Wabsaydyo caana oo qoraya hadalo qabyaalad iyo colaad hurinaya Haddii 18 kii Gobol wax lagu qaybsado, beesha Muqdisho waxay leeyihiin. Galguduud, Hiiraan, Shabeelada dhexe, Mudug barkeed taasoo ka dhgan 3.5*3=10.5

Filed under: Important News,Wararka |

propaganda
Iyadoo ay Soomaaliaya 25 sano u afduubnayd siyaasiin arragti gaaban oo adeegsada shacabka masaakiintaa marka ay dan gooniya leeyihiin ayaad waxaad mooddaa in aynan wali Soomaali ku quusqaadan.

Xaaladda Soonaaliya hadda waa ay is badashay mana ahan xiligii halka meel Soomaali laga maamuli jiray, maanta xaaladdu waa ka duwan tahay oo maamul gobaleed kasta isagaa deegaankiisa ka arrimiya, ama beel walba iyadaa deegaankeeda u madax banaan.

Haddii aan si daacada wax lagu qaybsan ninka deegaankiisa ka taliya maadaama aynan cidina xukumin wuxuu ku adkaysanayaa in uunan ka mid ahayn wax qaybsigii cadaalad darada ahaa.

Hadaba murunka aqalka sare, haddii ay beesha Muqdisho laba maamul Gobaleed wax ku qaadatay oo 16 kursi sidaas ku qaadatay, marka sida cadaaladdaa wax loo qaybsado iyagayba kuraas dheeriya la socotaan marka laga eeggo deegaanada ay degaan beesha Muqdisho maadaama aan wali Soomaali la tirakoobin oo aan loo gudbin one man one vote, dhanka kale arrinku wuxuu ahaa in ama 18-kii Gobl wax lagu qaybsado, ama maamul Gobaleed.

Haddii 18 kii Gobol wax lagu qaybsado, beesha Muqdisho waxay leeyihiin.
Galguduud, Hiiraan, Shabeelada dhexe, Mudug barkeed
taasoo ka dhgan 3.5*3=10.5

Gobalka Banaadir waa degmooyin ay Soomaali oo dhan wada dhisatay, mana ahan Gobol dhul baaxadle haysta ee waa meel yar oo saro laga dhisay, hadana meelo badan baa saas oo kale la magaaleeyay sida Boosaaso, Gaalkacyo, Hargaysa, lamana dhihi karo waa Gobol.

Gobal waa dhul baaxadwayn, laakiin banaadir waa caasumad, isku qaybna lama siin karo oo mama barbar dhigi karo inta uu hello Gobalka Bari, oo ka baaxad wayn wadamo badan oo dunida kamida, oo bad baaxad wayn iyo deegaan aad u baaxad wayn leh.

Haddii ay shaxdu sidaas tahay, hadana haddaad furtid websiteyada beesha muqdisho dhamaantood waxay baahinayaan warar aan sax ahayn oo shacabka lagu marin haabibanyo, oo la leeyahay beesha daarood baa qaadatay kuraastii Gobalka banaadir, iyagoo iska indha tiraya xaqiiqda dhabtaa.

Akhri wararkay baahinayaan iyo borobogaandada webka caasimadda
http://caasimadda.com/

One Response to Wabsaydyo caana oo qoraya hadalo qabyaalad iyo colaad hurinaya Haddii 18 kii Gobol wax lagu qaybsado, beesha Muqdisho waxay leeyihiin. Galguduud, Hiiraan, Shabeelada dhexe, Mudug barkeed taasoo ka dhgan 3.5*3=10.5