxey tahay “ma inta u qalantaa leh jagooyinkaa, mise waa
saami qabiil?”
Waxaa jira dareen ah in loo wadaajiyo jagooyinka saami qeybsiga qabiil oo dhinac loo
riixo tayada shaqsiga. Waayo?
Waxaa muuqata in haddii inta ku soo baxda imtixaanaadka lagu kala xulayo
shaqaalaha, noqdaan hal jifo ama hal reer amaba u bataan reer, in wax laga beddelo
xulkaa. Taa waa dhaqan maanta lagu cad goosto dalkoo idil. Waa dhaqan keenay in
uu ba’o maamulka dawladda oo hawlwadeennadu noqdaan kuwa ku yimid saami reer.
Waa waxa dhaliyey in dullinimada 4.5 ka soo dhexmuuqato dhammaan wasaaradihii
iyo heyadihii la doonayey in lagu wanaajiyo horumarka dalka.
Dhaqtar ku yimid saami reer, injineer ku yimid saami reer, dhaqaalayahan ku yimid
saami reer, beeryaqaan ku yimid saami reer……
Sharmarke.samatar@yahoo.com
Meeday taladii la doonayey in lagu tayeeyo maamulka dalka?
Taa waxey dhalisay in shaqaalahaa lagu keenay saami reer wadi waayaan hawlihii loo
igmaday oo Bankiga Adduunka saluugo kartidooda. Bal eeg shaxdan hoos ku taal:
Puntland: Waxaa ku negaaday 12 bilood shaqooyinkii loo soo xulay in ka yar 10
khubaro, meesha la doonayey in la helo ilaa 35 sanadkan (2017).
Sidoo kale Dawladda Federaalka waxaa ku negaaday boosaskoodi in ka yar 10
khubaro, meesha la doonayey in la helo ilaa 40 sanakan (2017).