Waftigii Madaxwayne Gaas ee Ethiopia Joogay Oo Sheegay In Guulo La Taabankaro Laga Gaaray Safarkoodii

Filed under: Important News,Wararka |

Waftiga ballaaran ee uu hogaamiyo Madaxwaynaha Dawladda Puntland Prof Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo ay la socdaan Wasiiru Dawlaha Waxbarashada Yaasiin Cabdi Seed, Wasiirka Ganacsiga Cabdiwali Indhaguran.

Sida ay P/O u Xaqiijiyeen qaar kamida waftiga Madaxwaynaha, waxaa rajo fiican laga qabaa marka safarka waftiga madaxwaynahu soo gabagaboobo, in si dhaqsiyo leh loo billaabi doono mashaariic wax ku oola oo ay ka mid yihiin.

-Kastamka Tuur-dibi oo ay hadda xiisaynayso Ethiopia, waaydawladda Ethiopia ayaa hadda doonaysa in xiriirka Ganacsi soomaaliya iyo Ethiopia kor loo qaado, qulquladaha iyo saboolnimada la yareeyo.
-Ayraboorka Gaalkacyo ayaa isna rajo fiican laga qabaa.
-Wadada Ayl iyo Garoowe iyadu waa diyaar.
-Dekada Garacad oo ay dhisanayaan Ganacsato deegaanka ah iyo Shirkad Chinese ah, balse Ethiopia ayaa hadda aad u xiisaynaysa dekadda Garacad, waxaana jira in Ethiopia ay doonayso in ay dhuumaha Gaaska qaada Gayso Dekadda Garacad si halkaas looga sii dhoofiyo, iyo waliba mashruuc wayn oo gaas dabiicigaa lowgu badalayo mi dareere ah, waa haddii dadka deegaanka ay arrinkaas yeellaan, waayo dadka deegaanka ayaa ka biya diidsanaa dhuumaha gaaska qaado oo la sheegay in haddii ay neefsadaan laga qaadocudurka kansarka.
-Wadada Ceerigaabo.
.Dekadda Boosaaso.

Isku soo duub waftiga madaxwaynaha ayaa sheegay haddii nabadgalyo taama la hello in ay mashaariicdaas dhammaantood diyaaryihiin, balse caqabadda ugu wayn ee hortaagan waa nabadgalyada oo xooggaa ay dhammaystirnayn isla markaana aynan maalgashadayaashu lacagtooda ciyaar ciyaar ugu aamini karrin, sidaa la ajligeed waa in ay shacabku ku dagaalamaan dhanka xasiloonida iyo nabad galyada, waayo taasaa hadda u fure ah in dalkii la maalgashado.
Puntlandobserver desk

2 Responses to Waftigii Madaxwayne Gaas ee Ethiopia Joogay Oo Sheegay In Guulo La Taabankaro Laga Gaaray Safarkoodii