Trump oo Systemkii Maraykanka Shandad Ku Ritay Sidii Madaxda Africa Iyo Siyaasiyiintii Maraykanka oo Yaaban (Fallanqayn kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

inside-the-trumps-briefcase
Trump ayaa la sheegayaa in uu ahaa nin ganacsade ah oo aan siyaasadda waxba kala socon, halka ay jiraan dad cilmiga siyaasadda kusoo dhex jiray muddo 60 sano gaaraysa.

Dalalka reer galbeedka ayaa ku shaqeeya nidaam iyo xeer isla markaana aan marna yeelin siyaasad uu hal ruux go’aan ka gaaro oo ruuxaas kaliya shandad ugu jirta, ee taa badalkeeda ruuxa maalinta uu madaxwaynaha noqdo ayaa loo sheegaa in uu ku shaqeeyo siyaasadda dalka u dagsan isla markaana inta uu madaxwaynaha yahay uunan samaynkarrin wixii uu doona balse uu ku shaqeeyo siyaasadda dalka u dagsan.
Waxaa loo diyaarayaa khudbadaha uu goobaha fagaarayaaasha ka jeedinayo oo waxaaba jira qayb dhanmadaxtooyada ku taal oo shaqadoodu tahay diyaarinta khudbadaha madaxwaynaha.

Madaxwaynaha ayaan taleefon kula hadli karin qofkuu doono illaa marka laga reebo ruux ay raali kayihiin shacabka iyo dalka uu madaxwaynaha ka yahay.

Trump ayaa arrimahaas oo dhan ka dul booday, wuxuu la hadlaa qof alaale qofkii soo waca, wuxuu samaystay bar Youtube ah oo uu ka jeediyo wixii war saxaafadeed ah, iyo baraha sosial media sida barta tuwitterka oo uu maalin dhawayd kusoo qoray Soomaalidu in ay dalka maraykanka joogaanba may ahayn, waana eray ay la yaabeen dad badan sida ay uga suurawdo nin Madaxwayne dal dhan ah uu eraygaas yiraahdo.
Trump ayaa la sheegay in uu taleefon kula hadlay Madaxwaynaha Taiwan arrinkaas oo ka caraysiin kara china maadaama china ay leeyihiin taiwan waa Jaziirad ka tirsan China

Isku soo duub fikirka cusub ee Trump ayaa waxaa jira siyaasiyiin badan oo aad usoo dhaweeyay oo sheegay in uu Trump yahay nin daacada oo aan waxa qalbiga ugu jira la gaban .


2 Responses to Trump oo Systemkii Maraykanka Shandad Ku Ritay Sidii Madaxda Africa Iyo Siyaasiyiintii Maraykanka oo Yaaban (Fallanqayn kooban)

  1. Pingback: Trump oo Systemkii Maraykanka Shandad Ku Ritay Sidii Madaxda Africa Iyo Siyaasiyiintii Maraykanka oo Yaaban (Fallanqayn kooban) - Daily Somalia Report