Virus-kii Galmudug Oo Puntland Ku Fiday Iyo Xildhibaan Ugu Baaqay Madaxwayne Gaas In Uu Is Casilo (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |


-Kadib markii ay xildhibaanada Galmudug maalin dhawayd xukunka ka qaadeen Madaxwaynaha Galmudug, ayaa waxaad mooddaa in uu hadda arrinkii durba ku fiday Puntland isla markaana ay soo baxayaan Xildhibaano ku dhiiranaya in uu Madaxwayne Gaas is casilo.

Soomaalida ayaa marka ay Madaxwayne doortaan aan haba yaraatee la xisaabtamin isla markaasna maadaama aan lala xisaabtamayn madaxwaynihiina siduu doonuu sameeyaa.

Waxaana hal mar isbadela shacuurta shacabka oo gacasho farabadan halmar banaanka soo dhiga, waxaana dheer qaar badan oo dantooda gaarkaa iyagoo wata ama ha noqoto abuubul mooshin lacag lagu cadaysanayo, ama mooshin ay wadaan siyaasiyiin dano gaara leh lasoo abaabulo iyadoo shacabka la marrin habaabinayo.

Laakiin inta badan waxaan africa ka dhicin wadaniyiin shacabka u shaqeeya oo madaxwaynaha sidii daacadda ahayd ula xisaabtama ama Madaxwayne is garta oo shacabka maamul wanaag iyo dawlad wanaag u horseeda.

dhegeyso Xidhibaan katirsan baarlamaanka Puntland oo ugu baaqay Madaxwaynaha Puntland in uu is casilo.
Xildhiban-Cabdi-Risaaq-iciid-Aadan

2 Responses to Virus-kii Galmudug Oo Puntland Ku Fiday Iyo Xildhibaan Ugu Baaqay Madaxwayne Gaas In Uu Is Casilo (Dhegeyso)

  1. Pingback: Virus-kii Galmudug Oo Puntland Ku Fiday Iyo Xildhibaan Ugu Baaqay Madaxwayne Gaas In Uu Is Casilo (Dhegeyso) - Daily Somalia Report