Trump Oo Maanta Xukunka La wareegaya Iyo Sirta Maraykan Aduunka Kale kaga Horumaray Waa Samee Isbadel (Qormo gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Donal Trump

Maraykanka ayaa aduunka kale kaga dheereeyay fulinta isbadel siyaasadeed.
Kursigu waa mid umadda u dhexeeya ee hadaad siyaasad wanaagsan hayso “Haat Burhaanak” Keen xigmadaada ruux kastood tahay waa lagu tijaabinayaa muddo afar sano ah, hadaad si fiican u shaqaysay mar labaad baa lagu dooranayaa, hadaadse waxba soo kordhin waydo nin kale oo ku dawaanayay afartaadii sano oo qaladaadkaaga oo dhan dusha ka xafidsan baa sheegaya qaladaadka xukuumadaada iyo isbadelka uu soo wado, shacabkuna isagay dooranayaan.

Laakiin reer Maraykan waxay isku raaceen xitaa hadduu yahay ninka aduunka ugu fiican in aynan rabin in ay arkaan muddo 8 sano ka badan, oo bini aadamku wuxuu jecelyahay isbadelka.

Mida kale ruuxa qaada masiirka umad 300 oo million ah, kolaba marmar bay qaladaad ka dhacayaaan, marka way habboontahay in isbadel la helaa.
Maanta waxaa billaabanaya afarta sano ee Madaxwayne Trump, waana la tijaabin doonnaa afarta sano ee Trump

One Response to Trump Oo Maanta Xukunka La wareegaya Iyo Sirta Maraykan Aduunka Kale kaga Horumaray Waa Samee Isbadel (Qormo gaaban)

  1. Pingback: Trump Oo Maanta Xukunka La wareegaya Iyo Sirta Maraykan Aduunka Kale kaga Horumaray Waa Samee Isbadel (Qormo gaaban) - Daily Somalia Report