Ugaaska Cayr Oo Loo Adeegsanayo Burburinta Doorashada 2016

Filed under: Important News,Wararka |

Kadib markii ay shacabka Puntland iyo shacabkaleba diideen in 4.5 wax lagu qaybsado, laakiin arrinkaas waxaa diiday siyaasiyiinta Galmudug iyo Madaxwayne Xasan.

Hadana markii qir iyo qir lakala istaagay ayay Beesha Caalamku ku khasabtay Puntland in aqalka sare lagu qaybsho 18-kii Gobol, aqalka hoosana lagu qaybsho 4.5.

4.5 ayaa waxaa wax lagu qaybinayay 15 sano, waana nidaam aan xalaal ahayn oo aduunka wax isticmaalaa aynan jirin.

Hadaba Ugaaska beesha Cayr ayaan la arrag waligiis isaga oo ka hadlaya deegaanada ay alshaab ka haystaan beesha Hawiye gaar ahaan beesha cayr, iyo waliba sidii maamul lowgu dhisi lahaa maamul Gobaleedka Galmudug oo hada dhawr maamul ka kooban.

Maadama lagu heshiiayay in 18-kii Gobol waxlagu qaybsado oo Gobolkastaa la siiyo 3 kursi, Galmudug oo uu kasoo jeedo Ugaaska Beesha Cayr ayaa aqalka sare ka qaadatay 8 kursi, iyadoo Galmudug ay ka koobantahay Gobol iyo bar.

Dad badan ayaa is oranaya haddiiba ay xaaraan ahayd in Galmudug ay sad bursigaas qaadatay, hadana ay ugaasyadii Galmudug aynan wali qancin, talow markaas ma xal Soomaaliyeed baa laga raadinkaraa Odayaasha Dhaqanka.

Bil xaqiiqiyan waa fiicantahay in ay odayaasha iyo beelaha iyo ciddii wax tabanaysaaba ay nafisaan oo si cad tabashadooda u sheegaan, laakiin qolooyinkii iyaga laga tabanayay haday noqon lahayd burburintii qarankii soomaaliyeed, ku habsigii caasimaddii Soomaaliyeed, barakicintii iyo dhacii hantidii iyo deeganadii beelo kamida beelaha Soomaalieed.

Beeshii waxaas oo idil qaar kaleba laga tabanayay haddii uuba ugaaskeedii hadana tabanayo.

Hoos ka daawo.

One Response to Ugaaska Cayr Oo Loo Adeegsanayo Burburinta Doorashada 2016

  1. Pingback: Ugaaska Cayr Oo Loo Adeegsanayo Burburinta Doorashada 2016 - Daily Somalia Report