Tuke iyo Xuunsho

Filed under: Carruurta,Sheekooyinka,Wararka |

TUKE XUUNSHO II

Tuke iyo Xuunsho [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Waa waayada ka mid ah ayaa Tuke iyo Xuunsho wada sheekeeysteen.

”Goormaad, Xuunshooy, garataa oo aad dareentaa in la doonayo in lagu dilo?” Tuke ayaa weyddiiyey.

Xuunsho waxay ku warcelisey: “Goorta leeb iyo qaanso is fuulaan.”

Kolkaas ayaa tuke yidhi: “Naa bi’iwaydaye, lagu dilye! Shiishkii baa dushaada saaran, maxaa kuu hadhay? Waxay ila tahay goortaas, calaf iyo nasiib iyo Eebbe oo ku badbaadiya oo kuu gargaara mooyee, sidaad ku baxsataa way adagtay.”

Sayte Xuunsho: ”Adiguna?”

Kuye Tuke: ”Kolkii laba qof is dhugtaan ayaan gartaa in la ii tashaday oo laygu soo maqanyahay. Baqo ayaan dhabarka dhigaa.”

Maxamed Xasan ”Alto”

Helsinki, Finland, 30.07.1998

xasan_maxamed@hotmail.com

 

4 Responses to Tuke iyo Xuunsho