Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr Baydhabo Oo Gaalkacyo Geeyay Qalab Casriya ee Caafimaadka Ilkaha (Dental Equipment)

Filed under: Important News,Wararka |

dr baydhabo

Dental Equipment
Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr Baydhabo oo muddo dheer ku lahaa xarumo caafimaad dalka Sweden, ayaa baryahaan wuxuu waday dadaal kaligi duulnimo ah oo ku wjahan sidii uu uga furi lahaa Soomaaliya xarumo caaafimaad oo lamida kuwa uu ku leeyahay dalka Swdeden.
Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr Baydhabo oo kamid ahaa Qurbajoogtii Soomaalida ee yimid Sweden sideetimaadkii ayaa markii uu waxbarashadiisa ku qaatay dalka Swden, isagoo qaatay shahaadada dhakhtarnimada hadana ku takhakkusay caafimaadka ilkaha wuxuu muddo dheer ku lahaa dalka swden xarumo caafimaad.

Dr Baydhabo ayaa baryahaan wuxuu go’aansaday in uu aqoontiisa oo baahi baaxadwayn looga qabo dalka Soomaaliya in uu dhankaas iyo Soomaaliyana xarumo caafimaadka oo kuwa ilkaha ah ka furo.

Waxaana nasiib u yeelatay magaalada Gaalkacyo in uu dhakhtar Baydhabo geeyo qalab casriya oo loo adeegsado dawaynta ilkaha oo u dhigma midka Sweden, waliba ah Qalab Cusub oo aan ahayn mid lasoo isticmaalay ama ay hay’ado iska badaleen ee uu Dr baydho gacantiisa ku soo iibshay.

Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr Baydhabo ayaa geeyay qalabka casrigaa Xarun uu ku leeyahay Isbitaalka wayn ee Maxamed Jaamac ee caanka ka ah magaalada Gaalkacyo

Dadaaalada uu wado Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr Baydhabo ayaad kala socon doontaa P/O