Uubatada iyo Baraarka [Sheekaxariirooyinka Aesop]

Filed under: Sheekooyinka Gaagaaban,Somali News,Uncategorized |

The Wolf and the Lamb

Uubatada iyo Baraarka [Sheekaxariirooyinka Aesop]

 

Uubato ayaa Baraar adhi ka soo hallaabay buur hoosteeda kula kulantay. Waxay go’aansatay in kolka hore aanay durbadiiba weerar ku qaadinnin, hayeeshee baraarku qirto in uu dembi galay, sidaas darteedna xaq ugu yeelato in ay cunto.

 

Uubatadii ayaa Baraarkii la hadashay oo ku tidhi: ”Baraarow, sannadkii dhowaa ee la soo dhaafay aad iyo aad baad ii aflaggaaddeeysey.”

”Dhabtii,” Baraarkii, isagoo baroor iyo qaylo isku daray ayuu cod baqdini ku jirto ku warceliyey oo yidhi: ”Xilligaas anigu wali maanan dhallannin.”

 

Dabadeed Uubatadii waxay tidhi: ”Cawskayga ayaad daaqdaa.”

”Maya, wacanow Mudane,” ayuu Baraarkii ku jawaabay, ”Caws la cuno wali anigu da’deedii ma gaadhinnin.”

 

Mar kale ayay Uubatadii tidhi: ”Biyo baad ceelkayga ka cabtaa.”

”Maya,” ayuu Baraarkii si caaddifad xooggani ku jirto u yidhi, ”Waligey iyo waaqay biyo maanan cabbinnin, ilaa iyo imminka caanaha hooyadayda ayaa cabbitaan iyo cunnaba ii ah.”

 

Uubatadii intay Baraarkii kor u soo dhufsatay ayay dhammaantii cuntay oo tidhi: ”Hagaag! Inkastoo Baraarow, mid walboo eedeemahaygii ka mid ahaa aad duudsidey, misana daw maaha in casho la’aani igu dhacdo.”

 

———————————————————————————————-

Marmarsiino kasta waa mid jaa’irka u adeegeysa

———————————————————————————————–

 

 

One Response to Uubatada iyo Baraarka [Sheekaxariirooyinka Aesop]

  1. Waa qiso cajiiba oo aad iiga qoslisay micno waynna xambaarsan

    Saynab
    July 25, 2014 at 6:01 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>