Tuugow Adigu Ha Is Sheegin (Iyadoo Ay Dhalinyaro Masaakiina Oo Ilma Abti Iyo Ilma Adeera Buuhoodle isku Laynayaan, Hadana Daawo Sida Madaxwayne Ku Xigeenkii Kooxda Ali Ugu Farxeen)

Filed under: Important News,Wararka |

Akhri Qoraalka Qaybi oo Xukun (divide and rule), qoraalka kore hadaad akhriso qisada qaybi oo xukun muddo dheer baa Soomaali lala dultaagnaa, maantana waxay maraysaa in degmadii yarayd ee Buuhoodle markii la mari waayay lagu dayayo qorshihii Qaybi oo xukun.

In muddo ah ayaa dhalinyarada waxaa isticmaalayay odayaal lagu ibtilleeyay hunguri xumo, saldanad iyo wax aan la garanayn, waxayna xabadda isugu dhiibaan dhalinyarada iyagoo marba fikir cusub u abaabula, ama qabiil ama diin ama wax noocaasa.

Maalintii shalay magaalada Buuhoodle waxay u ahayd maallin madow, waxayna ahayd maalin xabad la isugu dhiibay dhalinyaro yaryar oo xitaa la xaqiijiyay ay qaar ilma abti ahaayeen marka laga soo tago ehelnimada kore.

Hase yeeshee qofkii caqli leh waa garankaray in aynan marna meesha ka marnayn siyaasadda iyo waalida Profka 80 jirkaa Raysalwasarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif oo hadda lasoo baxay dhaqankii Xaaska raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Adna Aadan oo iyadoo level Raysalwasaare Soomaaliyeed soo martay hadda intay u tagto Madaxwaynihii hore ee maraykanka Kilinton dhagta ugu sheegta qabiilada Soomaalida sida ay u kala baxaan iyo beesha reer Sh Isxaaq iyo beelaha kale arrimo noocaaasa halkaan ka eeg qoraal, waa kaaf iyo kala dheeri, iyadoo aan ognahay qofkii qabiil dabagala halka uu ku danbayn doono iyo bah hebel ama inta mararka qaarkood siyaasigii markuu doono dhanka hooyada qabyaaladda u adeegsanaya oo oranaya inteenaas isku bah baan nahay.

Waxaa cajiiba kooxdii Cali oo doorasho Buuhoodle kaga jirta iyadoo dhalinyaradii ay xabadda usoo dhiibeen intii badnayd ayba geeriyoodeen qaarna dhaawacmeen, iyagiina inta is illoobay ku farxaya dagaalka hoos ka daawo.