Wararkii Ugu Danbeeytay Xaaladda Gaalkacyo Oo Hadda Degan iyo Ciidamada Puntland Oo Goobahoodii hore dib ugu soo noqday

Filed under: Wararka |

Galabta xiligii salaadda casar ayaa waxaa weerar sadex geesooda soo qaaday maleeshiyaadka Galmudug iyagoo soo weeraray ciidan uu watey Jaamac dheere oo ku sugnaa fariisinka difaaca Puntland ee Galbeedka Gaalacyo.

Waxaana laga sii warhayay weerarka ay Galmudug soo wadaan, iyadoo galabta loo awood sheegtay maleeshiyaadka Galmudug, kadib markii gaari tigniko ahna laga gabay lagana qabsaday fariisinkii waynaa ee Galmudug ku lahaayeen Tuulo xaaraan.

Ciidanka Puntland ayaa amar lagu siiyay in ay kusoo noqdaan goobahoodii.

Magaalada Gaalkacyo ayaynan wax dagaala ka dhicin, waxaana aynan wax dagaala gaarin shacabka magaalada Gaalkacyo ee labada dhan ee Baraxlay iyo Waqooyiga Gaalkacyo, iyadoo uu furanyahay Ganacsiga magaakada iyo suuqa wayn ee u dhexeeya Galmudug iyo Puntland oo ay ka wada ganacsadaan shacabka labada dhan, suuqaas oo ganacsigiisu uu furanyahay iyo waliba hoteelada labada dhan oo furan, inkastoo uu dagaalku magaalada duleedkeeda ka socday hadana saamayn aad u wayn kuma yeelan magaalada dhexdeeda oo shacabka magaalada degan waxay maqlayeen dhawaqa rasaasta.

Ciidamada Puntland ayaa goobahoodii hore dib ugu soo noqday, halka aan laga warhayn in kuwa Galmaudug ay goobahoodi hore dib ugu soo noqdeen.

One Response to Wararkii Ugu Danbeeytay Xaaladda Gaalkacyo Oo Hadda Degan iyo Ciidamada Puntland Oo Goobahoodii hore dib ugu soo noqday

  1. Pingback: Wararkii Ugu Danbeeytay Xaaladda Gaalkacyo Oo Hadda Degan iyo Ciidamada Puntland Oo Goobahoodii hore dib ugu soo noqday - Daily Somalia Report