Ururka Saxafiyiinta Puntland oo Cambaareeyay Xukuumadda Gaas Xarigii Jaamac Daperaani (Dhegeyso Falanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Xukuumadda Prof Gaas marna cidi kama filayn nin Saxaafiya oo xiliggii uu gaas Musharaxa ahaa aan cidna u turi jirin ee cidwalba hadalada ku adkayn jiray in maanta xabsi loo taxaabo, iyadoo taasi 100% ka hor imanayso dastuurkii lagu doortay Xukuumadda Gaas.

Gaas nin Puntland Xoog iyo wax u dhow ku yimid ma ahayn ee wuxuu ahaa nin la doorto ninka ugu jilicsan, wuxuuna ahaa ninkii uu Faroole macaa Gaarigiisii ka qaaday, markaas maanta xad Gudub bay ku tahay Xukuumadda Gaas in ay Garan waayaan war meeshaan cod shacab baad ku timaaadeen ee xurmeeya Xoriyadda iyo rabitaanka shacabkii aad dhiigooda iyo dadaalkooda ku timaadeen.

Xukuumaddii faroole 90% waxaa riday Saxaafaddiii Puntland ee Faroole Mucaaradka ku ahayd iyo Musharxiintii Mucaaradka oo aanu Gaas ku jirin

Haddiiba ay xukuumadda Gaas ku dhiiradeen in ay xiraan Jaamac Deparaani, waxwalba waa rag ku dhiiran kara.

Maxaa hadaba marka uu arrinkaan oo kale dhacaa looga baahanyahay Shacabka.

Shacabka Puntland waa in ay kacdoon kan ugu ballaaran ka sameeyaan hadiiba ay hadda marayso yaan la hadlin, ama xoriyatul qowlkii calaamad su’aal la galinayo.

Waana dhaqan ay leeyihiin Xukuumadaha isdbamarinta iyo Musqumaasuqa wax ku maamula oo uma dulqaadan karaan shacab isla wayn oo su’aalo kulul waydiiya.

Ninka daacaddaa waa ku raaxaystaa su’aalaha kulul oo waliba waxay kor u qaadaan sumcadda ruuxa daacaddaa su’aalaha kulul oo marka la is karkariyo ayay Daacad iyo laqdabo kala Miirmaan.

Marka hadda Xukuumadda Gaas waa ay laba jirsatay waana Xili la is karkarinyo oo Daacad iyo Laqdabo lakala saarayo..

Daacad waxaa lagu yaqaanaa waa nidaam iyo xeer ku nool, waa qadiyad iyo dastuur ku nool.

Laqdabo waxaa lagu yaqaan, musuqmaasuq iyo dhuumasho iyo boobid awoodda shacabka.
Hoos ka dhegeyso ururka saxaafadda Puntland oo si caro leh uga hadlay